Munaasibaddii Xil-Wareejinta Wasiir-Xigeenkii hore ee Wasaaradda H. Maaliyadda

Hargeisa 09 Sept,2021(WHM)- Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta xilkii u kala wareejiyey Wasiir-Ku-Xigeenkii hore ee Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Yusuf (Salaf) oo loo maagacabay Wasiir-Ku-Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Warshaddaha & Dalxiiska iyo Wasiir-Ku-Xigeenka cusub ee loo soo magacaabay Wasaaradda H. Maaliyadda Marwo: Rooda Jaamac Cilmi.Munaasibadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda H. Maaliyadda waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Gudoomiyaha Hay’adda Maamulka Wanaaga Eng. Cabdiraxmaan X. Ducaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimayaasha Waaxaha wasaaradda Maaliyadda iyo marti-sharaf kale.Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo Wasiir-Ku-Xigeenkii hore ee Wasaaradda ku maamuusay shahaado sharaf ayaa ku sifeeyey shaqsi aad u qiimo badan, isaga oo sheegay inay ku xasuusan doonaan akhlaaq wanaag, dad-la-dhaqan iyo hawl-karnimo dheeraad ah.

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

?www.slmof.org? [email protected]

☎️ 513856Whatsap No: +252-657729999