Heshiiska Cashuur-bixiyeyaasha

Fariinta Agaasimaha

Waxaan ku faraxsanahay in aan cashuur-bixiyeyaashayada qiimaha leh u soo bandhigo Heshiiska Cashuur-bixiyeyaasha ee Waaxda Cashuuraha Berriga. Heshiiskani waxa uu muujinayaa sida aanu u doonayno, noogana go’antahay hirgalinta barnaamijyada is-bedelka ee Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Mudane Sacad Cali Shire hormoodka noogu yahay. Heshiisku waxa uu soo bandhigayaa, sheegayaana hiigsigayaga, hadafkayaga, mabaadiida muhiimka ah iyo adeegyada cashuur-bixiyeyaasha. Dulucda heshiiskani waa tilmaamista xuquuqda iyo waajibaadka cashuur-bixiyeyaasha.

Waaxda Cashuuraha Berrigu waxay doonaysaa in ay u maamusho hababka cashuuraha gudaha si dhisaysa oo kor u qaadaysa kalsoonida cashuur-bixiyaha. Si arrintan loo hirgaliyo, waxaanu u baahanahay inaanu xidhiidh fiican oo ku salaysan is-aaminaad iyo ixtiraam laba dhinac ah la yeelano cashuur-bixiyeyaasha. Si aan xidhiidhkaa u dhisno, waxaanu:

  • Si daacad ah, daahfuran oo isla xisaabtan leh ula macaamilaynaa cashuur-bixiyeyaasha.
  • Nahay xirfad yaqaan, baahidaada si degdeg ah oo caddaalad ah uga jawaabaya, tixgalinayana duruufahaaga iyo hab-dhaqankii hore ee hogaansanaanta/dhago nugaylka.
  • Isku dayaynaa in aanu inta suurtagal ah kuu fududayno fulinta waajibaadkaaga cashuureed.
  • Kaa caawinaynaa in aad fuliso waajibaadkaaga, anaga oo ku siinayna talo iyo macluumaad laysku halayn karo.
  • Isku dayaynaa in aanu yarayno kharashaadka si aad u fuliso waajibaadkaaga;
  • Nahay kuwo ku adag kuwa isku daya in ay ka baxsadaan waajibaadkooda si wax ku ool ahna ula xisaabtama.

Heshiiska cashuur-bixiyeyaashu waxa uu sheegayaa waxa aad naga filan karto marka aanu fulinayno balanqaadyadan.

Abdisalam Mohamed Mohamoud

Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga

Hordhac

Shuruucda Cashuuraha ee Somaliland waxa ay u baahan yihiin in aynu bixino cashuurta, taas oo maalgelin u ah shaqooyin badan oo ay dawladdu qabato iyo adeegyo ay siiyo dadka sida waxbarashada, mushaharka shaqaalaha dawladda, caafimaadka iyo gaashaandhigga. Waxa aanu hirgelinaynaa nidaam cashuur bixineed oo cusub oo ku salaysan isla xisaabtanka cashuur bixiyayaashu cashuurta ay bixiyeen. Si ka mid ah nidaamkan, waxa aanu bixinaynaa adeegyo badan oo kala duwan oo kaa caawinaya sidii aad u bixin lahayd cashuurta.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Shaqaalaheeda waaxda cashuuruhu waxa ay ku dhaqmayaan mabda’a aasaasiga ee ah in cashuur bixiyayaasha muwaadiniinta ah iyo kuwa aan muwaadiniinta ahayni ay cashuurta ku bixin doonaan si waafaqsan sharciga marka loola dhaqmo ixtiraam iyo caddaalad isla markaana la siiyo dhamaan wixii macluumaad, talo, caawin iyo adeegyo kele ah ee ay u baahdaan si ay u gutaan waajibkooda.

Xeerka cashuur bixiyuhu waxa uu si la fahmi karo u faahfaahinayaa xuquuqdaada iyo waajibaadka ku saaran cashuur bixiye ahaan, waxaanuu qeexayaa adeegyada aanu bixino. Ma beddelayo sharciga laftiisa. Marka lagu daro xuquuqdaada iyo waajibaadka ku saaran waxa ka soo baxaya xidhiidhka wada shaqayneed ee aynu ka rabno bulshada oo ku dhisan kalsooni iyo ixtiraam labada dhinac ah.

Ujeeddooyinka, Hadafka iyo Hiigsiga Waaxda Cashuuraha Berriga

Hiigsigeena:

In aan noqono hormoodka maamulka dakhli ururinta oo ay astaan u tahay caddaalad, hal-abuur iyo adeeg heer sare ah.

Himiladeena:

Ujeeddada Waaxda Cashuuraha Berrigu waa in ay u qabato xaddiga haboon ee dakhliga cashuurta sida ugu dhibta yar, in ay dadweynaha u adeegto iyada oo si joogto ah u hormarinaysa tayada adeegyada ay qabato, korna u qaado kalsoonida xaqiijisana saxnimada maamulka si ay u hesho kalsoonida daneeyayaasha iyo dadweynahaba.

