ABAAL-MARINTA SHAQAALIHII UGU WANAAGSANAA WASAARADDA H.MAALIYADDA JSL SANADKII 2020-KA.


Hargeisa 07 June, 2021 (WHM)- Waxa xalay lagu qabtay magaalada Hargeisa Mango Garden Hall munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay taas oo lagu abaal-marinayey 100 qof oo ka mid ah shaqalaaha Wasaaradda H.Maaliyadda JSL kuwaas oo loo aqoonsaday shaqaalihii ugu wanaagsanaa sanadkii 2020-ka.

Tiro dhan 1,066 (Kun iyo lix iyo lixdan) qof oo shaqaale ah balse aanay ku jirin shaqaala-hoosaadku oo iyaga loo maray hanaanka ka duwan ayaa iyagu si madax-banaan isu soo qiimeeyey iyadoo aanay haba yaraatee wax door ah ku lahayn Madaxda sare iyo Agaasinka Waaxaha kala duwan ee Wasaaraddu.

Hanaanka kala xulista shaqaalaha loo maray oo feejignaantiisa, taxadirkiisa iyo hawshiisa lahaa iyo waliba saamayntii dhaqaale ee ay keeneen Covid-19 iyo Ayaxa ayaa keentay dib-u-dhaca qabsoomida munaasibada.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda oo ay ugu horeeyaan Wasiirka, Wasiir-Xigeenka, Agaasimaha Guud, Madax iyo marti-sharaf kale ayaa ka soo qayb-galay munaasibada iyada oo abaal-marino la gudoonsiiyey shaqaalihii ku soo baxay qiimaynta ee loo aqoonsaday kuwii ugu wanaagsanaa sanadkii 2020.

Waxa xusid mudan in qiimaynta iyo kala saarida shaqaalaha sanadkan socda ee 2021 lagu salayn doono qorshe-hawleedka Waax kasta u yaala iyo waajibaad shaqaale kasta loo xilsaaray.

Ugu danbayn, waxaanu hanbalyo iyo bogaadin u diraynaa dhamaan shaqaalihii loo aqoonsaday kuwa ugu wanaagsan sanadka 2020-ka, iyo shaqaalaha kale ee abaalmarinta mudan laakiin aan la xusin sanadkan.

=Wabilaahi tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhak Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta
Website: www.slmof.org
Email: [email protected]
Tell: 513856
Whatsapp No: 0657729999

IMG_9925
IMG_0181
IMG_0001

FUDUDAYNTA HANAANKA CASHUUR-BIXINTA IYO WALIBA CASRIYEYNTA ADEEG-BIXINTA KASTAMADA DALKA.


Hargeisa 29 April, 2021 (WHM)- Waxa shalay tabobar loogu qabtay Xarunta Rugta Ganacsiga Somaliland xubno ka mid ah ganacsatada wax kala soo degta Dekeda Caalamiga ah ee Berbera , tabobarka oo ay soo diyaarisay Waaxda kastamada gaar ahaan Qaybta Maaraynta Khataraha Kastamada (CRMS) oo kaashanaysa Hay’adda OPM wuxuu daaranaa Adeegsiga Hanaanka Is-Wada ee Cashuur-bixinta.
Sidaad la socotaan waxa socda dib-u-habaynta iyo dhismaha dekeda cusub oo ay laga maarmaan tahay in ka kastam ahaan iyo ka ganacsato ahaanba aynu la jaan-qaadno si aan u fududayno in ganacsigeenu noqdo mid daah-furan una diyaarsan is bedelada inagu soo fool leh ee dekeda cusub.
Hadaba, anagoo taa ka duulayna waxa naga go’an fulinta talaabooyin hor leh oo aanu ku doonayno in shaqooyinka kastamada loo bedelo meel ganacsatu adeega ay kastamka uga baahan yihiin ku helikaraan hab Online ah soona buuxiyaan iyagoo jooga xafiisyadooda iyo goobahooda shaqo si loo horomarinayo sidii ay shaqadu ugu fududaan lahayd Ganacsatada iyo Maamulka Kastamada.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
Website: slmof.org
Email: [email protected]
Landline: 513856
Whatsapp: 065-7729999

WhatsApp Image 2021-04-30 at 01.43.45
WhatsApp Image 2021-04-30 at 01.43.47
WhatsApp Image 2021-04-30 at 01.43.44

TOOSINTA QIYAMKA HAWL-WADEENADA DAKHLIGA.


Gabiley 26 April, 2021 (WHM)-Agasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan oo ay weheliyaan Agaasimayaasha Waaxaha Xidhiidhka Dadweynaha lyo Kastmada ayaa kala qayb-galay muxaadiro diini ah oo loo qabtay Sarakiisha ,Maamulka Iyo Hawl-wadeenada Kastamka Kalabaydh, muxadaradaas oo hal-ku-dhegeedu ahaa Gudashada Amaanada Iyo Dhawrsanaanta Akhlaaqda Shaqada wuxuu Agasimaha Guud kula dardaarmay inay ilaaliyaan amaanada ay Qaranka u hayaan uguna shaqeeyaan si eex-la'aan ah.
Sh. Mustafe Boos oo ahaa sheekha muxaadarada bixinayey ayaa isaguna ku dheeraaday kaalinta weyn ee ay ku leedahay diinteena suuban ilaalinta amaanadu.

Arintani waxay qayb ka tahay barnaamij aanu ku doonayno inaanu ku toosino qiyamka guud ahaan hawl-wadeenada dakhliga iyo ciidamada ilaalada cashuuraha.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha lyo Xogta

Website: wwwe.slmof.org ama som.slmof.org Email: [email protected]
Whatsapp: 0657729999
Landline: 513856

WhatsApp Image 2021-04-27 at 02.32.53
WhatsApp Image 2021-04-27 at 02.32.51
WhatsApp Image 2021-04-27 at 02.32.42

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Tababar Mihiim Ah U Furay Saraakiil Ka Tirsan Cidanka Ilaalada Cashuuraha


Hargeisa, April 6, 2021 (WHM) - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md Maxamed Cabdi Gurxan ayaa tababar mihiim ah xalay u furay Saraakiil ka tirsan Ciidanka ilaalada cashuuraha Somaliland ee Turba-taariyada ee ka hawlgala magaaladda Hargeisa.
Tababarkaas ayaa ciidanka lagu barayey casharo ku taculuqa daryeelka macmiilka iyo xidhiidhka Bulshadda.
Agaasimaha horumarinta maaliyadda Mr Gurxan ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidanka ilaalada cashuuraha Somaliland ee tababarkaasi loo qabtay inay si wanaagsan ula dhaqmaan cashuur-bixiyaha, kaas oo madashaasi ka sheegay inay mihiimad wayn qaranka iyo wasaaradaba u leedahay xaqdhawrka iyo daryeelka cashuur-bixiyuhu.
Agaasime Gurxan waxa uu sidoo kale madashaasi ka sheegay inay ka wasaarad ahaan ka shaqayn doonaan sidii loo kobcin lahaa aqoonta ciidanka ilaalada cashuuraha si ay xogogaal ugu noqdaan noocyada cashuuraha iyo culuumta cashuurta.
Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda horumarinta maaliyadda JSL ayaa mudooyinkii u danbeeyey xooga saaraysay kor u qaadista iyo kobcinta wacyiga hawl-wadeenada cashuuraha iyo ciidanka ilaalada cashuuraha.
Waxa kale oo iyaguna madashaasi ka hadlay Agaasime ku xigeenka waaxda cashuuraha berriga Md Khadar Maxamed Muxumed (Khadar Laas) iyo taliyaa ciidanka ilaalada cashuuraha Gen. Cismaan Xaashi Daahir, kuwaas oo iyaguna kula dardaarmay mihiimada tababarkaasi.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta
Email: [email protected]
Landline: 513856
Whatsapp No: 657729999
Website: slmof.org ama som.slmof.org

Qaadashada Talaalka Cudurka Bilaa-Xuduuda ah ee COVID-19 ee Wasaaradda Maaliyadda JSL


04 April, 2021 (WHM)- Waxa maanta ka bilaabmay guud ahaan xarumaha Wasaaradda Maaliyadda JSL hawsha qaadashada talaalka xanuunka saf-marka ah ee COVID-19, xirfadlayaal caafimaad oo ka socda Wasaaradda Caafimaadka ayaa goor hore saaka ka bilaabay hawsha talaalka xarumaha Wasaaraddu ka hawl-gasho guud ahaan Dalka, ugu horaynba waxa mudnaanta la siiyey oo lagu bilaabay saraakiisha da’doodu kaweyntahay 50 jir iyo waliba kuwa la nool xanuunada raaga (Chronic diseases) sida macaanka, dhiig-karka iyo kuwa la hal maala.
Durigan bilaa-xuduuda ah ee COVID-19 oo bilaabmay dabayaaqadii sanadkii 2019-ka balse soo laba kacleeyey hada ayey guud ahaan dunidu la tacaalaysa isagoo saamayn ba’an u gaystay guud ahaan caalamka.
Ugu danbayn, waxa aanu guud ahaan bulshada u sheegaynaa in loo dhago-nuglaado tilmaamaha ay bixinayso Wasaaradda Caafimaadku, anagoo Allaah sw ka baryeyna inuu inaga sabatabixiyo, abaartana inaga soo jabiyo oo raxmadiisa inoo furo Aamiin aamiin aamiin.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta
Email: [email protected]
Landline: 513856
Whatsapp No: 657729999
Website: slmof.org ama som.slmof.org

WhatsApp Image 2021-04-04 at 20.23.43
WhatsApp Image 2021-04-04 at 20.23.42
WhatsApp Image 2021-04-04 at 20.23.45

Aqoon-Korodhsi Ku Saabsan Daryeelka Cashuur-Bixiyaha iyo Xidhiidhka Bulshada


Hargeisa April 4, 2021 (WHM)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa shalay tabobar 3 maalmood socon doona u furay saraakiil ka kala socotay xafiisyada cashuuraha-berriga ee Gobolka Maroodijeex.
Tabobarkan ayaa saraakiisha dakhliga gudaha (C/Berriga) lagu bari doonaa casharo ku tacaluqa daryeelka macmiilka (Cashuur-Bixiyaha) iyo Xidhiidhka Bulshadda, si ay Cashuur-bixiyaasha Somaliland u helaan adeeg hufan oo tayo leh, is la markaana kor loogu qaado is fahanka bulshada iyo Wasaaradda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md. Gurxan ayaa saraakiisha cashuuraha-berriga ee tabobarka qaadanayey u tibaaxay inay lagama maarmaan tahay macaamil fiican oo ay la yeeshaan guud ahaan bulshada gaar ahaana cashuur-bixiyaha ay u adeegayaan, isagoo intaa ku daray inay ka Wasaarad Maaliyad ahaan ka go'an tahay meelmarinta hawshani.
Tabobarada noocan ah ayaa loo qaban doonaa guud ahaan Saraakiisha Cashuuraha iyo Ciidamada Ilaalada Cashuuraha iyadoo laga qaban doono guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka hadii Rabi idmo.

