Waaxda Miisaaniyada


Qaab-dhismeed ka Waaxda

Miisaaniyadda

Hiigsiga

Diyaarinta miisaaniyad lagu kalsoonaan karo lana saadaalin karo, isla markaana ku salaysan qoondayn hufan oo wax ku ool ah isla xisaabtankeedana leh.

Himilada

Dajinta siyaasado toolmoon oo lagu jaa-gooyo miisaaniyada , kuwaas oo waafaqsan ujeedooyinka maaliyadeed iyo lacageed ee dalka.

Ujeedada Waaxdu waa in ay soo saarto miisaaniyad dhamaystiran/loo dhanyahay, run ku salaysan, taas oo laga dheehan karo mudnaan-siinta kala duwan ee hay’adaha dawlada.

Istaraatijiyada Ujeedooyin-ka iyo Mudnaanaha

Istaraatijiyada: Diyaarin Miisaaniyadeed oo heer-sare ah oo hufan, isla marakaana u dhaqan-gasha si wacan.

Ujeedada B: Xaqiijinta in la sameeyeyo qoondayn haboon, isla markaana sida ugu haboon loo adeegsado/kharash gareeyo.

 Ujeedada T: Xaqiinjinta in si hufan loo maareeyey lacagaha dawlada isla markaana isla xisaabtan jiro.

Ujeedada J:  In la hubiyo in nidaamka xisaabaadka iyo kala-saariddu munaasib tahay, looguna dhaqmay sida ugu haboon.

Ujeedada X: Xaqiijinta in xili hore loo sii daayo lacagaha dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawlada.

Ujeedada Kh: In la hubiyo in la helo miisaaniyad dhaystiran (comprehensive) isla markaana waafaqsan sharciga.