Waaxda Arrimaha Dhaqaalaha Guud iyo Tirakoobka


Qaab-dhismeed ka Waaxda:

A. Dhaqaalaha

Hiigsiga

Hiigsiga waaxdani waa inay noqoto waax fududaysa, soona saarta siyaasado ku salaysan caddaymo xaqiijinaya horumar dhaqaale oo waara.

Himilada

Himilada waaxdani waa Cabbirridda xaaladda dhaqaale ee wadanka si ay u sameeyaan siyaasadaha miisaaniyadeed iyo lacageed looguna dejiyo dalka waddo horumar dhaqaale oo waara.

Ujeedooyin-ka

Ujeedooyin-ka aasaasiga ah ee Waaxda dhaqaalaha iyo Tiro-koobku waa:

  • In la soo uruuriyo xogta asaasiga ah iyo ta labaad ee loogu talagalay dejinta siyaasadaha dhaqaale;
  • In la dejiyo siyaasado dhaqaale iyo maaliyadeed oo hagaagsan oo abaabulaya ilaha maaliyadeed ee gudaha iyo dibedda ee loogu talagalay kharashaadka dadweynaha;
  • In kor loogu qaado xasilloonida dhaqaale ee qaran, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta dhaqan-dhaqaale loona yarayn lahaa saboolnimada;
  • Maadaama Miisaaniyaddu tahay qorshaha ugu muhiimsan ee dowladda ee fulinta siyaasadaheeda, waaxdu waxay bixin doontaa xogta aasaasiga ah ee saadaalinta dakhliga dhabta ah ee heerka dhaqaalaha guud ee waddanku marayo.