Ugu danbayn, Wasaaradda Maaliyadd JSL waxa ay ka mid tahay Hay’addaha Dowladda kuwooda ugu badan la falgalka bulshada sidaa darteed waxa mar walba naga go’an wanaajinta xidhiidhka aanu la leenahay bulshada sidii aanu dhawr jeer idinla wadaagnay. Hadaba, anagoo taa ka duulayna waxa aanu mudnaanta siinaynaa sanadkan 2021-ka arimahan:
 Toosinta hab-dhaqanka saraakiisha dakhliga iyo ciidamada ilaalada cashuuraha, anagoo hadii Rabi ogolaado tabobaro dheeri ah iyo wacyigalin joogta ahba siin doona, iyada oo aanay meesha ka maqnayn dhiirigalin iyo islaxisaabtan joogto ah.
 Xogsiinta cashuur-bixiyaha si toos ah iyo si dadbanba, anagoo tabobaro iyo aqoon korodhsi u fidindoona cashuur-bixiyayaasha, waxa aanu dhokumentiyo badan ku baahinay mareegta Wasaaradda www.slmof.org taas oo uu cashuur-bixiyuhu gaar ahaan iyo guud ahaan dadweynaha cidii danaynaysaa ka daalacan karaan.
 Waxa aanu yagleelay xafiisyo u darban adeegyada daryeelka macmiilka (Cashuur-bixiyaha), iyadoo cidii cabasho naga qabta, xog doon ah, ama talo noo haysaa nagula soo xidhiidhi karaan markasta xidhiidhadan: Email: [email protected] Landline: 513856 ama Whatsapp No: 657729999, waxa sidoo kale nalagala socon karaa bogaga rasmiga ah ee aanu ku leenahay baraha bulshada sida:
Facebook: Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL
Twitter: slmofd
Youtube: Wasaaradda H.Maaliyadda JSL
Instegram: sl_mofd

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta Wasaaradda Maaliyadda JSL

WhatsApp Image 2021-04-04 at 20.22.00 (1)
WhatsApp Image 2021-04-04 at 20.22.00
WhatsApp Image 2021-04-04 at 20.21.56

KULAN-HAWLEEDKA DEJINTA HAB-RAACA WADA-XIDHIIDHKA HAY’ADDAHA DOWLADDA.


Hargeisa 01 April 2021(WHM)-Waxa maanta lagu soo gabogabeeyey magaalada Hargeisa kulan-hawleed labo cisho qaatay oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalintu, kulankaas oo muhiimadiisa laha waxa uu ujeedkiisu daaranaa Dejinta Hab-raaca Wada-xidhiidhka Hay’addaha Dowladda.
Iyada oo ay Hay’add ama Wasaaradd kastaa leedahay waajibaad gaara oo ay u idmantahay sida uu dhigayo Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’addaha Madaxa-Banaan Xeer Lr. 71/2015 hadana waxa jirta masuuliyad wadareed ka dhaxaysa, sidaa darteed waa mid lagama maarmaan ah wadashaqaynta Wasaaraddaha iyo Hay'adaha Dowladda guud ahaan gaar ahaana arimaha la xidhiidha xoojinta xog is dhaafsiga, midaynta arimaha saxaafada iyo wanaajinta xidhiidhka lala yeelanayo bulshada loo adeegayo. Iyadoo taa maanka ku haysa ayey Wasaaradda Warfaafintu soo agaasintay kulan macno weyn ugu fadhiya guud ahaan Hay’addaha Dowladda gaar ahaana masuuliyiinta iyo hawlwadeenada Xafiisyada iyo Waaxaha X/Dadweynaha iyo Xogta, waxana mudadaa labada cisho ah si weyn loogu lafo-guray sidii si wada jir ah loogu wada shaqayn lahaa, ugu danbayntiina waxa lagu dejiyey hab-raaca wada-xidhiidhka xafiisyada Hay’addaha Dowladda.
Ugu danbayn, Wasaaradda Maaliyadd JSL waxa ay ka mid tahay kuwa ugu badan la macaamilka dadweynaha sidaa darteed waxa mar walba naga go’an wanaajinta xidhiidhka aanu la leenahay bulshada, anagoo taa ka duulayna waxa aanu mudnaanta siinaynaa sanadkan 2021-ka arimahan:
 Toosinta hab-dhaqanka saraakiisha dakhliga iyo ciidamada ilaalada cashuuraha, anagoo hadii Rabi ogolaado tabobaro dheeri ah iyo wacyigalin joogta ahba siin doona, iyada oo any meesha ka maqnayn dhiirigalin iyo islaxisaabtan joogto ah.
 Xogsiinta cashuur-bixiyaha si toos ah iyo si dadbanba. Anagoo tabobaro iyo aqoon korodhsi u fidindoona cashuur-bixiyayaasha, waxa aanu dhokumentiyo badan ku baahinay mareegta Wasaaradda www.slmof.org taas oo uu cashuur-bixiyuhu gaar ahaan iyo guud ahaan dadweynaha cidii danaynaysaa ka daalacan karaan.
 Waxa aanu yagleelay xafiisyo u darban adeegyada daryeelka macmiilka (Cashuur-bixiyaha), iyadoo cidii cabasho naga qabta, xog doon ah, ama talo noo haysaa nagula soo xidhiidhi karaan markasta xidhiidhadan: Email: [email protected] Landline: 513856 ama Whatsapp No: 657729999, waxa sidoo kale nalagala socon karaa bogaga rasmiga ah ee aanu ku leenahay baraha bulshada sida:
Facebook: Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL
Twitter: slmofd
Youtube: Wasaaradda H.Maaliyadda JSL
Instegram: sl_mofd

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta Wasaaradda Maaliyadda JSL

 

SHAQO-ABUURKA & KUTALOGALKA ODOROSKA MIISAANIYADDA DOWLADDA SANADKAN 2021-ka.


Hargeisa April 1, 2021 (WHM)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL ayaa maanta Imtixaan ka qaaday qaybtii kowaad ee shaqaalihii sida kumeel-gaadh ka ah uga shaqaynayey Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dowladda, waxana wajigan koowaad maanta u fadhiistay 736 qof, iyadoo tirada guud noqonayso 1,610 kuwaas oo lagu daray Miisaniyadda sanadkan 2021.
Meelaha mudnaanta gaarka ah ay siinayso siyaasadda Kutalogalka Odoroska Miisaaniyadda Dowladdu sanadkan 2021 waxa ka mid ah horumarinta dhallinyarada & shaqo-abuurka, waayo waa muhiim in ay Dowladdu dhallinyarada tixgalin gaar ah siiso, isla markaana siiso fursado ay wax ku soo kordhin karaan, dhaqaalaha dalkana qayb uga noqon karaan. Hadaba iyada oo taa laga duulayo, waxa ay Dowladdu SlShs 2 Bilyan ku daraysaa Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada iyada oo la bilaabayo in hantida hadda ku ururtay sanduuqaas lagu curiyo fikrado cusub, waxa intaa u dheer horumarinta garoomada ciyaaraha Dalka, abuuridda liigag ciyaareed oo gobollada ah, waxa Barnaamijka Shaqo-qaran loo qaadan doonaa 500 oo dhallinyaro ah oo jaamicadaha ka soo baxay, waxa sidoo kale si rasmi ah/joogto ah loo shaqaalaysiin doonaa 1,610 oo ah shaqaalihii ku-meel-gaadhka ahaa sida aan xaga sare ku soo sheegay.

=Wabilaahi Tawfiiq=
Waaxda X/Dadweynaha & Xogta
Wixii cabasho aad qabto ama aad talo noo hayso waxaad markasta nagula wadaagi kartaa:
Email: [email protected]
Landline: 513856
Whatsapp No: 657729999
Website: slmof.org ama som.slmof.org

Meelmarinta Hanaanka Is-Wada ee Maaraynta Xogta Maaliyadda Dawladdaha Hoose


Berbera 27-March-2021 (WHM)-Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta magaalada Berbera ka daah-furay didaamka casriga ah ee is-wada ee Maaraynta Xogta Maaliyadda Dawladda ee IFMIS (Financial Management Information System), kaas oo imika u gudbay Dawladdaha Hoose ee Dalka si la mid ah Dawladda-Dhexe oo loo adeegsanayey hawlaha maamulka maaliyadda sedexdii sano ee u danbeeyey. Dawladda-Hoose ee Berbera ayaa noqonaysa tii labaad waxaana hadii Rabi ogolaado la gaadhsiin doonaa guud ahaan Dawladdaha hoose. Nidaamkan oo ka mid ah Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda waxa loo adeegsan doonaa bixinta kharashaadka, xaraynta dakhliga, iibka, bixinta qandaraasyada, diyaarinta miisaaniyadda,baadhisaha, maaraynta daymaha iyo hawlo kale oo door ah oo guud ahaan la xidhiidha maamulka maaliyadda, isaga oo meesha ka saari doona madmadawga iyo wax-is- dabo-marinta is la jeerkaasna kor u qaadi doona daah-furnaanta, islaxisaabtanka iyo wax-ku-oolnimada adeegbixinta xafiisyada Dawladda.

Kulan-Hawleedyo Lagu Dardar-galinayo Habsami-u-socodka Shaqada Wasaaradda


Hargeisa 24 March, 2021 (WHM) Wasiir-xigeenka Wasaaradda H.Maaliyadda JSL Md.Muuse Ibraahim Yuusuf (Selef) ayaa kulan xogwarasyi ah la qaatay Madax-qaybeedyada Waaxda C/Berriga, ujeedka kulanka ayaa ahayd dardar-galinta habsami u socodka hawlaha dakhli kordhinta Waaxda maadaama uu gabo-gabo yahay sedex-biloodkii January-March, 2021-ka. Dakhli ururinta iyo diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda ayaa ah labada waajibaad ee ugu waaweyn hawlaha ay Dawladda ugu xil-saarantahay Wasaaraddu, sidaa darteed waa lagama maarmaan markasta baraarujinta hawl-wadeenada Waaxaha dakhligu.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa is la maanta kulan aad u muhiim ah xafiiskiisa kula qaatay saraakiisha ciidamada ilaalada cashuuraha. Toosinta habdhaqanka hawl-wadeenada dakhliga iyo Ciidamada Ilaalada-Cashuuraha, kor u qaadista aqoontooda, awoodooda hawl-qabad,iyo macaamilka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshadu waxay wax weyn ka tari doontaa habsami u socodka hawlaha dakhli ururinta Wasaaradda taas oo ah udub dhaxaadka shaqada Wasaaraddu u idmantahay.
Waxa aanu ka Wasaarad ahaan sanadkan mudnaanta siin doonaa hadii Rabi ogolaado daryeelka cashuur-bixiyaha iyo guud ahaan dadweynaha, cashuur-bixiyaas oo aynaan kaalintiisa shariifka ah erayo kooban ku cabiri karin. Waxa aanu tababaro iyo wacyigalino door ah siin doona saraakiisha cashuuraha iyo ciidamada Turbotaariyada.

