Md Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL


Md. Maxamed Cabdi Gurxan waa xirfadle ku talax-tagay aqoonta maaaliyadda dawlada, wuxuu shaqada wasaaradda ka bilaabay Kaaliyaha La taliyaha Waaxda Miisaaniyadda, waxaanu uga sii dalacay Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Beriga, Maamulaha Kastamka Dekeda Berbera iyo waliba Isu-duwaha Wasaaradda ee Gobol-ka Saaxil.

 

Md. Gurxan ka hor intaanu madaxweynhu xilkan u idman,  wuxuu ahaa Maareeyaha  Kayd-ka Diwaanada iyo daryeel-ka Macmiil ka ee Shirkadda Caalamiga ah ee DP-world. Waxaanu mudadii uu halkaa joogay dhaxlay khibrad dheeraad ah, taas oo la xidhiidha xaga horumarinta ganacsiga iyo daryeelka macmiilka, iyadoo gaysiisay inuu fursad u helo kulminta labada kaalmood ee kala ah shaqada dawladda ee uu hore uga soo shaqeeyey iyo tan suuqa gaar-ka ah.

 

Wuxuu ka qaatay Jaamacadda Hargeisa shahaadadiisii kowaad ee heer Jaamacadeed ee culuumta Maamulka iyo Ganacasiga (BA), waxaanu shahaadadiisii labaad ee jaamacada ka qaatay Jaamacada Open University Malaysia, taas oo la xidhiidhay Culuumta Maareynta Mashaariicda (MBA in Project Mgt.).