Waaxda Kastamada


Qaab-dhismeed ka Waaxda

Kastamka

Hiigsiga

Hiigsigeenu waa dhiirigalinta iyo xoojinta ganacsiga, ku dhaqanka sharciga iyo kordhinta dakhliga gudaha iyadoo loo marayo hab khibrad ahaan iyo farsama ahaanba horumarsan, iyo iyadoo la dhawrayo heshiisyada iyo mabaadi’da caalamiga ah.

Himilada

Himiladeenu waa maamul kastan oo ku jooga mabaadi’da casriyeynta,dadaal iyo hawl socodsiin toolmoon taas oo qayb ka noqonaysa dadaallada lagu bixiyo gudbinta adeegyada kastamyada si xirfadaysan iyada la adeegsanayo khibrad iyo farsamo sare oo la jaan qaadi karta heerarka caalamiga ah, dakhli soo saar iyo waliba ilaalinta xuduudaha dalka iyo bulshadaba.

Ujeedooyin-ka

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee Waaxda Kastanadu waa:

  • Horumarinta habraac dakhli ururineed oo hufan, abdo leh oo isku mid ah ama midaysan.
  • Kordhinta xirfadda shaqaalaha iyada oo loo marayo faham cad iyo adeegsiga sharciga.
  • In si buuxda loo hirgaliyo shuruudaha laga rabo ganacsatada.
  • Si dhaw in loola shaqeeyo ganacsatada iyo daneeyayaasha kale iyadoo la adeegsanayo barnaamijyo wacyigalin iyo aqoon-kordhin ah.

Istaraatijiyadaha

  • Fududaynta iyo is waafajinta habraacyada Kastanada.
  • In dakhli loo ururiyo si hufan, wax ku ool ah xaqna ah.
  • Fududaynta ganacsiga.
  • Dajinta hab wanaagsan oo lagula tacaalo maaraynta khataraha.
  • In loo adeegsado aalada casriga ah ee Kambuyuutar-ka dhamaan hab-raacyada Kastanada.
  • Joogtaynta dadaalo dheeraad ah oo lagula dagaalamayo Kootarabaaninta iyo Tahriibinta.
  • Tababarida iyo layliyida shaqaalaha si loo horumariyo.