WhatsApp Image 2021-03-24 at 20.36.34
WhatsApp Image 2021-03-24 at 20.36.33
WhatsApp Image 2021-03-24 at 20.36.31

Wasiir-ku-xigeenka H. Maaliyadda JSL Oo Maanta Furay Kulan-Hawleed Lagu Falanqaynayey Laba Xeer Oo Aad Muhiim U Ah


Hargeisa 23/03/2021-(WHM) - Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H.Maaliyadda JSL Md. Muuse Ibraahim Yuusuf Selef ayaa maanta furay kulan-hawleed sedex cisho soconaya, kaas oo lagu gorfaynayey sidii wax ka bedel iyo kaabis loogu samayn lahaa xeerar muhiim u ah dhismaha Dawladdnimada gaar ahaan marka laga hadlayo habsami u socodka hawlaha maamulka maaliyadda Dalka iyo waliba ilaalinta hantida Dawladda ee dadka ka dhaxaysa.
Xeerarkan oo kala ah Xeerka ka hortaga ku takrifalka hantida qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Xeer Lr.38/2007 iyo Xeerka Maamulka Maaliyadda Xeer Lr. 75/2016. Waxa munaasibadan dib-u-eegista lagu samaynayey ka soo qayb-galay Gudida Ilaalinta iyo dabo-galka Hantidada Qaranka, ku xigeenka Hanti-Dhawraha Guud, Xeer-Ilaaliyaha Guud, Xafiiska Garyaqaanka Guud, Xafiiska Gudidada Qandaraasyada Qaranka, kamishanka Maamul wanaaga, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda, Xidhiidhiyaha Mashruuca Dib-u-habaynta maamulka maaliyadda, xubno ka mid ah Agaasima-waaxeedyada wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo khubaro iyo aqoonyahano kale oo ka mid ah hay'adaha ay khusayso arintaasi.

Munaasibad Tabobar Lagu Siinayey Qaar Ka Mid ah Ganacsatada Dalka


Hargeisa 18 March/2021 (WHM)-Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H.Maaliyadda JSL Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Salaf) ayaa maanta tabobar u furay in ka badan 50 cashuur-bixiye, tabobarkaas oo ku saabsanaa cashuurta Dakhliga Ganacsiga (Business Income Tax) wuxuu dabosocday kuwo noociisa ah oo hore loogu qabtay ganacsatada iyagoo ku soo qaatay tiroba 8 cutub (modules) oo la xidhiidha aqoonta cashuuraha kala duwan. Wasaaradda H.Maaliyadda ayaa waayahan danbe xooga saaraysay kobcinta aqoonta bulshadu u leedahay cashuuraha kala duwan ee xeerku jideeyey, waayo markasta oo uu kordho fahanka cashuur-bixiyuhu ka haysto cashuuraha waxa fududaanaya habsami u socodka shaqada dakhli ururinta Wasaaradda.
Tabobarkan oo qaatay hal maalin waxa xubnihii ganacsatada ahaa ee ka soo qaybgalay lagu siiyey aqoon korodhsi ku saabsan cashuurta dakhliga ganacsiga ama sida ay dad badani u garan ogyihiin Macaashal-Macaashka Ganacsiga iyadoo sidoo kale Wasaaraddu dhagaysatay talooyinkii ay u soo jeediyeen, waxa sidoo kale loo qaybiyey buug-yaraha Cashuurta iyo Cashuur-bixiyaha kaas oo ay dhawaan Wasaaraddu soo saartay.
Sida uu qeexayo qodobka 69-aad ee xeerka dakhliga cashuuraha-berriga JSL, Cashuurta faaiidada ganacsiga waxa loola jeedaa: “dakhli kasta oo qof ama shirkad ka soo gala hawlgal ganacsi oo ah mid banaan”. Waxaana looga baahanyahay ganacsaduhu inuu sameeyo xisaab-xidh, cashuurtan oo ah sannadle waxa ganacsatada laga rabaa inay soo bixiyaan cashuuraha ku waajibay ee Macaashal-macaashka Ganacsiga ugu danbayn 30-ka bisha April sanadkasta si ay uga fogaadaan inay la kulmaan ganaax. Xadiga cashuurtan macaashal-macaashka ganacsigu waa 10% (Boqolkiiba toban) kaliya, guud ahaan cashuuraha J. Somliland ayaa aad uga hooseeya kuwa ay qaadaan Wadamada Bariga Africa. Cashuurtan ganacsigu waxay korodhay intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2020 51% (Boqolkiiba Kow iyo Konton).
“sida uu jidaynayo xeerka dakhliga guduhu, waxa cashuur-bixiyaha laga rabaa inuu sameeyo is-qiimayn iyo inuu diyaarsado xisaab-xidh, halkaas waxa laga helayaa inta ay le’egtahay faaiidada kasoo gashay ganacsigiisa mudadaa sanadka ah, ka Wasaarad ahaana waxaa noo fududaanaysa inaanu qaadno cashuurta sax da ah ee ku waajibatay”, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda.
Ugu dabayn, cashuur bixintu waa jidka ugu haboon ee muwaadinku kaga qayb qaadan karo gacansiinta hurumarka Wadankiisa, isagoo dhinaca kale xaq u leh inuu kula xisaabtamo Dawladdiisa halka ay ku bixiso cashuurtaasi.

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta
Wixii cabasho aad qabto ama aad talo noo hayso waxaad markasta nagula wadaagi kartaa:
Email: [email protected]
Landline: 513856
Whatsapp No: 657729999

WhatsApp Image 2021-03-18 at 23.44.47
WhatsApp Image 2021-03-18 at 23.44.45
WhatsApp Image 2021-03-18 at 23.44.49

Munaasibad lagu daah-furayey adeegsiga hanaanka is-wada ee maaraynta xogta maaliyadda ee Dawladdaha Hoose(IFMIS)


Gabiley 1.3.2021 (WHM) -Nidaamkii Isla-xisaabtanka ee W. Maaliyadda oo u gudbay Dawladdaha Hoose.
Gebilay- Wasaaradda Maaliyadda ayaa Degmada Gebilay ku daahfurtay nidaamka maareynta Xogta ee Dawladaha hoose ee Dalka.
Hanaanka maareynta xogta maaliyadda ee IFMIS oo loogu tallogalay sare u qaadida nidaamka isla xisaabtanka, isla markaana la doonayo in hanaankan oo wakhtigan Dawladda dhexe ku shaqeyso loo gudbiyo Dawladdaha hoose

Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Iyo Kulamada Dardar-galinta Gacansiinta Dakhliga Ee Wasaaraddaha Iyo Hay'adaha Madaxbanaan Ee Dawladda.


Hargeisa 23.2.2021 (WHM) - Wasiir-Xigeenka H. Maaliyadda JSL Md. Muuse Ibraahim Salaf oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda cashuuraha Cabdisalaan Maxamed Maxamuud iyo saraakiil kale oo Waaxda Cashuuraha Berriga ah ayaa shalay iyo maanta kulamo kula yeeshay Xafiisyadooda masuuliyiunta sarsare ee Wasaaradaha Isgaadhsiinta, Waxbarashadda, Hawlaha Guud iyo Warfaafinta.Kulamadan ayaa ujeedadoodu daarnayd dardar-galinta gacan-siinta dakhliga, taas oo ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL wasaaradaha iyo hay'adaha madaxabanaan ee Dawladdu iska kaashan doonaan sidii si wada jir ah looga wada shaqayn lahaa ka midho-dhalinta kutolgalka odoroska miisaaniyada Dawladda ee 2021-ka.Sidoo kale kulamada ay Wasiir ku xigeenka Horumarinta Maaliyadda Md Muuse Ibraahin Salaf iyo saraakiisha Waaxda cashuuraha berrigu ku gaalaa-bixinayaan wasaaradaha iyo hay'adaha kala duwan ee dalka ee gacansiinta dakhliga ayaa socon doona ilaa March 18 2021-ka, iyadoo madaxda Wasaaradda Maaliyaddu kulama la yeelan doonaan mudadaasi ku dhawaad 30 wasaaradaha iyo hay'adaha madaxabanaan ee dawladda iskugu jira

Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Xogta ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL. Website: slmof.orgEmail: [email protected] Landline:513856Whatsapp: +252-657729999

WhatsApp Image 2021-03-09 at 18.58.19
WhatsApp Image 2021-03-09 at 18.58.20
WhatsApp Image 2021-03-09 at 18.58.20 (1)

Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Salaf) oo furay kulan aqoon-is-waydaarsi ah


Hargiesa 27.2.2021 (WHM)- Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Salaf) oo furay kulan aqoon-is-waydaarsi ah oo loo qabtay saraakiisha Waaxaha Dakhliga Wasaaradda kaas oo ay soo qabanqaabisay Gudidda Heer Qaran ee Ka Garnaqa Dacawaddaha Cashuuraha.

kulan-hawleed Lagu Gorfeynayo Meelmarinta Xeer-nidaamiyeyaasha iyo Habraacyada la is la Waafaqsanyahay ee Qandaraasyada Dowladda.


Hargeisa 20-Feb-2021 (WHM)-Wasaaradda H. Maaliyadda JSL gaar ahaan Xafiiskeeda Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda ayaa soo agaasimay kulan-hawleed labo maalmood ah oo lagu gorfeynayo meelmarinta Xeer-nidaamiyeyaasha iyo Habraacyada la is la waafaqsanyahay ee Qandaraasyada Dowladda.
Kulan-hawleedkani waxa uu daaranyahay in la fahamsiiyo hawl-wadeenda iibka iyo qandaraasyada Dowladda, hannaanka maamulka qandaraasyada, iyada oo la kobcinayo xirfaddooda, si ay u adeegsadaan halbeegyo lagu kalsoonaan karo.
Kasoo-qaybgalayaashu waxay sidoo kale kulankan ku barandoonaan xeerarka hagaya nidaamka maamulka qandaraasyada Dowladda, noocyada qandaraasyada, habraacyada lagu maamulo qandaraas bixinta, habka xallinta cabashooyinka, iyo habraacyada la is la waafaqasanyahay ee qandaraas bixinta Dowladda, iyada oo la waafajinayo mabaa’di’da guud ee ku qeexan xeerka iyo xeer-nidaamiyeyaasha lagu maamulayo qandaraasyada Dowladda

WhatsApp Image 2021-02-21 at 17.27.14
WhatsApp Image 2021-02-21 at 17.27.07

TABOBAR


Hargeisa 17-02-2021 (WHM)-Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa maanta tabobar u furay Agaasimeyaasha Waaxaha Kala-duwan ee Wasaaradda.
Tabobarkan ayaa ku saabsanaa hanaanka loo maro qiimaynta shaqada iyo shaqaalaha iyo sidoo kale hogaaminta toolmoon ee laga rabo madaxdan tabobarka loo furay.

Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Daah-furtay adeegga E-DAHAB ee Cashuur-bixinta

Hargeisa (W.H.M) - Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire  ayaa 8 bishan February daah-furay munaasibad lagu soo bandhigay adeegga E-Dahab ee cashuur-bixinta, kaas oo ay iska kaashanayeen Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland  iyo Shirkadda SOMTEL.

Adeeggan E-Dahab-ka ee cashuur-bixinta oo ah adeeg looga danleeyahay in bulshadda loogu fududeeyo inay si fudud u bixiyaan cashuuraha ku waajibay iyaga oo guryahooda ama goobahooda shaqada jooga.

Sidoo kale wax halkaasi tababaro lagu siiyey qasnajiyada  cashuuraha berriga, kuwaas oo lagu tababaray  System-kaa cusub ee cashuur-bixinta ee addeega  E-Dahab-ka.

