PFM Image

Xafiiska Dibu-habaynta Maamulka Maaliyadda ee (PFM)


Dawladda Somaliland waxa ay anxsixisay Tubta Dib-u-Habaynta Maamulka Maaliyadda (2013-2017) ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, taas oo loogu talo galay in kor loogu qaado awoodda iyo nidaamyadda maamulka maaliyadda ee dawladda, si loogu adeegsado maalka dawladda in la gaadho   yoolka Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo hiigsiga 2030.

Ujeeddadu waa in la hubiyo sidii Dawladda Somaliland u ugu maamuli lahayd  maaliyadda dawladda si heer sare ah, wax ku ool ah, banyaal ah  oo isla-xisaabtan ku dheehan yahay.  Sidoo kale Tubta Dib-u-Habaynta Maamulka Maaliyaddu waxay suurtogelinaysaa in si buuxda ay isula jaanqaadaan isla markaana is-kaabaan nidaamyadda kala duwan ee hirgelinta dib-u-habaynta maamulka maalidaddu.

Hiigsiga

Gaadhista heerka ugu sarreeya ee hufnaanta, daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka ee qoondaynta, maamulka iyo isticmaalka maaliyadadda dawladda, si loo fuliyo kala mudnaanta hawlaha iyo ballan qaadyada Qorshahaha Horumarinta Qaranka iyo hiigsiga 2030.

Himilada

Xidhiidhinta iyo is-waafajinta dib-u-habaynta maamulka maaliyadda si loo xoojiyo nidaamyada maamulka maaliyadda, korna loogu qaado hufnaanta iyo habsami u socodka, daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka isticmaalka iyo maamulka maaliyadda dawladda.

Ujeedooyin-ka

Ujeeddada weyn ee Dib-u-Habaynta Maamulka Maaliyaddu waa in la gaadho isu dheelitir dhammaystiran, dhinacyada oddoroska dakhliga iyo kharashaadka iyo qoondaynta maaliyadda ee kala horraysiinta mudnaanta baahiyaha aasaasiga ah, hufnaanta iyo habsami-usocodka adeeg bixinta dawladda.

Maamul maaliyadeed nidaamkiisu dhisan yahay wuxuu sahlaa isla-markaana suurtogeliyaa in uu yareeyo dayaca iyo khasaaraha ku yimaadda maaliyadda dawladda, waxaanu saacidaa hufnaanta iyo habsami-u-socodka isticimaalka lacagta cashuur-bixiyaha. Lacagta dawladda oo aan loo maamulin si sax ah, waxa ay saamayn taban ku yeelataa dhaqaalaha guud ee dalka. Maamul maaliyadeed tamar-daran wuxuu keenaa in khayraadka kooban aan si habboon looga faa’iidaysan oo uu dayacmo. Sidoo kale Musuq-maasuqu waxa uu tarmaa marka uu liito nidaamka maamulka maaliyaddu, waxaanu curyaamiyaa suurtogalnimada  koboc dhaqaale.

Tubta Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda

Waxa la jeexay tubta loo raacayo hannaanka Dib-u-Habaynta Maamulka Maaliyadda, si kor loogu qaado awoodda iyo nidaamyada dawladda, looguna isticmaalo lacagta dawladda in la gaadho yoolasha Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo ugu dambayntii kuwa 2030.

Qorshaha hawl-fulinta iyo tubta Dib-u-Habaynta  Maamulka Maaliyadda oo ay hoggoominayso dawladda Somaliland, waxa ay qeexday kala mudnaanta hawlaha dib-u-habaynta, qaabka iyo shaxda kala horraynta si loo fuliyo hawlo dib-u-habayneed oo cayiman, haggid abaabulka dakhli ururinta, kor u qaadida xidhiidhinta  iyo joogtaynta isbeddelada dib-u-habaynta ee xoojinta nidaamka maamulka maaliyadda.

PFM

 

Waa maxay Maamulka Maaliyadda Dawladdu?

Saddexda xaraf ee “PFM” – waxa ay u taagan yihiin afka qalaad (Public Financial Management) oo loola jeedo “Maamulka Maaliyadda Dawladda” oo macno ahaan loola jeedo sida waddan u ururiyo, u maamulo, una kharash-gareeyo lacagta dawladda. Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladdu (PFM) waxa uu isku deyayaa in uu hubiyo in dawladdu si hufan oo wax ku ool ah u isticmaasho kharash-gareynta iyo maalgelinta adeegyada bulshada. Hadaba, Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyaddu waxa uu raacaya hannaanka dawladuhu u maamulaan lacagta, si loog gaadho maxsuul, xilliga dhow, dhexe iyo fogba).

Habraaca Nidaamka Maanulka Maaliyaddu waxa uu ka kooban yahay dhawr habraac iyo nidaamyo isku lammaan oo mara hay’ado kala duwan oo dawli ah.

Habraacyadan waxa ka mid ah 4ta jaranjaro ee soo socda:

  1. Dejinta Miisaaniyadda (miisaaniyad tabaysan iyo diyaarin tabaysan)
  2. Ansixinta Miisaaniyadda (Doodda Wakiilada iyo meel-marinta)
  3. Dhaqangelinta Miisaaniyadda (Xisaab-celinta iyo Warbixinta, Dabar-gudeedka, Hanti-dhawrka iyo maaraynta khayraadka)
  4. Qiimaynta Miisaaniyadda (Baadhis iyo Isla-xisaabtan)

Tubta Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda

Dowladda Somaliland Waxay ansixisay Tubta Dib-U-Habaybta Maamulka maaliyadda 2013-2017 ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, taas oo loo qaabeeyey in ay kor u qaaddo awoodda iyo nidaamyadda maamulka maaliyadda, si loo gaadho yoolasha Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo hiigsiga 2030.

