Sida Uu Qofku U Cadaynayo Badeecaddiisa/ Alaabadiisa


Waaxda Kastamada ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu (MoFD), waxa ay diyaarisay hab cusub oo loo cadaynayo badeecadaha/alaabooyinka ka soo daga dhamaan baraha kastamadda dalka ee ku yaala; Dakadaha, Garoomada Diyaaradaha, iyo Kastamada ku yaala Xuduudaha dalka iyo Baro-hubineedyada ku yaala gudaha dalka, taas oo qayb ka ha nidaamka casriyaynta iyo dib-u-habaynta nidaamka cadaynta badeecadaha/alaabooyinka si waafaqsan nidaamka cadaynta badeecadaha aduunka iyo hab maamulka shaqada wanaagsan. Sida uu dhigayo Xeerka Kastamada Lr. 73/2016, habka cusub ee cadaynta badeecaddu waxa uu Somaliland ka badali doonaa, nidaamkii hore ee ay saraakiisha Kastamadu buuxin jireen foomka Cadaynta badeecadda. Waxaana loo guuri doonaa in ganacsatada/wakiiladoodu buuxiyaan Foomka Cadaynta Badeecadda (GDF) si waafaqsan sharciga.

Sananadkii 2016, Kastamada Somaliland waxa ay soo saareen habka cadaynta badeecadda iyada oo la isticmaalayo foomka loo yaqano SAD-ka (Single Administrative Document), kaas oo ah foomka ugu ee Kastamadu u isticmaalaan Ganacsiga Caalamiga ah, si loogu fududeeyo ganacsatada iyo wakiiladooda in ay cadeeyaan badeecadohooda iyaga oo maraya nidaamka Kastamada oo ay ku jiraan; wax-soo-dajinta, dhoofinta, iyo badeecadaha dalka ka gudbaya (transit).  Si loogu diyaargaroobo isbadalada nidaamka dhamaystirka Kastamda ee Foomka SAD-ka, alaabooyinka aan ganacsiga ahayn oo kaliya ayaa loogu talogalay foomka cadaynta fudud si loogu isticmaalo Foomka Cadaynta Badeecadda (GDF). Foomkan waxaa lagu tijaabiyay Gagada Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal (EIA) mudo ka badan afar usbuuc (4 week). Sidoo kale waa la ansixiyay waana la aqbalay Foomka Cadaynta Badeecadda (GDF) tijaabadiisa, waanu ku haboonyahay in lagu isticmaalo nidaamka cadaynta badeecaddaha Kastamada dalka oo dhan.

Marka laga tago dhamaystirka iyo gudbinta Foomka Cadaynta Badda (GDF), habka cadaynta badeecadda ee qofka ganacsiga leh ama wakiiladoodu, waxaa loo baahanyahay in ay ganacsatadu diyaariyaan dhamaan macluumaadka iyo dukumantiyada/waraaqaha dhamays-ka-tiran oo ay ka mid yihiin; Qaansheegta badeecadda, warqadda rarka badeecadda ee Markabka, warqadda rarka badeecadda ee Diyaaradda iyo dhamaan waraaqaha/dukumantiyada ay Kastamaddu ka helayaan faahfaahinta badeecadda la soo dajiyay. Macluumaadka lagaaga baahanyahay waxa uu muhiim u yahay Kastamada, waxaanu ka caawinayaa in ay ogaadaan; qiimaha badeecadda, noocayada badeecadda, iyo asal ahaan halka ay ka soo jeedo badeecaddu. Hadii ganacsaduhu ku guuldaraysto in uu qaansheegta ku soo lifaaqo Foomka Cadaynta Badeecadda (GDF), waxa ay keenidoontaa in ay raagto cadaynta badeecadiisu iyo in aan loo siidaynin badeecadiisa ganacsi.

Ganacsatada ayaa ka masuula buuxinta/dhamaystirka liiska badeecadaha ee Foomka Cadaynta Badeecadda - GDF. Kastamadu waxa ay xaqiijindoonaan noocyada iyo qiimeyaasha badeecadaha ee Buuga Qiimaynta Badeecadaha (CVB).

Habka Cadaynta Badeecadda ee ganacsatada/wakiiladoodu, waxa ay u Kastamada u sahlidoontaa in ay casriyeeyaan nidaamkooda maamul, maaraynta khataraha kastamada, taas oo yarayndoonta inta jeer ee uu ganacsaduhu uga baahandoono Kastamka in uu kala xaajoodo badeecadaha u raran, taas oo isaga u dhibaato yar. Kastamadu waxa ay si joogto ah uga la shaqeeyaan ganacsatada reer Somaliland in ay hirgaliyaan nidaam u sahlaya in ganacsigooda oo halbeeg u noqda in si fudud ugala baxaan Kastamada alaabooyinkooda ganacsi.

Marka si buuxda loo isticmaalo, faa’iidooyinka uu Somaliland u leeyahay adeegsiga Foomka Cadaynta Badeecaddu (GDF) waa:

  • In loo hogaansamo sharciga iyo sida aduunyada lagaga dhaqmo ee wanaagsan
  • Helidda nidaam cadayneed oo waafaqsan habka caalamku wax u cadeeyo
  • In si saxa loo horumariyo xogta tirakoobka ganacsiga
  • In la xog laga ururiyo maaraynta khataraha magacsiga iyo kastamada.

Intaa dabadeed, waxaa laga rajaynayaa mulkiilayaasha hantida iyo wakiiladoodu ay furasad u helaan in ay ka cadeeyaan badeecadooda iyaga oo jooga Kastamada ama ay buuxiyaan foomka cadaynta badeecadda ka dibna u gudbiyaan Kastamda si electronic ah, iyaga oo jooga guryahooda ama xafiisyadooda mustaqbalka dhow.

Macluumaad dheeraada oo ku saabsan nidaamka cadaynta badeecadda ee qofka ganacsadaha ah ama wakiilkiisa iyo waraaqaha Foomka Cadaynta Badeecadda (GDF), waxa ay dadwaynuhu ka daalacan karaan mareegta wararka (http://somalilandmof.org/) ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

Wixii su’aala ama talo ah, fadlan kala xidhiidh meesha Kastam Xafiis kuugu-dhow.