Waxaana munaasibadaas kasoo qaybgalay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL  Dr Sacad Cali Shire, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimaha Guud ee wasaaradda ganaciga,  Guddoomiyaha Shirkadda SOMTEL, Agaasimayaasha Cashuuraha berriga iyo xidhiidhka Dadwaynaha, Madaxa suuqgaynta ee Shirkadda SOMTEL iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac.

warka munaasibadaasi oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo:-

Wasiirka H. Maaliyadda JSL Oo Furay Kulan-Hawleedka Gorfaynta Iskaashiga  maaliyadeed ee dalka guud ahaan,  gaar ahaa miisaaniyadda 2021-ka

Hargeisa 9.2.2021 (W.H.M) -Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa 9 bishan February furay kulan hawleed lagu gorfaynayey meelmarinta iskaashiga maaliyadeed ee dalka guud ahaan,  gaar ahaa miisaaniyadda 2021-ka.

Kulank-hawleedkan oo ahaa mid mihiimad wayn u leh horumarinta qaranka, isla markaana ay gadh-wadeen ka ahayd wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland ayaa waxa kasoo qaybgalaya dhamaan  guddoomiyeyaasha gobolada, maayirada degmooyinka dalka iyo madaxda sare ee wasaaradda arrimaha gudaha, kaas oo si qoto dheer loogu falanqeeyey meelmarinta iskaashiga maaliyadeed ee JSL.

Waxa madashaasi ka qaybgalay  Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire, Wasiir ku xigeenka horumarinta maaliyadda Md Muuse Ibraahin Salaf, Agaasimaha Guud Md Maxamed Cabdi Gurxan, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Agaasimaha guud ee daakhiliga, Maayirka magaaladda Hargeisa iyo Badhasaabka gobolka Maroodi jeex, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday  mihiimada uu kulankani u leeyahay gaadhista odoroska miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka.

KULANKA QIIMAYNTA IYO ABAAL-MARINTA WAAXAHA DAKHLIGA LIXBILOODKA JULY-DECEMBER/2020


Hargeisa 24-Jan-2021{WHM}-Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa soo xidhay munaasibadii qiimaynta iyo abaal-marinta masuuliyiinta Waaxaha Dakhliga iyo Xisaabiyayaasha ee Gobolada iyo Degmooyinka Lixbiloodka July-December/2020. kulankan oo ka furmay shalay magaalada Hargeisa ayaa ah kulan Lixdii biloodba hal mar la qabto, si loo qiimeeyo wax qabadka xafiisyada Waaxaha Dakhliga ee Cashuuraha-Berriga iyo Kastamada iyadoo is barbar dhig lagu samaynayo kutalagalka dakhli ee xafiis kasta loo asteeyey iyo dakhliga dhabta ah ee uu soo xareeyey.

Mudada uu socdo kulankani waxa ay masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradda iyo maamulayaasha gobolada iyo degmooyinka Wasaaraddu is la eegaan wax yaabaha u qabsoomay xafiis kasta mudadaas lixda bilood ah, caqabadaha ka horyimid, iyo qorshaha lagu wajahayo lixda bilood ee socda.

Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa wajahaysay sanadkii dhamaaday ee 2020-ka culaysyada dhaqaale ee uu abuuray caabuqa dunida ku fiday ee Covid-19, balse waxa ay Wasaaraddu kaga soo gudubtay dadaal iyo is ku tashi, iyadoo Dawladda ka samata bixisay hoos u dhac miisaaniyaddeed.

ugu danbayn, Wasaaraddu waxay u idmantahay diyaarinta miisaaniyadda, ururinta dakhliga iyo bixinta kharashaadka Hay'adaha Dawladda, waxaana Allaah mahadii ah inay kaalinteedaa halbawlaha ah ku guulaysatay iyadoo aanay dhicin kharash baaqday iyo daymo la galay toona.
Somaliland ayaa ah Jamhuuriyad curdin ah oo aan ictiraaf buuxa ka helin dunida inteeda kale, ma hesho daymo iyo deeqo la sheegi karo balse waxa ay wax ku dabartaa cashuurtaa yar ee laga qaado Dadweynaha gobta ah ee reer Somaliland.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha lyo Xogta
Website: slmof.org
E-mail: [email protected]
Landline: +2522-513856
Whatsapp: +252-657729999

 

HAWL-WADEENADA XAFIISYADA DARYEELKA CASHUUR-BIXIYAHA WASAARADDA MAALIYADDA OO TABABAR LOO SOO XIDHAY.


Hargeisa 21-Jan-2021 (WHM)-Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha lyo Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda Md. Ahmed Muse Mohamed ayaa maanta magaalada Hargeisa tababar ugu soo xidhay 20 sarkaal oo ka kala socday Xafiisyada Daryeelka Cashuur-Bixiyaha ee Waaxaha Cashuuraha-Berriga, Kastamada, Xidhiidhka Dadweynaha iyo Waaxda Arimaha Ganacsiga Gaarka ah.

Tababarka oo qaatay laba cisho waxa hawl-wadeenada lagu barayey aqoonta lagu maareeyo daryeelka macaamiisha (cashuur-Bixiyaha), taasoo looga golleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa isla markaana loo wanaajin lahaa xidhiidhka ay Wasaaraddu la leedahay guud ahaan Dadweynaha reer Somaliland gaar ahaana cashuur-bixiyaha. Cashuur-bixiyaha oo isagu kaalinta kowaad kaga jira Allaah ka sokow suurtagalinta jiritaanka Qaranimada, maadaama uu yahay kan bixiya Miisaaniyadda ay ku hawlgasho Dawladdu.

Iyadoo fulinaysa awaamiirta Xeerka Maamulka Maaliyada Xeer .Lr. 75/2006, iyo Mabaadi’da Barnaamijka Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda, Wasaaradda H.Maaliyada JSL waxay mudnaanta siinaysaa sanadkan 2021-ka tayeynta shaqada iyo shaqaalaha , si loo helo hawl-wadeen garaadkiisu sareeyo, is la jeerkaasna ay u dhacsantahay kaalinta shariifta ka ah ee cashuur-bixiyaha. Waxa aanu wajiga labaad tababar noocan oo kala ah siin doonaa hadii Allaah ogolaado saraakiisha xafiisyada Wasaaradda ee gobolada iyo degmooyinka Dalka guud ahaan, waxa sidoo kale naga go’an inaanu wax weyn ka bedelo habdhaqanka Ciidamada Ilaalada Cashuuraha ee loo yaqaan Turbataariyada.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta
Website: Slmof.org
Email: [email protected]
Tell: 513856
Whatsapp: +252-657729999

 

WhatsApp Image 2021-01-21 at 09.23.07

WAR-BIXINTA WAX QABADKA WASAARADDA. H.MAALIYADDA JSL EE SEDEX-BILOODKII U DANBEEYEY SANADKII TAGAY EE 2020 OCTOBER-DECEMBER.


Hargeisa 17/01/2021 (WHM) Kulan-hawleed lagu soo bandhigayey wixii u qabsoomay Wasaaradda gaar ahaan sedex-biloodka Oct-Dec/2021 ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, kaas oo looga gollahaa bal in la is la qiimeeyo wixii guud ahaan Wasaaradda uga qabsoomay qorshihii u yaalay sanadkii dhamaaday, gaar ahaana sedex-biloodkii u danbeeyey. Masuuliyiinta Waaxaha ayaa mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, kulan hawleedka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Md. Muuse Ibraahim Yuusuf iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan, waxa masuul kasta laga warsaday wixii uga qabsoomay qorshe-hawleedkii loo xadiday Xafiiskiisa, hawlaha aan u qabsoomin, sababaha keenay kuwa baaqday, caqabadaha ka hor yimid xafiis-kasta, iyo soo jeedimaha uu qabo masuulkasta.
Wasaaradda H.Maaliyada JSL waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano kuwaas oo ah khariidada ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii bilood ba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.
Hadaba waxa kulan hawleedkan maanta lagu gorfaynayey wax qabadka Waaxaha Wasaaradda kasoo baxay natiijo fiican taas oo laga dheehan karayey dadaalka xafiis kastaa muujiyey mudadaa sedexda bilood ah.

Kulan-hawleed ka oo qaatay saacado badan, waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, isagoo masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmay u diyaargarawga hawlaha baaaxada leh ee masuulkasta horyaala sanadkan bilawga ah ee 2021.

Ugu danbayn, Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa caqabad kala kulmaysay sanadkii tagay saamayntii dhaqaale ee uu abuuray caabuqa COVID-19, iyo Ayixii ku habsaday qaybo badan oo ka mida dhulka JSL, kaas oo samayn ba'an u gaystay wax soo saarkii dalaga iyo dhul-daaqsimeedkii xoolaha, isagoo abuuray kharashaad badan oo lama filaan ah. Waxaanay isugaynta labadaas arimood sabab u noqdeen in ay is dhinto ku talo-galkii Miisaaniyadda Dawladda ee 2020.

WhatsApp Image 2021-01-17 at 19.26.39

Xafiiska Xidhiidhinta Mashruuca Berbera Corridor ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa maanta soo qabanqaabiyey kulankii bilaha ahaa ee Guddida Sarre


Hargeisa 13-Jan-2021 {WHM}-Xafiiska Xidhiidhinta Mashruuca Berbera Corridor ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa maanta soo qabanqaabiyey kulankii bilaha ahaa ee Guddida Sarre (Joint Steering Corridor Committee) ee Mashruuca Berbera Corridor. Shirkaas oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire waxaa si weyn loogu falanqeeyey qorshe hawleedka Xafiiska Xidhiidhinta Mashruuca Berbera Corridor ee sanadka 2021, Iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay hindisaha xeerka iyo siyaasada lagu maamuli doono xafiiska sanadkan bilawga ah ee 2021-ka, taas oo Gudidan Wadaaga ah looga fadhiyo curinta siyaasada xafiiska ka sokow ansixinta iyo meelmarinteeda.Waxaa kulankaas ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska & Wershadaha, Wasiir-xigeenka Wasaaradda H. Maalyadda, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Gudoomiyaha Hay’ada Dhawrista Tayada, Xidhiidhiyaha Mashruuca Berbera Corridor, Madaxa Hay’ada Trademark East Africa ee Somliland, masuul ka socda Dekedda Berbera, Shirkada DP World iyo saraakiil ka socotay Baanka Dhexe, Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka iyo Wasaaradda Ganacsiga.

yy3

Sugida Xisaabaha/Akawnada Wasaaraddaha iyo Hay'adaha Dawladda Uga Furan Bangiyada Gaarka Ah.


Hargeisa 12-Jan-2021 (WHM)- Kulan heer sare ah oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ayaa laga soo saaray go'aamo lagu sugayo is la markaana lagu xakamaynayo xisaabaha uga furan Hay'adaha Dawladda Bangiyada Gaarka loo leeyahay ee Dalka.

