Waa maxay cashuurta dakhliga kiradu?

Cashuurta dakhliga kiradu  waa cashuurta sanadlaha ah ee ay dadku ka bixiyaaan dakhligooda kirada . “dakhli kiro” waa wadarta guud kirada  ee uu qofku ka helo muddada sanad dakhliyeedka kirada  hantida ma guurtada ah ee uu ku leeyahay Somaliland dhexdeeda iyada oo laga jarayo oo kaliya khasaaraha raasamaalka, haddii uu jiro, kaas oo ka dhashay burburinta hantida kirada  ahayd. Shirkadaha waaweyn ee cashuurbixiyeyaasha ah loogama baahna in ay bixiyaan cashuurta dakhliga kirada. Taas bedelkeeda, waxa looga baahanyahay in ay ku daraan cashuurtooda dakhliga kirada dakhligooda kale ee xisaab celinaha cashuurta dakhli ee sanadlaha ah.

Yeey ku waajibtay bixinta cashuurta dakhliga kiradu?

Qof kasta oo cashuurbixiye ah ama ganacsade ah oo aan ahayn ganacsiyada waaweyn, oo dakhli ka hela kiro hanti ma guurta ah Somaliland dhexdeeda waxa ku waajibay in uu xareeyo bixiyana cashuurta dakhliga kirada  sanadlaha ah ee sanad kasta ka hor 30 ka bisha 4aad (April) ee sanadka soo socda.

Waa maxay qiimaha cashuurta ee cashuurta dakhliga kiradu?

Sida uu sheegayo qodobka 57aad ee xeerka dakhliga 2016, dakhliga kirada qofka ee sanad dakhliyeedka waxa laga qaadayaa cashuur dhan boqolkiiba toban (10%).

Sidee loo xisaabinayaa cashuurta dakhliga kirada?

Aan tusaale u soo qaadano in cashuurbixiyaha XY ku leeyahay laba guri oo la dego/degsiimo loogu talogalay (Guriga A iyo Guriga B) Hargeysa, Somaliland. Guriga A waxa uu ku yaalaa degmada 26 June dakhligiisa kiraduna bishii waa 20,000,000 SL.SH, guriga B waxa uu ku yaalaa degmada Gacan Libaax dakhligiisa kiraduna waa 15,000,000 SL.SH bishii. Labada gurriba sanadka 2019 wey kirraysnaayeen.  Maxay noqonaysaa cashuurta guud ee uu bixinayo XY 30 ka bisha April ee 2020?

Xisaabinta:

  • Dakhliga kirada sanadalaha ah ee ee Gurriga A ee ku yaal degmada 26 June = 20,000,000*12= 240,000,000 SL_SH
  • Dakhliga kirada sanadalaha ee Gurriga B ee ku yaaal degmada Gacan Libax = 15,000,000*12= 180,000,000 SL_SH
  • Waddarta dakhliga kirada ee sanadlaha ah ee sanadka 2019 = 240,000,000 + 180,000,000 = 420,000,000 SL_SH
  • Cashuurta dakhliga kirada sanadlaha ee uu bixinayo cashuurbixiye sanadka 2019 = 420,000,000*10% = 42,000,000 SL_SH
  • Cashuurta maamulka 2%*420,000,000= 8,400,000
  • Cashuurta shaanbada x 2.5%*(42,000,000+8,400,000) = 1,260,000
  • Cashuurta guud (42,000,000+ 8,400,000 + 1,260,000) = 51,660,000
  • Taariikhda la xareeynayo ee la bixinayaana waxay noqonaysaa 30th April 2020

Waa maxay kharashaadka iyo khasaaraha la xidhiidha kirada hantida ee laga jarayo dakhliga kirada ee cashuurtu ku waajibtay?

Kharashaadka ama khasaaraha la xidhiidha hantida laga jarimaayo laakiin saafiga khasaaraha raasamaalka ee ka dhasha burburinta hantida kirada ah ee sanad dakhliyeedkaa ayaa laga jarayaa dakhliga kirada ee cashuurtu ku waajibtay si waafaqsan qodobada 56aad faqradiisa 1aad xarafka (b) iyo 73aad faqradiisa 1aad xarafka (b) ee xeerka dakhliga 2016.