Ujeeddadu waa in la hubiyo in dawladda Somaliland u maamusho isticmalka, qoondaynta iyo maareynta lacagta dawladda si heer sare ah, habsami ah, daafuran oo isla-xisaabtan leh. Tubta Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyaddu waxay sidoo kale dhaqangelinaysaa tab dhamaystiran si ay isu kaabaan dhammaan nidaamyada isku lammaan ee Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyaddu.

Hannaan Tubta Dib-U-Habaynta Maanulka Maaliyadda

  1. Waxa loo baahan yahay Tubta Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliydadda, si kor loogu qaado awoodda iyo nidaamyada maamulka maaliyadda, si loogu isticmaalo lacagta dowladda hirgelinta yoolasha Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo hiigsiga 2030.Hadaba, tani waxay u baahan tahay in la dhiso awoodda shaqaalaha, hirgelinta nidaamyo wax ku ool ah oo suurtageliya habsamida maamul iyo warbixin maaliyadeed; xoojinta qaab-dhismeedka hay’adaha dowladda ee ku lug leh maamulka maaliyadda, iyada oo loo eegaayo hab-dhaqanada laysla-waafaqay ee caalamiga ah ee hirgelinta nidaam maamul maaliyadeed oo wax ku oo ah isla markaana daah-furan. Tani waxay sidoo kale u baahan tahay abaabul ay u dhan yihiin dhaammaan hay’adaha ku lugta leh maamulka maaliyadda dowladda, si loo gaadho hufnaan iyo daahfurnaan.

 

  1. “Hannaanka dowladdu u dhan tahay” amma “Hannaanka dhammayska tiran” ayey dowladdu hirgelisay, halkii laga dhur-sugi lahaa qorshe-hawleed sannadle ah, si gaar loogu saaro hawlaha u baahan tacaamul gaar ah”. Nidaamyada Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda ee kala duduwani waa kuwo u baahan in ay u shaqeeyaan si isku lammaan, si ay isu-kaabaan, halkii ay u shaqayn lahaayeen si gooni-gooni.

Mabaadii’da PFM-ka

Dowladdda wax ka go’an in ay diiradda saarto kuna tallaabsato dedaalada hirgelinta Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda, kuwaas oo socday illaa sannadkii 2006. Tubta fulinta Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyaddu waxay ku salaysan tahay muddo (4) afar sanno ah, waxaanay ka kooban tahay (5) Shan Tiir iyo 13 qaybood oo kale. Kuwan waxa loogu talogalay in ay u shaqeeyaan si talantaali ah, si ay kor ugu qaadaan aasaaska Dib-U-Habaynta Maaamulka Maaliyadda, una xoojiyaan xirfadda shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee dhinaca maamulka maaliyadda dowladda, si loo hubiyo helitaanka kalsoonida xogta maaliyadda.

Qiimayntii baahiyaha taagan iyo casharadii laga bartay ayaa lagu go’aan qaatay in Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyaddu noqdo mid:

  1. Dhammaystirnaan: oo ay ku jiraan dhammaan isbeddelada kala duwan ee nidaamyada Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda iyo sidoo kale hawlaha wadaagga ah (crosscutting), awood dhisidda, xaalada adeeg bixinta iyo nidaamka shariciyadda
  2. Is-xigxigidda hawlaha: dhawrista habsami u socodka iyo isu dheelitirka hawlaha shaqo.
  3. Maareyn Habboon: leh qaab maamul oo ay ka qayb-galaan daneeyayaashu oo suurtageliya dedaalo isbiirsada oo loo dhan yahay qaybinta ka yihiin madaxda sare iyo kuwa dhexe ee dawladdu, xidhiidhinta iyo iswaafajinta qaadhaan bixiyayaasha.
  4. Xidhiidhinta: Farsammo ahaan iyo fikir ahaan ba, shaxaynta iyo fulinta isbeddelada laga sugayo hawl-wadeenada qaybaha kala geddisan iyo hay’adaha dawladda ee leh mas’uuliyadda fulineed ee hawlaha la isla qaatay.

Marka la hirgeliyo nidaamka Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda, yoolku waa in Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu noqoto xuddunta xidhiidhinta iyo hoggaaminta Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda, isla markaana ay hubiso in hay’adaha kale ee dowladdu qaataan doorkooda kaga aaddan hirgelinta Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda, ilaaliyaana xeerarka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala.

Ugu dambayntii, hirgelinta maamul wanaaga maaliyaddu waxa uu u baahan yahay xilkasnimo iyo korjoogtayn leh awoood sharci.

Tubta Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyaddu waxa ay dib u hagaajinaysaa habacsanaanta ka jitra dhinacyada Baadhista Gudaha, Hanti-dhawrka Guud iyo  tayeynta baarlamaanka, gaar ahaan Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantidda Qaranka, si ay u gutaan waajibaadkooda, ugana qaybqaataan hirgelinta maamul wanaagga maaliyadda.

Si aad wax badan uga ogaato Barnaamijka Dib-u-Habaynta Maamulka Maaliyadda, fadlan booqo www.somalilandpfm.org.