Munaasibadan oo ay kasoo qaybgaleen Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Selef), Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Md. Cali Ibraahim Baqdaadi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Md. Axmed Daauud Geedi, masuuliyiinta laamaha Bangiga Dhexe iyo masuuliyiinta bangiyada gaarka ah, waxay ujeedadiisu ahayd sidii loo midayn lahaa dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee Hay'adaha Dawladda, is la jeerkaasna loo heli lahaa Miisaaniyadd dhamaystiran oo ay ku jiraan lacagaha deeqaha ah. Talaabadan ayaa ah mid lagu xaqiijinayo mabaadi'da Daah-Furnaanta iyo Isla-Xisaabtanka.

Kulanka oo qaatay saacado badan waxa laga soo saaray qodobadan 4-ta ah:
1.Hay'ada Dawladdeed ee xisaab (Account) ka furaynaysa bangi gaar loo leeyahay waa inay haysato ogolaanshaha Xisaabiyaha Guud ee Dawladda oo ka wakiil ah Guud ahaan Dawladda iyo Wasaaradda Maaliyadda JSL.

  1. In Bangiga dhexe raaciyo lifaaq warqada ogolaanshaha ah ee Xafiiska Xisaabaadka Guud ku fasaxayo furashada Akawnada Bangiyada Gaar ka ah.
  2. Waa in si bile ah loo soo gudbiyo warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqyada xisaabta (accounts) Hay'adaha Dawladdu ku leeyihiin Bangiyada Gaarka ah, iyadoo la soo marinayo Bangiga Dhexe ee Dawladda.
  3. In warbixin dhamaystiran laga soo gudbiyo xisaabta hada uga furan Hay'adaha Dawladda Bangiyada Gaarka ah.
WhatsApp Image 2021-01-12 at 18.58.24

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay odoroska Miisaaniyada 2021-ka Oo 4.8% Ka badan Miisaaniyadda sanadkan dhamaanaya Ee 2020-ka


Golaha Wakiiladda JSL ayaa maanta ansixiyey Odoroska miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka iyo lifaaqa soo-jeedimaha guddida dhaqalaha golaha wakiiladda.odoroska Miisaaniyada sanadeedka 2021-ka ayaa 4.8% ka badan miisaaniyada sanadkan sii dhamaanaya ee 2020-ka, taas oo ah miisaaniyad-dhamaystiran.Fadhigii Golaha Wakiiladda ee maanta oo ay kasoo xaadireen 42 Xildhibaan ayaa waxa ogolaaday 27 Xildhibaan, waxaana diiday 5 Xildhibaan, halka ay 9 Xildhibaan ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codaynin, isla markaana sidaas bay ansax ku noqday odoroska Miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka ee JSL.Sidoo kale kal-fadhigaas maanta ee lagu ansixinayay Miisaaniyada ayaa waxa Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax.=Wabilaahi tawfiiq=W/X/Dadweynaha & Xogta W.H.Maaliyadda JSL.www.slmof.orgwww.som.slmof.org[email protected]

U1

Kulan-Hawleedka Dejinta Qorshaha Sanadka 2021-ka Ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL


Hargeisa 20.12.2020 (W.H.M) - Kulan hawleed Lagu Gorfaynayey Qorshaha 2021-ka ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa Maanta ka qabsoomay Magaaladda Hargeisa.
Kulankaas oo lagu falanqaynayey qorshe hawleedka 2021-ka, waxa sidoo kale lagu falanqeeyey qaabka ugu haboon ee Waax walba u fulin lahayd Qorshe-Hawleed keeda.
Sidoo kale Shirkan oo ahaa mid mihiimad wayn u leh wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo Qarankaba waxa kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Md.Muuse Ibraahin Yuusuf (Salef), Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan, Xisaabiyaha Guud ee qaranka Md. Axmed Daa'uud Geedi, dhamaan Agaasimeyaasha iyo ku xigeenada 14-ka Waaxood ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland.
Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda Horumarinta maaliyadda, wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud oo madashaasi hadalo kooban ka jeediyey ayaa iyagu dhamaantood ku dheeraaday mihiimada kulankaasi, iyagoo madaxda waaxaha wasaaradda kula dardaarmay inay si fiican u gutaan waajibaadada saaran, iyagoo tibaaxay in waax walba lagula xisaabtami doono qorshaha u dajisan.

g2

Daawo: Hawl-wadeenada Waaaxda Cashuuraha-Berriga Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag oo maanta tababar loogu soo xidhay Magaalada Burco.


Kormeer Shaqo


Berbera 17/12/2020 [WHM] Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa kormeer shaqo ku tagay khamiistii ina dhaaftay Kastamka Berbera. Sidoo kale waxa uu kormeerka ku soo maray Cashuuraha-berriga iyo Xafiiska Xisaabaadka Gobolka.

Ujeedadda kormeerka ayaa ahayd u kuur-galidda iyo dar-dar galinta hawlaha shaqadda Wasaaradda ee Gobolka Saaxil.

WhatsApp Image 2020-12-23 at 08.30.33

Wasaaradda H. Maaliyadda JSL oo Tababar u Soo Xidhay 35 Sarkaal oo ka Hawl-Gala Xafiisyada Baadhisaha-Gudaha Hay'adaha Dawladda


Hargeisa 14-Dec-2020 (WHM) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta u soo xidhay 35 Xubnood oo kamid ah Hanti-dhawrka Gudaha Wasaaraddaha iyo Hay'adaha Dawladda, tababarkan oo u socday saraakiishan mudo 3 cisho ah, waxay ku qaadanayeen Hanaanka Caalamiga ah ee loo diyaariyo Warbixinaha Hantidhawrka-Gudaha ( Internal Audit Report Best Practice), waxaana sidoo kale kulan-hawleedkan sedexda cisho qaatay lagu jaangoynayey sidii ay Hay'adaha Dawladdu u raaci lahaayeen qaab-warbxineed isku mid ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Md. Gurxan ayaa gunaanadkii munaasibada hadalo dardaaran ah siiyey saraakiisha loo soo xidhay aqoon korodhsiga, isagoo carabka ku adkeeyey inay aqoonta ay qaateen ku dabaqaan hawl-galadooda baadhiseed, is la markaana daacad ka noqdaan gudashada waajibaadkooda shaqo

c1

Munaasibad Xadhiga Lagaga Jarayey Xafiisyo Cusub oo ay Wasaaradda Maaliyaddu ku Yeelan Doonto Wasaaraddaha Cadaaladda iyo Hawlaha Guud iyo Waliba Laamaha Bangiga Dawladda (Midaynta Xafiisyada Adeegyada Maaliyadda Dawladda).


Hargeisa 14-Dec-2020 (WHM)- Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf, Gudoomiyaha Bangiga Md. Cali Ibraahim Baqdaadi, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Md. Axmed Daauud Geedi, iyo Agaasimaha Bangiga Dhexe Md.Axmed Xasan Carwo ayaa si wada jir ah xadhiga uga jaray laba xafiis oo Xafiiska Xisaabaadka Guud ku yeelanayo gudaha laanta 2-aad ee farasmagaalaha Hargeisa iyo laanta 3-aad ee Dunbuluq ee Bangiga Dhexe Dawladda, xafiisyadan oo hubin ku samayn doona dakhliga ka hor intaan la xarayn, talaabadan ayaa meesha ka saaraysa culays iyo habsan ku iman jiray dakhli xaraynta Dawladda maadaama Xafiiska Hubinta Dakhliga Xisaabaadka iyo Bangigu meelo kala durugsan ku yaalaan.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Hawlaha Guud iyo Cadaaladda ayaa sidoo kale is la maanta si wada jira xadhiga uga jaray 2 xafiis oo ay Waaxda Cashuuraha-Berriga Wasaaradda H. Maaliyaddu ku yeelan doonto gudaha Wasaaraddaha Cadaaladda iyo Hawlaha Guud. Xafiisyadan ayaa halkaa ku qaban doona dakhliga ka soo xarooda kirada guryaha iyo nootaayooyinka. Iyadoo ujeedaduna tahay sidii adeegyada maaliyadeed ee Dawladda loo fududaydin lahaa, is la markaana loo mataanayn lahaa hawlaha is le balse Hay'ado ama xafiisyo kala duwan la xidhiidha.

b5

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Oo maanta Daah-Furay Kulan-Hawleed ku Saabsan Dooda Hindisaha Qabyo-Qoraalka Xeerka Aaga Ganacsiga ka Caagan (Special Economic Free Zone Act).


Hargeisa, 09, 12, 2020 (WHM) - Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta furay kulan-hawleed ku saabsan Xeerka Aaga Ganacsiga ka caagan (Special Economic Zone Act). Kulankaas ayaa waxa soo qaban-qaabiyey xafiiska Xidhiidhinta Mashruuca Berbera Corridor.
Kulan-Hawleedkaas ayey ujeedadiisu ahayd sidii xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland loogu iftiimin lahaa muhiimadda xeerkani leeyahay, maadaama oo uu golaha hada horyaalo.
Waxa kale oo kulankaas kasoo qaybgalay Garyaqaanka Guud, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Maareeyaha dekadaha Somaliland, Guddoomiyaha Guddida Dekadaha, Kusimaha Guddoomiyaha Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda iyo xildhibaano ka tirsan Golaha.
Ugu danbayna waxa halkaasi xildhibaanada loogu soo bandhigay warbixin ku saabsan faa'idooyinka ay Somaliland u leeyahay meel-marinta Xeerka Aaga Ganacsiga ka Caagan (Special Economic Zone Act), iyadoo ay Xildhibaanada golaha wakiiladu halkaas suaalo ku waydiiyey wasiirka horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali shire iyo Garyaqaanka Guud, isla markaana ay masuuliyiintaas uga jawaabeen dhamaan su'aalahaas, taas oo ka mid ah waajibaadka dastuuriga ah ee mudanayaasha Golaha Wakiilada inta aanay xeerka ansixinin.

Ugudanbayna, meel-marinta Xeerkan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaadan doono soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo sidoo kale adeegsiga Dekedda Berbera oo ku taala marin istiraataji ah.

Q3

Wasiirka Maaliyadda oo horyimi baarlamanka


Hargeisa 08-December-2020 (WHM) Nuxurka warbixintii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire U Jeediyey Golaha Wakiiladda markii la horgeeyey odoroska Miisaaniyada 2021-ka.