Ujeeddooyinkeena:

Ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee Waaxda Cashuuraha Berrigu waa in:

  • La balaadhiyo ilaha cashuuraha;
  • La gaadho bartilmaameedyada dakhliga iyada oo la xaqiijinayo in wakhtiga ugu haboon lagu xareeyo, wakhtigeedadana ay ku bixiyaan xaddiga saxda ah cashuur-bixiyeyaashu;
  • Kor loo qaado dhaqanka cashuur bixinta iyada oo la samayanayo barnaamijyo waxbarasho iyo wacyigalino ku saabsan cashuur bixinta;
  • La hormariyo tayada adeega la siinayo cashuur-bixiyeyaasha;
  • Qaab-dhismeedka Waaxda Cashuuraha Berriga dib loogu noqdo si ay u gaadho hadafkeeda.

Adeegyada Waaxda Cashuurtu Kuu Qabato

Waaxda cashuurtu waxa ay u qaabaysan tahay sida ugu wanaagsan ee ay kuugu adeegi lahayd. Adeegyadeeda ugu muhiimsan ee caawiya cashuur bixiyayaashu waa:

  • Adeegyada caawinta iyo miiska macluumaadka cashuur bixiyaha
  • Diiwaangelinta  iyo bixinta lambarka cashuur bixiyaha
  • Adeegyada soo celinta
  • Adeegyada caddaynta cashuurta
  • Adeegyada hanti-dhowrka iyo qiimaynta cashuurta
  • Adeegyada bixinta cashuurta
  • Adeegyada maamulka daynta cashuurta
  • Adeegyada waydiinta iyo cabashada cashuur bixiyaha

Heshiiska Cashuur-bixiyeyaasha

Heshiiskan cashuur-bixiyeyaashu waxa uu si fudud u tilmaamayaa/sheegayaa xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga ka cashuur-bixiye ahaan. Heshiisku ma bedelayo sharciga laftiisa. Balse in heshiiska lagu daro xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga labadaba, waxa ay ka turjumaysaa xidhiidhka wadashaqayneed ee aanu doonayno in aanu la yeelano bulshada oo ku salaysan is-ixtiraam iyo is-aaminaad

Xuquuqdaada cashuur-bixiye ahaan –

Waxyaabahan soo socda ayaad xaq noogu leedahay:

Xuquuqda Adeega aad filayso/laguu qabanayo
1.    Xog iyo kaalmo/caawin si aad ugu hogaansanto Xeerka DakhligaWaxa aanu kaaga jawaabi doona su’aalahaaga Xafiisyada Waaxda, waxaanu kaa caawin doona in aad buuxbuuxiso foomamka, waxa aanu caawimo kugu siin karnaa mareegtayada ama barta bulshada, waxananu kuu sheegi doona sababaha go’aamada aanu gaadhnay ee kugu saabsan marka aad codsato.
2.    In laguula dhaqmo si ixtiraam, xushmad, sharaf iyo dhexdhexaad ahWaxa aanu dhagaysan doonnaa cabashooyinkaaga, si xushmad iyo ixtiraam lehna waanu kuula macaamili, dad ama koox gaar ahna u eexan mayno. Waxa aanu soo dhaweyn doonnaa oo aqbali doonnaa waxa aad noo sheegto, haddii aanaan u arag in aanad daacad ahayn.
3.    Haddaad cabato, wax diiddo ama racfaan qabto, in la tixgaliyo codsigaaga sida ugu dhakhsaha badanna laguugu soo jawaabo.Haddii aanad ku faraxsanayn dhaqanka aad nagala kulantay, waxad u caban kartaa maamulaha qaybta ama xafiiska ay khusayso. Haddii cabashadaada halkaa lagu xalin waayo waxa aad qoraal cabasho ah u gudbin kartaa Qaybta Daryeelka Macaamiisha iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda.
4.    In sirtaada la dhawro xogta aanu kaa helayna loo tixgaliyo sir.Xogta ku saabsan shaqadaada si hoose oo kaliya ayaa Wasaaradda loola wadaagayaa si ay shaqadeeda uga qabsato, waxa lala wadaagayaa hay’addaha kale marka sharcigu ogolaado, ama aad adigu ogolaato in lala wadaago.

