Waaxda Cashuuraha-Berriga
Qaab-Dhismeedka Waaxda
Hiigsiga
Nidaam maamul cashuureed oo casri ah, oo gacan ka geysanaya horumarka, iyo barwaaqoobida JSL.
Himilada
Kobcinta iyo kor u qaadida u hogaansamida dhamaan xeerar-ka Cashuuraha-beriga, wanaajinta nidaamka cashuurta loo qaado, taas oo ay dhinac-socoto adeeg-siinta dadweynaha.
Qiyam-ka
- Isla-xisaabtan
- Daah-furnaan
- Daacad-nimo
- Xilkas-nimo
- Feejignaan
- Wax-qabad
Ujeedooyin
Ujeedooyinka ugu waaweyn Waaxda CB waa:
- Fidinta iyo balaadhinta cashuuraha beriga;
- Gaadhida yoolasha dakhli iyadoo la hubinayo in cashuur kasta xiligeeda iyo xadigeeda lagu bixiyo.
- Foster taxpaying culture through tax awareness and education programs;
- Improve the quality of service to taxpayers;
- Restructure IRD to better achieving its mission.
Tilmaamaha Istaraatijiyadeed ee Waaxda Cashuuraha-Berriga
Tilmaamaha Istiraatijiyadeed ee Waaxdu wuxuu ku salaysan yahay sidan:
- Abaabulida dakhliga cashuuraha gudaha iyo dakhliga aan cashuuraha ahayn/dakhliga adeegyada;
- Meel marinta maamul cashuureed iyo habraacyo wax ku ool ah;
- In si buuxda loo dhaqan-galiyo xeerarka cashuuraha iyo hogaansanaanta cashuur-bixiyaha;
- Horumarinta iyo kor u qaadista cududa shaqaalaha Waaxda;