Golaha Wasiirrada JSL Oo Meelmariyey Miisaaniyad Sannadeedka 2021 Oo wadarta Guud Ee Miisaaniyadii Hore ee 2020-kii ka badan 2.9%


Hargeisa 05, 12, 2020 (WHM) - Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta qasriga Madaxtooyada ku yeesheen golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey dood iyo falan-qayn dheer ka dib ku ansixiyeen miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo fadhigii hore la horkeenay, miisaaniyadan oo ka kooban lix qaybood oo kala ah:
 Dawladda dhexe
 Dawladaha hoose
 Hay’addaha madaxa-bannaan
 SDF
 World Bank
 JPLG.
Cadadka oddoroska miisaaniyad- sannadeedka 2021-ku wuxuu dhan yahay 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan), waxana ay oddoroska miisaaniyad sannadeedka dawladda dhexe ka badan tahay tii hore ee 2020, 2.7% halka wadarta guud ee miisaaniyaduna ay tii 2020-ka badan tahay 2.9%, waxaanay mudnaanta siin doontaa miisaaniyaddan 2021-ku:

  1. Amniga
  2. Caddaaladda
  3. Caafimaadka
  4. Waxbarashada
  5. Wax-soo saarka
  6. Deegaanka
  7. Tamarta
  8. Maamul wanaaga
  9. Doorashooyinka
  10. Ictiraafka
    Dhinaca kale Miisaaniyad sannadeedka 2021-ku waxay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee qaranka, barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo Maamulka Maaliyadda JSL ee PFM-ka, waana miisaaniyaddii soddonaad (30) ee uu yeesho dalka Jamhuuriyadda, Somaliland, taas oo loo gudbin doonaa golaha wakiillada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
WhatsApp Image 2020-12-05 at 17.10.36
WhatsApp Image 2020-12-05 at 17.10.37

HAY'ADAHA MADAXA-BANAAN IYO BARNAAMIJKA DIB-U-HABAYNTA MAAMULKA MAALIYADDA DALKA


Hargeisa 28-Nov-2020 (WHM) Wasaaradda Maaliyadda JSL ayaa kulan-hawleed isugu yeedhay masuuliyiinta Hay'adaha Madaxa-Banaan, kaas oo ujeedadiisu ahayd sidii ay ugu soo bandhigi lahayd adeegsiga hanaanka iswada ee maaraynta xogta maaliyadda (IFMIS), sumadaha caalamiga ah ee miisaaniyadda (Chart of Accounts), iyo guud ahaan Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda (PFM). Waaxaha IFMIS-ka, Miisaaniyadda iyo Xafiiska Xidhiidhka Barnaamijka PFM ayaa warbixino u jeediyey masuuliyiintii kulanka lagu soo casuumay, iyagoo dhinacadoodana garwaaqsaday waxtarka uu barnaamijkani ku soo kordhin karo habsami u socodka maamulka lacagaha iyo ku takrifalka miisaaniyadda.

N4
N1
N2
N5

KULAN-HAWLEED LAGU GORFAYNAYO BAADHISAHA LA XIDHIIDHA DANBIYADA WAX IS DABA MARINTA IYO MUSUQA.


Hargeisa 24-Nov-2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL gaar ahaan Waaxda Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda oo kaashanaysa Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ayaa soo qaban-qaabisay Kulan Hawleed ku saabsan hannaanka baadhista dembiyada musuqa iyo wax is daba marinta. Kulan Hawleedkan oo socon doona sedex cisho waxa ka soo qaybgalay 18 hawl-wadeen oo ka kala socday hay’adaha garsoorka oo ay kamidyihiin Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Waaxda Dembi baadhista (CID) Bileyska iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamadaha dalka.
Ujeedada Kulan Hawleedkan ayaa daaranayd sidii Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud iyo hay’adaha garsoorku isula fahmi lahaayeen habka wadashaqaynta ee baadhista dembiyada musuqa iyo wax is daba marinta.

Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda waxa loo qaabeeyey in uu kobciyo awoodda iyo hannaanka Dawladda ee maamulka iyo kutagrifalka maaliyadda, si loo gaadho ulajeedada Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2-aad iyo hiigsiga 2030.

Slmof.org
[email protected]

z1
z3
z2

Dar-Dar Galinta Hawlaha Casriyeynta Xisaab-Xidhka  iyo Guud Ahaan Barnaamijka Dib-u-Habaynta Maamulka Maaliyadda Dalka.


Hargeisa 23-Nov-2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL waxa ay sanadihii u danbeeyey ku hawlanayd meelmarinta casriyeynta maamulka maaliyadda Dalka guud ahaan, iyada oo la yagleelay xafiis u gaara fulinta hawlahaas, waxa la dajiyey oo la meel-mariyey xeerarkii lagu hagi lahaa barnaamijka, waxa dib loo qaabeeyey qaab-dhismeedyada waaxaha iyo qaybaha Wasaaradda Maaliyadda si ay ula jaan-qaadaan barbaamijkan, waxa la qalabeeyey xafiisyada maamulka iyo lacagta iyo xisaabiyayaasha Wasaaraddaha, Hay’adaha Dawladda iyo Ciidamada qalabka sida, waxaana tababaro la siiyey guud ahaan saraakiisha iyo hawl-wadeenada ku shaqo leh lacagaha. Waxa xusid mudan in maanta guud ahaan Wasaaraddaha, Hay’adaha iyo Ciidamaduba u adeegsadaan hanaan electronic ah oo iswada isticmaalka miisaaniyadda sida; bixinta kharashaadka, xisaab-xidhada, iyo waliba xaraynta dakhliga.
Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dawladda ayaa ka mid ah xafiisyada laf-dhabarta u ah hawlaha uu koobsanayo barnaamijka maamulka maaliyadda Dalku, waxaanu xafiisku markii u horaysay si rasmi ah xisaab-xidhka ku samayn doonaa hanaanka is wada ee maaraynta xogta maaliyadda, taas oo u fududayn doonta Hanti-Dhawraha Guud hawlaha la xidhiidha dabagalka iyo baadhisaha.
Hadaba, si loo dardargaliyo fulinta hawlihii uga qorshaysnaa Xafiiska Xisaabaadka Guud sanadkan gabagabada ah ee 2020-ka hawshan casriyeynta xisaab-xidhka  iyo guud ahaan barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dalka, waxa saaka subixii hore kormeer uu ugu kuur galayo hawlahaas ku tagay xarunta Xafiiska Xisaabaadka Guud Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Selef), halkaas oo uu Xisaabiyaha Guud ee Dawladdu Md. Axmed Daauud Geedi war-bixino ka siiyey halka ay ilaa hada wax u marayaan, Wasiir-Xigeenka iyo Xisaabiyaha Guud ayaa mid-mid ula kulmay madaxda qaybaha Xafiiska, iyada oo uu masuul kastaa ka war-bixiyey wax yaabaha uga qabsoomay hawlihii loo xilsaaray, hawlaha taagan, caqabadaha jira iyo guud ahaan arimaha la xidhiidha shaqooyinka ay u idmanyihiin.
Inkasta oo aynu nahay wadan curdin ah, dhaqaalihiisu koobanyahay, isla jeerkaasna aan wali aqoonsi, iyo taageero dhaqaale oo la sheegi karo ka helin bulshada caalamka, hadana taas macnaheedu maaha inaynu gacmaha laabano, oo aynu ku sii shaqayno hanaankii duuga ahaa ee xisaab xidhka iyo baadhisaha loo samayn jiray, balse taa bedelkeeda waxa inoo qabsoomay oo aynu ilaa hada meelmarinay dejinta iyo fulinta dhabaha casriyeynta maamulka maaliyadda, taas oo la jaan-qaadaysa kuwo laga adeegsado dunidan casriga ah, ugu danbayna ujeedada loo saanyaday hanaankan dib-u-habaynta ayaa daarran sidii kor loogu qaadi lahaa isla xisaabtanka, daah-furnaanta, iyo guud ahaan maamul-wanaaga maaliyadaa Dalka.
=Wabilaahi Tawfiiq=
Waaxda X/Dadweynaha & Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda JSL
Website: slmof.org
Whatsapp: +252-657729999
Tell: +2522-513856
T4
TT
T6
T3

kulan hawleed dib u sixid iyo meelmaarin lagu samaynayo nuqulada Af-somaliga ah ee Hagayayaasha iyo siyaasadaha Hannti-dhawrka Gudaha, Nidaamka Maamulka Xogta Maaliyadda (FMIS) iyo Qorshah fulinta Halbeegyada Caalamaiga ah ee Xisaabaadka Dawladda (IPSAS)


Hargeisa 17,11,2020 (WHM) Waaxda Xidhiidhinta Barnaamijka Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa soo qaban-qaabisay kulan hawleed dib u sixid iyo meelmaarin lagu samaynayo nuqulada Af-somaliga ah ee Hagayayaasha iyo siyaasadaha Hannti-dhawrka Gudaha, Nidaamka Maamulka Xogta Maaliyadda (FMIS) iyo Qorshah fulinta Halbeegyada Caalamaiga ah ee Xisaabaadka Dawladda ((IPSAS), November 17, 2020.
Wasiir-xigeenka Maaliyadda Muuse Ibrahim Yusuf ayaa furitaankii kulankan waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in Af-Soomaali lagu tarjumo hagayaasha iyo Siyaasadahan – taas oo uu wasiirku sheegay in ay shaqaalaha dawladda u sahleyso in ay si fudud u fahmaan iyo in ay dareemaan lahaanshiyo.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Guxan ayaa ku dhiirigeliyey ka qaybgalayaasha in ay hubin, sixid iyo iswaafajin ku sameeyaan tarjumaadda erey bixinta Af-somaliga ee hagayaasha iyo siyaasadaha la tarjumay.
Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda waxa loo qaabeeyey in uu kobciyo awoodda iyo hannaanka Dawladda ee maamulka iyo tasarrufka maaliyadda, si loo gaadho ulajeedada Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad iyo hiigsiga 2030.
ee
eee
e

Munaasibada daah-furka hanaanka khadka cagaaran

Berbera 11-Nov-2020 (WHM) Munaasibada daah-furka hanaanka khadka cagaaran ee badeecaddaha soo dega iyo xaraashka badeecaddaha ku mudo dhaafa bakhaarada Kastamada

Tababar loo furay maamulayaasha xafiisyada Cashuuraha-Berriga


Hargeisa 11-Nov-2020 (WHM) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta tababar u furay maamulayaasha xafiisyada Cashuuraha-Berriga gobolada iyo degmooyinka Dalka, tababarkan oo socon doona mudo laba cisho ah waxay ku qaadanayaan maamulayaashu aqoon korodhsi ku saabsan Xeerka Cashuuraha-Berriga Xeer Lr. 72/2016.

 

Wajiga Labaad ee Tababarka Hanaanka Online-ka ah ee Cashuur-Bixinta Cashuuraha Shaqaalaha, Iibka Alaabooyinka iyo Adeegyada.


Hargeisa 08-Nov-2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda J. Somaliland ayaa tababar u qabatay 60 cashuur-bixiye, tababarkan oo noqonaya wajigii labaad waxa uu ku saabsanaa barashada hanaanka casriga ah ee online-ka ah ee cashuur-bixinta, hanaankan oo ay Wasaaraddu dhawaan daah-furtay ayaa noqon doona mid u sahlaya cashuur-bixiyuhu inuu guto waajibaadkiisa cashuur bixineed isagoo ku sugan goobtiisa shaqo ama gurigiisa iyadoon wax wakhti ahi kaga lumin, meelmarinta hanaankan casriga ah waxa marka hore lagu fulinayaa adeegsigiisa bixinta cashuuraha macaashal-macaashka shaqaalaha iyo iibka.
Hanaankan ayaa sidoo kale cashuur-bixiyaha ka caawin doona helitaanka xogaha uu u baahanyahay sida; xeerarka iyo habraacyada cashuuraha, foomamka, hagaha xaqa iyo waajibaadka cashuur-bixiyaha, xidhiidhada, jidka loo raacaya cabashada, isagoo qaab is wada (automatic) ugu xisaabin doona xadiga cashuureed ee laga rabo cashuur-bixiye kasta, iyo waliba arimo kale oo doora.
Lixdan-kan cashuur-bixiye ee ay Wasaaraddu ku tababartay hanaankan casriga ah ayaa ka kala socday hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee Wadanka ka hawl-gala, isla jeerkaasna kuwooda kaalinta hore ka galay u hogaansanaanta gudashada waajibaadka cashuur-bixinta Dalka, waxaana gabagabadii tababarka shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ka soo qayb-galayaashii tababarka.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah hawlaha dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dalka qaybihiisa kala gadisan, waxaana la rajaynayaa inuu wax weyn ka tari doono hore u dhigista habsami u socodka dakhliga.
1
2
3

MUNAASIBAD XADHIGA LAGAGA JARAYEY QAYBO CUSUB OO LAGU SOO KORDHIYEY GEGIDA DAYUURADAHA EE CIGAAL.


