Waajibaad-ka Wasaaradda


Wasaaradda H.Maaliyada JSL waajibaad-keedu waa mid dastuuriya, waxaanay shaqadeedu tahay dajinta iyo maaraynta Miisaaniyad iyo kharashaad ku haboon ilaha maaliyadeed ee Dawlada. Waxay sidoo kale masuul katahay hubinta habsami u socodka midaamka maaliyadeed ee ay u idmantahay, iyo waliba kor-joogtaynta iyo xisaab-celinta kharashaadka Wasaaraddaha iyo Hay'adaha Dawladu galaan. Wasaaradda H.Maaliyadu iyadoo ka duulaysa awaamiirta uu farayo Xeerka Maamulka iyo Maaliyadda Xeer Lr. 75/2016, waxay isbedelo doora ku wadaa hore-udhigida iyo dardar-galinta habsami u socodka masuuliyada qaran ee ay u xil-saarantahay.

Himilada wasaaradda


Horumarinta iyo abaabulka dakhli ururinta, jiheynta maamulka maaliyadda iyo dhaqaalaha guud ee dalka. Dejinta siyaasado abdo leh (hufan) oo horseed u ah isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo horumarka waara, muddada fog.

Hiigsiga Wasaaradda


Wasaarad hanata nidaam maamul maaliyadeed oo hufan oo waara iyo horumar dhaqaale.

Shaxda Dhismaha Wasaaradda


 

Qaab-Dhismeedka Wasaaradda

Madaxda Sare ee Wasaaradda