Amb. Roda Jamac Cilmi, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL

Marwo. Roda waxa loo magaacabay booska Wasiir-Ku-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda bishii September, 2021.

Marwo; Roda waxa ay hore u ahayd xubin firfircoon oo kaalin weyn ka soo qaadatay dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyayeed ee Dalka. Waxa ay ahayd mudo 5 sano ah Wakiilka Somaliland ee Dalka Sweden, iyada oo mudadii ay xilkaasi haysay xidhiidhka labada Dal kor u qaaday ilaa uu gaadhay mustawe ama heer fiican, waxa ay sidoo kale is la mudadaasi ahayd Isku-Xidhaha {Focal Person} Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan wadamada waqooyiga Qaaradda Yurub iyo Somaliland.

Ka hor intaasi oo dhan, Marwo. Roda Jama Elmi, waxa ay qayb ka soo noqotay maamulka Dawladda Sweden, iyada oo mar soo noqotay xil-dhibaan ka tirsan golayaasha deegaanka, waxa ay xubin ka soo noqotay guddiyada daryeelka caafimaadka ee heer gobol, iyo sidoo kale guddoomiyaha siyaasadda heer deegaan ee Xisbiga Liberaaliga ee Sweden.
Marwo: Roda Jamac, waxay ay shahaadadda labaad ee jaamacadda ka haysataa culuumta daawooyinka {pharmacy} iyada oo ka qaadatay Jaamacadda Gothenburg ee Dalka Sweden, waxa ay khibrad ballaadhan u leedahay maamulka hawlaha la xidhiidha daawooyinka. Waxa kale oo ay ahayd hormuudka hal-abuurada ganacsiyada la xidhiidha dawooyinka ee Somaliland.
Marwo: Roda Cilmi, waa xirfadle caafimaad {pharmacist} oo laysan ama ogolaansho ka haysata Sweden iyo Midowga Yurub. Waana qof u dhaqdhaqaaqa arimaha la xidhiidha fayo-qabka/caafimaadka dadka iyo deegaankaba.