Hargeisa 02-Nov-2020 (WHM) Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Selef), Taliyaha Laanta-Socdaalka Sareeye Guuto: Maxamed Cismaan Caalin, iyo Maareeyaha Hay’ada Madaarada Kabtan: Cabdi Maxamed Rodol ayaa si wada jira xadhiga uga jaray qaybo cusub oo lagu soo kordhiyey Kastamka iyo guud ahaan Gegida Dayuuradaha Caalamiga ah ee Cigaal.
Qaybahaas cusub ee lagu soo kordhiyey Kastamka ama Garoonkaba guud ahaan waxa ka mida; dhismaha 18 xafiis oo ay adeegsan doonaan Ciidamada Laanta-Socdaalka iyo hawl-wadeenada Kastamka Madaarku, dhismaha qaybta kaydka dhokumentiyada, dayactir lagu sameeyey mid kamida bakhaarada lagu kaydiyo badeecaddaha iyo xafiiska khasnada, waxa lagu rakibay qalabka dabka lagaga hortago qaybaha dhoofka iyo halka laga soo dego, bakhaarada lagu keydiyo badeecaddaha, qaybaha laanta-socdaalka iyo dhawrista-tayada. Waxa sidoo kale kamida wax yaabaha lagu soo kordhiyey Gegida Dayuuradaha Cigaal, dabgalin koronto oo leh awood laysku halayn karo taas oo dab sugan siin doonta aaladaha wax lagu baadho iyo qayboojiyayaasha lagu keydiyo daawooyinka, cutooyinka, cabitaanada iyo waxyaabaha kale ee dareeraha ah. Waxa wax weyn laga qabtay agabka fududeynta adeeg-bxinta Kastamka sida; mishiinada fudud ee lagu qaado badeecadaha kala duwan, aaladaha lagu kor-joogteeyo alaabooyinka ku keydsan bakhaarka, waxa sidoo kale xusid mudan in markii ugu horaysay laga hirgaliyey Kastamka Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeisa hanaanka is wada ee lacag qabashada ee SAD (Single Administration Document), kaas oo ay ganacsatada iyo safrayaashuba lacagaha ku waajibay si sahlan ugu bixin karaan, iyo waliba hanaanka elektarooniga ah ee kaydinta xogta bakhaarka ( warehouse data base).
Ugu danbayna waxa wax ka bedel baaxad leh lagu sameeyey hanaanka adeeg-bixinta Kastamka ee dhoofinta, soo dejinta, maaraynta badeecaddaha, shaqada iyo shaqaalaha, iyo daryeelka macmiilka.

KULANKA FALANQAYNTA DOORKA AGAASIMAYAASHA MAAMULKA IYO LACAGAHA EE GACAN-SIINTA DAKHLIGA IYO MADHXINTA KHARASHAADKA.


Hargeisa 28-Oct-2020 (W.H.M) – Wasaaradda H.Maaliyadda JSL ayaa soo qabanqaabisay kulan-hawleed lagu falanqaynayey doorka agaasimayaasha maamulka iyo lacagaha Wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa-banaan kaas oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeisa, kulan-hawleed kan oo daba socday mid noociisa ah oo loo qabtay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyayaasha Hay'adaha madaxa-banaan ee Dawladda 23-Feb-2020, waxa ay ujeedadiisu daaranayd in laysku baraarujiyo kaalinta masuuliyiintan kaga aadan gacan ka gaysashada kor u qaadista dakhliga iyo madhxinta kharashaadka ay galaan Hay’adaha Dawladdu, waxa sidoo kale lagu Lafo-guray doorka ay ku leeyihiin nidaamka maamulka maaliyadda Dalka, sida diyaarinta miisaaniyadda, ururinta dakhliga, dabagalka iyo isla-xisaabtanka iyo sidii ay door muuqda uga ciyaari lahaayeen hanaanka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dalka.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL oo xafiis cusub ka furatay xarunta rugta ganacsiga


Hargeisa 27-Oct-2020 (WH) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo uu weheliyo Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muse Ibraahim Yuusuf ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis ay Wasaaraddu ku yeelan doonto xarunta rugta ganacsiga Somaliland. Ujeedada xafiiskan loo yagleelay ayaa ah sidii ganacsatada loogu soo dhaweyn lahaa adeegyada ay uga baahan yihiin Wasaaradda, waxa xusid mudan inaanu ahayn xafiis lacag-qabasho balse uu yahay xafiis u qaban doona ganacsatada adeegyada ay ka midka yihiin diwaangalinta, xogsiinta iyo adeegyo kale oo doora.

xx
x

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL  iyo Wasiirka Wasaaradda Jidadka iyo Gaadiidka  ayaa si wada jira maanta xadhiga uga jaray xafiis fududeyn doona adeegyada Buugta gaadiidka iyo Balaydhada luma


Hargeisa 26-Oct-2020 (WHM) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Wasaaradda Jidadka iyo Gaadiidka Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa si wada jira maanta xadhiga uga jaray xafiis fududeyn doona adeegyada Buugta gaadiidka iyo Balaydhada luma, xafiiskan ayaa noqonaya mid lagu qabto adeegyo markii hore laba meelood oo kala fog loo tagi jiray, taas oo ay dadweynuhu culays kala kulmi jireen.
Masuuliyiinta labada wasaaradood ayaa ku booriyey cidii uu ka dhacsanyahay Liisanka wadida gaadiidku inay cusboonaysiistaan, iyadoo dhawaana la bilaabi doono olole lagu dardargalinayo cusboonaysiinta liisamada gaadiidka.
Waxaana xusid mudan in qofkasta oo laga bedelayo liisankii hore ee buuga ahaa laga kansali doono kaa hore ku cusubna la siin doono iyadoon laga qadayn kiisii hore, maadaama uu yahay dhukumenti qofeed, waxaana sidoo kale loo sheegayaa dadkii laga xareeyey liisamadii hore inay doonan karaan waa qofkii u baahda e.
y
yy
yyy

WAX QABADKA WASAARADDA. H.MAALIYADDA JSL EE SEDEX-BILOODKA JULY-SEPTEMBER/2020.


Hargeisa 21/10/2020 (WHM) Kulan-hawleed lagu soo bandhigayey wixii u qabsoomay Wasaaradda sedex-biloodka July-September/2020 ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, kaas oo looga gollahaa bal in laysla qiimeeyo wixii guud ahaan Wasaaradda uga qabsoomay qorshihii u yaalay mudadaa sedexda bilood ah. Masuuliyiinta Waaxaha ayaa mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, kulan hawleedka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Md. Muuse Ibraahim Yuusuf iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan waxa masuul kasta laga warsaday wixii hawlo taagan dhankiisa wali, sababaha keenay hawlaha baaqday, caqabadaha ka hor yimid xafiis-kasta.
Wasaaradda H.Maaliyada JSL waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano kuwaas oo ah khariidada ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii bilood ba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.
Hadaba waxa kulan hawleedkan maanta lagu gorfaynayey wax qabadka Waaxaha Wasaaradda kasoo baxay natiijo fiican taas oo laga dheehan karayey dadaalka xafiis kastaa muujiyey mudadaa sedexda bilood ah.
Guntii iyo gunaanadkii hawsha waxa hadalo dardaaran iyo waano isugu jira u jeediyey masuuliyiinta Waaxaha, Wasiirka, Wasiir-Xigeenka iyo Agaasimaha Guud.
1
2
3
4

NAADIGA WASAARADDA HORUMARINTA MAALIYADDA BUUHOODLE


Buuhoodle 21-Oct-2020 (WHM) Naadiga Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL ee Gobolka Buuhoodle ayaa maanta xafiiskoodii ka furtay magaalada Buuhoodle, waxaana munaasibadda xadhig ka jarista goob-joog ka ahaa maamulka gobolka iyo qaar ka mida isuduwayaasha Wasaaraddaha.

KOR U QAADISTA AQOONTA CASHUUR-BIXIYUHU U LEEYAHAY CASHUURAHA


Hargeisa 21-Oct-2020 (WHM) Wasiirka Waaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta furay tababar la siinayey xubno kamida cashuur-bixiyayaasha Dalka, kaas oo ku saabsanaa cashuurta Macaashal-Macaashka Shaqaalaha iyo Cashuurta Iibka ee Adeegyada iyo Alaabooyinka.

Daah-Furka Hanaanka Online-Ka Ee Cashuur-Bixinta Ee Wasaaradda H. Maaliyadu


Hargeisa, 12-Oct-2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa shalay daah-furtay barnaamij casri ah,kaas oo ay cashuur-bixiyayaashu si online ah ugu bixin doonaan cashuuraha ku waajibay iyagoo jooga goobahooda shaqo, cashuuraha lagu bixin doono hanaanka cusub waa cashuuraha MM/Shaqaalaha iyo cashuurta Iibka adeega iyo badeecadaha.

 

Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Maanta Soo Bandhigtay Hindisaha Qabyo-qoraalka Strategy-yada 2021-2024-ka Ee Hanaanka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Ee PFM-ka


Hargiesa 11,10,2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Maanta Soo Bandhigtay Hindisaha Qabyo-qoraalka Strategy-yada 2021-2023-ka Ee Hanaanka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Ee PFM-ka
Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa maanta Hotelka Grand Haadi ee Magaaladda Hargeisa kusoo kusoo bandhigtay hindisaha qabyo-qoraalka Strategy-da saddexda sanno 2021-2023 lagu maamuli doono Hanaanka Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda dalka ee PFM.
Kulankaas ayaa waxa si rasmi ah u furay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md. Muuse Ibraahin Selef, isla markaana waxa kale oo isaguna madashaasi ka hadlay oo sharaxaad ka bixiyey mihiimada kulankaasi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md Maxamed Cabdi Gurxan.
Barnaamijkan dib u habaynta maamulka maaliyadda oo ka kooban tiro mashaariic ah oo is-dhinac socota ayaa waxa ka mid ah mashruuca dib u habaynta maamulka kharashka dawladda oo uu maalgaliyo Baanka Aduunku iyo Dib-u-habaynta Dakhliga Dawladda oo ay gacan ka gaysato hay'adda caalamiga ah ee DFID ee UK.
Labadaas mashruuc ayaa waxay ka mid ahaayeen kuwii maanta qabyo-qoraalka qorshaha strategy-yadooda ay maanta soo bandhigtay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL.
Sidoo kale kulankaas ayaa lagu lagu soo dhigaya qorshaha strategy-yada saddexda sanno 2021 ilaa 2023.
Daneeyeyaasha Barnaamijkaas, sida:- Guddi-hoosaadka Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Dawladda ee Golaha Wakiiladda Somaliland ee "PAC" iyo Hantidhawrka Guud ee Dawladda.
Kulan-Hawleedkan oo socon doona muddo saddex cisho ah, waxa lagu lafa-guri doonaa, isla markaana wax ka bedel iyo kaabis lagu samayn doonaa hindisaha qabyo-qoraalka Barnaamijka Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda ee PFM-ka, waxaana ka qaybqaadanaya tiro khubaro ah, farsamo-yaqaano iyo la taliyayaal, iyadoo la rajaynayo marka la eego sida xooga loo saaray inuu kasoo bixi doono qorshe strategy-yadeed oo wax ku ool ah.
Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda JSL.

