Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka H. Maaliyadda JSL

Dr. Sacad Cali Shire waxa loo magacaabay xilkan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL bishii November 2018, ka dib mudo sedex sanadood ah oo uu ahaa Wasiirka wasaaradda Arimaha Debeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaanu xilkaa hayey intii u dhaxaysay October 2015 ilaa November 2018.

Waxa kale oo uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, mudo shan sano ah oo ka bilaabanta 2010 ilaa 2015. Mudooyinkaa uu xilka Wasiirnimo hayey wuxuu Wasiirku lasoo shaqeeyey gudiyo dhawr ah, oo ay ka mid yihiin Guddida Qorshaynta Qaranka, Guddida wadaaga ah ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland, Gudiga Sanduuqa ganacsiga Somaliland iyo Ka Talo-bixinta Deeqaha, Gudiga Dibu-habaynta Shaqaalaha, Guddida Dibu-habaynta Maamulka iyo Maaliyadda, Guddida Dhismaha Dekeda Berbera/Jidka Ganacsiga Berbera-Wajaale, Gudiga Miisaaniyadda Qaranka, Gudiga Dibu-habaynta Suuqa, Gudiga Dibu-habaynta dhulka, Gudiga Jaamacada Hargeisa iyo Gudiga Macadka Culuumta Badda ee Berbera.

Ka hor intaanu wasiirku kusoo biirin xukuumada, wuxuu ahaa maareeyaha shirkada xawilaadaha iyo adeegyada lacagaha ee Dahabshiil guud ahaan dalalka Yurub. Waxa uu xubin sare kasoo noqday gudiyada Horumarinta bulshadda, waxa uu Bare-sare kasoo noqday Jaamacadii Umadda ee Soomaaliyeed, wuxuu usoo shaqeeyey Barnaamijka Cuntada Aduun-ka (UN Food) iyo Hay’adda Beeraha Qaramadda Midoobay ee (FOA). Waxa uu sidoo kale usoo shaqeeyey Bangiga Horumarinta Aduunka Xafiiskiisa Washington DC.

Dr. Sacad Cali Shire waa dhaqaale yahan, waana khabiir dhinaca Beeraha ah. Wuxuu culuumta Beeraha ka bartay Jaamacadda Havana University ee wadanka Kuyuuba (Cuba)  iyo Jaamacadii Umadda ee Soomaaliya, halkaas oo uu ka qaatay Shahaadada Kowaad (Bachelor degree). Waxaanu intaa ka dib mudane Sacad Cali Shire kasii watay hayaankiisa waxbarasho Jaamacadda Pennsylvania ee cariga Maraykanka, halkaas oo uu ka qaatay Shahaadada Labaad ee Jaamacada (Master’s Degree), iyo Shahaadada Sare ee PhD-da ee culuumta beeraha. Sidoo kale waxa uu Diploma sare ka haystaa culuumta Bangiyada Islaamiga ah (Islamic Banking), waxaanu ka diwaan-gashanyahay Ururo Dhawra sida CFA.

Mudane Sacad wuxuu ka mid yahay aasaasa-yaasha Macaahid Waxbarasho, Jaamacado, Ururo Bulsho, Ururo Xirfad-layaal iyo Aqoon-yahan intaba, sida Jaamacada Hargeisa, Jaamacada Burco, Ururka Beeraha Somaliland, Ururka Dhaqaala-yahanka, Ururka Xirfadlayaasha Xisaabaadka iyo Tirakoobka  iyo Ururka Jaaliyada reer Somaliland ee cariga Ingiriiska.