Ujeedada Nidaamka


Ujeedooyinka ugu muhimsan nidaamkan IFMIS-ku waa in la helo isla xisaabtan cad oo ku salaysan macaamilka maaliyadeed. shaqo ku dhacda wakhtigeeda, saxnaansho ka badan intii hore, iyo hab loo daba gali karo hawlaha shaqo iyo hanti-dhawr wacan.

Faa'idoyinka Nidaamka Cusub


  • saxnaanta iyo daahfurnaan ku timaada xogta maaliyadeed.
  • Horumarinta adeega dawladda.
  • Helida xog go'aan sugan lagu qaadan karo
  • Maamulida iyo kobcinta dakhliga dawladda.
  • Kor u qaadida sumcada dawladnimo si loo helo maalgalin shisheeye.
  • Horumarinta nolol maalmeedka muwadiniinta Somaliland.

Qaybaha fulay


    1. Hannaanka Qorshaynta Miisaaniyadda: waa hannaan loogu talo galay in wasarad kasta ay soo gashato qorshaheeda miisaniyadeed ee sanadka markay ansixin ka hesho WHM. Hannaanka waxa uu kaantarool ku samaynayaa in aanay wasaraddaha ama hay'adda dawladu isticaamlin miisaaniyad ka badan tii loogu talo galay.
    2. Hannaanka Kaantaroolidda Miisaaniyadda :wasarrad kast iyo hay'ad kasta oo ka tirsan dawladda miisaaniyadeeda sanadka waxa ay u qaybsataa qoondo saddex bilood ah (Quarterely Allocation) ama loo yaqaano (Warrants & Sub Warrants). Waaranku waxa uu kaantaroola ama diida in la galo kharash ka badan qoondada saddex biloodka ah ee la soo ansixiyay.
    3. Hannaanka Maamulida  Kharashaadka :Hannankan waxa lagu maamulaa kharashaadka maalinlaha ah ee ay galaan wasaraddaha iyo hay'adaha dawladu.
    4. Hannaanka maamulida lacag bixinta : Hannaanka waxa loogu tallo galay in lagu maamulo lacag bixinta kharashaadka ay galaan wasaaradaha iyo hay'adaha dawladdu, waxa laga daabacayaa jeega lacag bixinta.
    5. Hannaanka Dakhli Qabashada :Hannaank waxa loo adeegsadaa in lagu qabto dakhliga iyo cashuuraha ay dawladdu qabato waxana loogu tallo galay in ay adeegsadaan cashuuraha berriga, Kastamka iyo wasaraddaha dakhliga soo xareeya.
    6. Warbixinaha Maaliyadeed ee Nidaamka : Nidaamkan cusub waxa uu siinayaa madaxda sare ee dawladda warbixinaha hadba ay ugu baahdaan in ay ka helaan nidaamkan isla wakhti xaadirka la joogo.
    7. Warbixinaha Shaxda ku muujisan: Dashboard-ka ama warbixnaha shaxaysan waxay ay is barbar dhigayaan qaybaha kala duwan ee nidaamkan sida dakhliga iyo kharashka iyag oo ku muujisan shax (Charts). Waxan ay fuduaynayaan fahanka dakhli ururinta iyo isticmaalka kharashka.

Qaybaha Qorshaysan


  1. Hannaanka Maamulida Mushaharaadka Shaqaalaha:Hannaanka waxa loogu talo galay in lagu maamulo macluumaadka la xidhiidh musharaadka shaqalaaha dawladda hadii ay tahay shaqaalaysiintooda, badalkooda, fasaxyadooda, dalacsiintooda IWM.
  2. Hannaanka Dhakli Ururinta : hannaanka waxa uu casriyaynaa ilaha dakhli ee dawladda, waxa uu yaraynaa lunsiga dakhliga dawladda,  waxana uu soo kordhinayaa illo cusub oo ay dawladu ka ehli karto dakhli cusub sida Road Tax, GST, Visa IWM.
  3. Hannaanka Maamulida Qandaraasyadda Qaranka:Hannaanka waxa uu suurto galinayaa in si wacan loo maamulo loonna shaaciyo qandaraasyada qaranka
  4. Hannaanka Maamuidda Daymaha Qaranka:Hannaanka waxa uu maamulayaa lana soconayaa daymaha ay dawladdu gasho, waxa uu la soconayaa hadba inta la bixiyo waxana uu hadba kuu sheegaya baaqiga daynta hadhsan