Xagee aan ka heli karaa foomamka xisaab celinta cashuurta dakhliga kirada iyo hageyaasha buuxintooda?

Foomamka cashuurta dakhliga kirada iyo hageyaashaba waxa laga heli karaa xafiis kasta oo Waaxda Cashuuraha Berrigu leedahay ama waxa lagala soo degi karaa mareegta Wasaaradda Maaliyadda ee.

Xageen ka xarayn karaa xisaab celinta cashuurtayda dakhliga kirada kuna bixin karaa?

Xisaab celinaha cashuurta dakhliga kirada iyo bixinteedaba waxa loo gudbinayaa xafiis kasta oo gobol ama degmo oo ay Waaxda Cashuuraha Berrigu ku leedahay Somaliland dhexdeeda.

Xilima ayaa dadka dakhliga kirada hela looga baahanyahay in ay xareeyaan xisaab celinta cashuurta?

Xisaaab celinaha cashuurta dakhliga kirada waxa aad u gudbinaysaa xafiiska ku yaal meesha aad degantahay ee Waaxda Cashuuraha Berriga afar bilood gudahood kadib dhammaadka sanadka (waa in aanay ka danbeyn 30 ka bisha April ee sanadka soo socda) sida uu sheegayo qodobka 142aad ee Xeerka Dakhliga 2016.

Maxaa dhacay marka xisaab celinta cashuurta kirada la xareeyo xili danbe?

Sida uu sheegayo qodobka 30aad ee xeerka dakhligu, qofka ku guuldaraysta in uu ku keeno xisaab celinta wakhitiga xeerku tilmaamay gudaheed waxa uu bixinayaa cashuur ganaax ah oo u dhiganta boqolkiiba laba (2%) cashuurta ay ahayd in uu bixiyo sanadkaa ama halkii qodob lacageed ba bishii (100 USD) mar kasta midka weyn, muddada xisaab celintu taagantahay. Dadka wakhtiga danbe xareeya waxa kale oo lagu xukumi karaa faldanbiyeed si waafaqsan qodobka 17aad ee xeerka dakhliga waxayna bixinayaan ganaax gaadhsiisan ilaa 1,500 USD.

Maxaa dhacaya marka cashuurta kirada la bixiyo wakhti danbe?

Sida uu sheegayo qodobka 16aad ee xeerka dakhligu, qof kasta oo ku guuldaraysta in uu bixiyo cashuurta dakhliga kirada ka hor taariikhda loogu talogalay ee 30 ka April waxa uu bixinayaa ganaax lacageed oo u dhigma boqolkiiba laba (2%) bishiiba lacagta aan la bixin oo laga soo xisaabiyay taariikhdii ay ahayd in lacagta la bixiyo ilaa taariikhda laga bixinayo lacagta.

 

Maxaa dhacaya haddii la xafidi waayo diiwaanada muhiimka ah sida heshiisyada kirada ee saxda ah?

Qofka si badheedh ah ugu guuldaraysta in uu xafido diiwaanada haboon ee sanadkaa waxa uu bixinayaa cashuur ganaax ah oo u dhiganta libinlaabka xaddiga cashuurta ah ee uu qofku sanadkaa bixin lahaa.  Qofka ku guuldaraysta in uu xafido diwaanada haboon sidoo kale waxa uu sameeyay faldanbiyeed waxana lagu xukumi karaa;

  • haddii ku guuldaraysashadu ahayd mid badheedh ah, ganaax aan ka yarayn shan iyo toban (15) qiimaha sarifka lacagta ah (currency points) (1,500 USD) ama xabsi muddo aan ka badnayn hal sano.
  • xaaladdaha kale oo dhan, ganaax aan ka badnayn shan iyo labaatan (25) qiimaha sarifka lacagta (2,500 USD).

 

 

 

 

XISAAB CELINTA CASHUURTA DAKHLIGA KIRADA (RIT)

Hageyaasha dhammaystirka Foomka Cashuurta Dakhliga Kirada