Xisaabaad-ka Guud ee Dawlada


Qaab-dhismeed ka Xisaabaad-ka

Xisaabaadka

Hiigsiga

Inay noqoto hay'ad heerka koowaad ah taas oo bixisa maamul maaliyadeed oo tayo sare leh iyo adeegyada xisaabeed ee Dawlada.

Himilada

In loo  fuliyo adeegyada maareynta maaliyadeed iyo xisaabeed si aan dibudhac lahayn, la iskuna halleyn karo, saxna ah, is la jeer-kaasna waafaqsan xeerarka iyo habraacyada yaala, lana jaan-qaadi kara heerarka caalamiga ah (Int. Standards), taas oo loogga goleeyahay kor  u qaadida  is la xisaabtanka, daah-furnaanta, Hay’adaha Dowladda, iyo wax lagu gadido/iibiyo hantida qiime macquula oo lexejeclo ka muuqato.

Ujeedooyin-ka

  • Gacan siinta Hay’adaha dawlada marka laga hadlayo xaga go’aan qaadashada.
  • Kobcinta iyo korinta Isla-xisaabtan ka iyo Daah-furnaan ta Hay’adaha Dawlada.
  • Soo saarista hawl-wadeeno iyo saraakiil aqoon sare u leh xisaabaad-ka isla markaana kartidooda iyo doonis-toodu aad u sarayso.
  • Bixinta adeegyada Xisaabaad-ka Dawlada haday tahay kharash, dakhli, haynta diwaanka hantida Dawlada, maaraynta Kaydad-ka lacagta Bangiga, si loo helo hanaan-ka ugu haboon ee lagu xakamayn karo lacagaha iyo hantida Dawlada.

Istiraatijiyada

  • In la diyaariyo warbixinno maaliyadeed oo sax ah dib u dhacna lahayn, iyadoo la waafajinayo  heerarka caalamiga ah (Int. Standards) iyo hawl-gudasho toolmoon.
  • In la siiyo Hay’adaha Dawlada tilmaamaha iyo habraacyada xisaabeed iyo maaliyadeed ee ay u baahan yihiin.
  • In kor loo qaado xirfada iyo farsamada hawl-wadeenada iyo saraakiisha Dawlada ee ka shaqeeya qaybaha Xisaabaad-ka. .
  • Xoojinta iyo kor u qaadista aqoonta saraakiisha sidii ay ugu hogaansami lahaayeen xeerarka iyo siyaasadaha u dajisan arimaha maaliyadda.