Waajibaadkaaga Cashuur-bixiye ahaan–

Waxa aanu kaa filaynaa waxyaabahan soo socda:

Waajibaadka Maxay tahay in aad qabato
1.    Ganacsigaaga ka diwaangali Waaxda sida ugu dhakhsaha badan marka loo baahdoKu codso lambarka aqoonsiga cashuur-bixiyaha (TIN) foomka rasmiga ah 21 maalmood gudahood marka aad bilawdo ganacsiga, ama marka ay codsato Waaxdu haddii dakhligaagu ka badto xaddiga ugu badan ee diwaangalinta oo ah 5 miliyan Somaliland shilling ah.
2.    Xaree xisaab celintaada, bixi cashuurtaada, cashuurta shaqaalaha laga jaro sida sharcigu qabo wakhtigeeda.Ku xaree xisaab celinaha wakhtiga loogu talogalay adiga oo isticmaalaya foomka rasmiga ah ee cashuuraha bixintoodu kugu waajibtay. Cashuuraha laga jaray lacagaha dadka kale sida shaqaalaha iyo dadka aan waddanka degenayn  marka uu sharcigu tilmaamo, ku bixi cashuuraha oo ay ku jiraan kuwa dakhliga laga jaraa wakhtiga loogu talogalay.
3.    Hay diwaanada dhammayskatiran, saxda ah oo la cusboonaysiiyay ugu yaraan shan sanadood. Samayso diwaanada dhaqdhaqaaqyadaada iyo hantidaada taas oo kuugu filan in aad ku ogaato cashuuraha lagugu leeyahay. Hay diiwaanadan ugu yaraan shan sano kadib dhammaadka sanad dhakhliyeedka macaamilku dhacday. U turjun luuqada Soomaaliga diiwaanada qaar haddii loo baahdo.
             4.        Noqo mid aan waxba qarin oo daacad ah marka aad nala macaamilaysoBixi xisaab-celinaha dhammayskatiran ee saxda iyo xogta marka lagaaga baahdo in aad bixiso. Su’aalaha uga jawaab si dhammaystiran oo daacad ah.
5.    La shaqee shaqaalahayaga ulana dhaqan si ixtiraam, xushmad iyo sharaf leh.Dhagayso/ u dhaga nuglaw codsiyadayada una hogaansan. Ka dheeraw ficilada ka hor istaagaya shaqaalahayaga in ay gutaan waajibaadkooda, noqo mid xushmad leh oo ixtiraam leh marka aad la macaamilayso shaqaalahayaga.
6.    Qaad talaabooyinka aad ku fahmayso waajibaadkaaga iskana ilaali in aad khalad samayso.Kala tasho Waaxda Cashuuraha Berriga ama khabiir kale cashuuraha kugu waajibay iskuna day in aad fahanto taladaas. Xaqiiji in marka aad samaynayso diiwanada, ka shaqaynayso cashuuraha ama aad buuxinayso foomamka iyo xisaab celinta, aad fahanto in shuruudaha iyo xogta lagu siiyay tahay mid sax ah.

Mabaadii’da Adeegga Heshiiska Cashuur-bixiyeyaasha

Heshiiska cashuur-bixiyeyaasha waxa uu tilmaamayaa wakhtiyada  aanu doonayno  in aan la dhaafin si aanu ugu adeegno cashuur-bixiyeyaasha. Jadwalka wakhtigu waxa uu ka bilaabmayaa wakhtiga aad soo gudbisid dhammaan xogta aanu u baahannahay ama shuruudaha kale ee ay tahay in aad buuxiso si aanu kuugu adeegno. (Fiiri sida ku qeexan jaantuska hoose).

Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu si talaabo-talaabo ah ayay u fulinaysaa shuruucda cusub ee kastamada iyo dakhliga. Mabaadii’dan adeegga waxa lagu darayaa ama loo soo kordhinayaa hanaanka cusub si ay uga qayb qaataan fulinta xeerarkaas.

Habraaca Shuruudaha/Waxyaabaha
Loo Baahanyahay
Wakhtiga adeeg – HargeysaCabbirka
Su’aal u soo gudbi degmada ama xarunta dhexeXog kasta oo dheeraad ah oo loo baahanyahay waa lagaala talinaya marka aad su’aalo kasoo gudbisidUgu badnaan sug 30 daqiiqadoodFalcelinta/Jawaabta cashuur-bixiyeyaasha
Diwaangali cashuur-bixiyaha una soo saar caddaynta/shahaaada lambarka aqoonsiga cashuurta ee shakhsiga ah·    Codsi dhammaystiran;

·    Kaadhka aqoonsiga muwaadinka ama baasaaboor;

·    Ruqsad ganacsi.
Hal maalin shaqoTaariikhda codsiga la qabtay iyo taariikhda shahaaadada/wargalinta la soo saaray
Diwaangali cashuur-bixiyaha una soo saar caddaynta lambarka aqoonsiga cashuur-bixiyaha ee shirkada, iskaashatada, ururka iwm·    Codsi dhammaystiran;

·    Kaadhka aqoonsiga muwaadinka ama baasaaborka maamulka guud;

·    Ruqsad ganacsi;

·    Qodobada aasaaska shirkada, heshiiska iskaashatada ama qoraal kale oo caddaynaya jiritaanka iyo nooca cashuur-bixiyaha.
Hal maalin shaqoTaariikhda codsiga la qabtay iyo taariikhda shahaaadada/wargalinta  la soo saaray
Soo saarista caddaynta cashuur la’aanta·    Codsi dhammaystiran oo uu ku jiro lambarka aqoonsiga cashuur-bixiyaha4 maalin shaqoTaariikhda la aqbalay codsiga shahaadana la soo saaray.