Madaxwaynaha JSL Oo Si Qoto-dheer uga Hadlay Mihiimadda Barnaamijka Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda Ee Wasaaradda H. Maaliyaddu Wado.

Hargaisa 4, 10, 2020 (WHM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbaddiisii shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye, waxa uu ku soo qaatay muhiimadda uu qaranka u leeyahay Mashruuca Dib-u-habaynt Maamulka Maaliyadda
Dawladda (PFM).
Barnaamijkani waxa uu hiigsanayaa hirgelinta heerka ugu sarreeya ee daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka qoondaynta, maamulka iyo tasarrufka maaliyadda dawladda.

Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H.Maaliyadda iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Bulshada oo kormeeray xafiiska adeegyada Bixinta Dalku galka

Hargeisa 3 ,10,2020 (WHM) Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H.Maaliyadda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Selef) iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Shaqadda Marwo. Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo si wada jira kormeer ugu sameeyey xafiiska adeegyada Bixinta Dalku galka, Cashuuraha, iyo shaqo abuurka kaas oo ku yaala laanta socdaalka Somaliland, halkaas oo uu ku qaabilay war-bixina ku siiyey Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada Sareeyo Guuto Dayib Cismaan Caalin.

Siyaasada Hantida Maguurtada ah
(Fixed Asset Policy)


Hargeisa, September, 19, 2020 (WHM) - Fadhigii 64-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland 17/09/2020 ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu meel-mariyey Siyaasada Hantida Maguurtada ah ee Dawladda (Fixed Asset Policy).
Siyaasadan oo ay kasoo wada shaqeeyeen diyaarinteeda Wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda iyo Hawlaha Guud/ Guriyeynta ayaa noqon doonta siyaasada lagu maamulayo Hantida Maguurtada ah, iyadoo wax weyn ka tari doonta dhinaca la socodka iyo xisaabinta qiimaha gaar ahaan diyaarinta Xaashida Dheeli-Tirka Qiimaha Maalka (Blance Sheet).

m1
m3
m2

Wasiirka H. Maaliyadda JSL Oo Tababar Mihiim Ah U Furay 80 Qasneji Oo Ka Tirsan Waaxda Cashuuraha Berriga


Hargeisa, September 17,2020 (W.H.M) - Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta Tababar Mihiim Ah U Furay 80 Qasneji Oo Ka Tirsan Waaxda Cashuuraha Berriga, Kuwaas oo 60 ka mid ahi Dumar yihiin, isla markaana ka kala yimid Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland.
Tababarkan oo ah kii u horeeyey ee noociisa ah ee loo qabto Qasnajiyadda Cashuuraha Berriga ayaa loo sameeyey Nidaam habraac shaqo oo cad oo ay raacaan, iyadoo halkaasi lagu gudoonsiiyey dhamaantood buuga Hagaha Qasnejiyadda.
Sidoo kale waxa madashaasi lagu soo bandhigay System casri ah oo iswada (automated App) oo isku xidhaya dhamaan cashuuraha gaadiidka sida wado-maris, kala-wareejinta iyo bileydhka cusub, kaas oo qalab casri ah lagu isticmaalayo, kuna xidhan xogta gaadiidka dalka oo dhan, isla markaana mustaqbalka fariimo gaar ah oo cashuuraha ah loogu diri doono, lagulana xidhiidhi doono dhamaan gaadiidleyda dalka oo dhan.
Munaasibadan oo ka qabsoontay Hotelka Baraar ee Magaaladda Hargeisa ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Barriga Cabdisalaan Maxamed Maxamuud, Ku xigeenkiisa Khadar Laas, Agaasime ku xigeenka Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Waaxahaasi, iyadoo halkaasi looga jeediyey Qasnejiyadda dhawr Presentation oo ku taxaluqa shaqooyinka mihiimka ah ee ay u xilsaaran yihiin, ugu danbayna waxa halkaasi dhamaan qasnejiyadda lagu gudoonsiiyeu Shahaadooyin.

c3
c2
c4
c1

Wasaaradda H. Maaliyadda JSL oo Markii ugu Horaysay Abaal-Marino Gudoonsiisay Cashuur-Bixiyayaashii Ugu Wanaagsanaa 2020-ka.


Hargeisa 9-Sept-2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa Markii ugu Horaysay Abaal-Marino Gudoonsiisay Cashuur-Bixiyayaashii Ugu Wanaagsanaa 2020-ka. Munaasibada abaal-marinta oo ka qabsoontay Hotel Maamuus Magaalada Hargeisa, ayaa lagu abaal-mariyey 65 Cashuur-Bixiye oo ka kala yimid guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, iyadoo laga soo kala xulay ganacsatada heerar kooda kala duwan, isla markaana xulistooda loo raacay xeerarka iyo habraacyada u yaala cashuuraha Dawlada JSL.
Munaasibaa Abaal-Marinta Cashuur-Bixiyaha wanaagsan ayaa noqon doonta mid si joogta ah loo qabto sanadkiiba hal mar, sida uu dhigayo qorshaha sanadlaha ah ee W.H.Maaliyadda JSL, Ugu danbayn, talaabadan oo ah mid hore loogu qaaday xaga dhiirigalinta cashuur-bixiyayaayha, oo ah kuwo kaalin muhiima ugu jira guud ahaan qaranka ayaa abaal-marin u noqonaysa Guuleystaayasha Maanta, sidoo kalena dhiiri-galin u noqonaysa guuleystaasha bari.

=Wa Bilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta W.H.Maaliyadda JSL
www.slmof.org , Som.slmof.org
[email protected]
513856

002
004
006

Kulamadii Diyaarinta Iyo Falanqaynta Miisaaniyada 2021-ka Ee Wasaaradaha Iyo Hay'adaha Dawladda Oo Si Rasmi Ah Uga Bilaabmay Xafiiska Wasiirka W.H. Maaliyadda JSL.


Hargeisa, 6, 9, 2020 (W.H.M) - Waxa Si rasmi ah shalay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire uga furmay kulamadii diyaarinta iyo falanqaynta Miisaaniyada Dawladda ee 2021-ka doodaas oo sanad walba xiligan oo kale la qabto sida uu dhigayo jidwalku, waxa maalintiiba dooda gali doona 6 ilaa 7 Wasaaradood ama Hay'adood. Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dawladda ayaa soo diyaarsaday Qorshaha Odoroskooda Miisaaniyadeed ee sanadka 2021, kadibna Wasaaradda Maaliayadda oo iyadu u idman hawsha ayey isla eegi doonaan.
Dhinaca kale Kutalagalka Odoroska Miisaaniyadeed ee Dawladda ee sanadka 2021-ka ayaa noqon doonta mid dhamaystiran, taas oo ay ka muuqan doonaan dhamaan tafaasiisha Miisaaniyadda Hay'adaha Madaxa-Banaan kuwaas oo kala ah Wakaaladaha Biyaha Degmooyinka Hargeisa, Boorama, Burco, Gabiley, Berbera, Madbacada Qaranka, Baanka Dhexe, Dekeda Berbera, iyo Haamaha Shidaalka Berbera, Miisaaniyada 11 ka mida Dawladaha-Hoose ee Dalka, iyo waliba Deeqaha Debedaha inaga soo gala. Talaabadan oo ah mid hore loo qaaday, waxa jidaynaya Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda Xr. Lr. 75/2016, sidoo kale Xeerkan ayaa jidaynaya yagleelida Gudida ka Garnaqa Dacwadaha Cashuuraha, iyo sidoo kale Hay'ada Dakhliga Dawladda.

 

W/X/Dadweynaha & Xogta W.H.Maaliyadda JSL.
www.slmof.org www.som.slmof.org
[email protected]
513856

11
111

Nuxurka Kulan Ay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wasiiraddu La Yeesheen qaybo ka mid Ah ganacsatada Somaliland


Hargeisa, 03, 09, 2019 (W.H.M) - Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wasiiradda oo uu hogaaminayey Guddoomiyaha guddida ahna Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulan is-xogwaraysi ah la qaatay qaybo ka mid ah ganacsatada Somaliland oo uu hogaaminayey Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland Md Jamaal Caydiid Ibraahim.
Ugu horayn Wasiirka Wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa ganacsatada uga warbixiyey ujeeddada shirka oo ahayd sidii xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo ganacsatadu ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta ganacsiga sidoo kalana ay u wada yeelan lahayeen wada shaqayn dhaw.
Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada ayaa ganacsatada uga xogwaramay siyaasadda xukuumadda uu hogaamiyinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muusi Biixi Cabdi iyagoo gudida u sheegay in Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ay ka go’an tahay in la taageero ganacsiga Somaliland si wadanku u horumaro.
Shirka oo muddo 2 saacadood ah socday ayaa lagu lafa guray caqabadaha haysta ganacsiga Somaliland iyo sidii la isaga kaashan lahaa in caqabadahaas si wada jira looga gudbo, waxaana Guddida Dhaqaalalaha iyo ganacsatadu isku afgarteen in ay yeeshana wada shaqayn toos ah sidoo kalena la yagleelo Gole Wada-tashi waxaana lagu balamay in shirar danbe la isugu yimaaddo.

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta W.H. Maaliyadda JSL.
www.slmof.org/som.slmof.org
Email: [email protected]

22
33
55

Hargeisa 3,ogos, 2020 (WHM) Agaasimaha Waaxda Kastamada Ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Tababar U Furay Shaqaalaha Kastamka Berbera


Hargeisa 3, Ogos, 2020 (WHM) Wasiirka H. Maaliyadda JSL Oo  Furay Kulan Lagu Falanqaynayey Doorka  Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyayaasha Hay'adaha Madaxabanaan Ee Dawladda ee Gacan-siinta Dakhliga.


Daawo: Barnaamij Gaar Ah Oo Wasiirka H. Maaliyadda JSL  Bulshaddu Wax Kaga Waydiinaysay Saamaynta Dhaqaale Ee Uu Xanuunka COVID 19-ku Ku Yeeshay Somaliland.


Barnaamijkan oo ahaa mid furan ayey Qaybihii bulshadda lagu soo marti qaaday oo u badnaa Ganacsatada yarar ee uu saameeyey xanuunka Coronavures-ku  ayey Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ay halkaas su'aalo tiro badan ku waydiiyey, iyadoo uu Wasiirkuna dhamaan su'aalahaas si waafi ah ugaga jawaabay muwaadiniintii kasoo qaybgalay.
Barnaamijkaas oo dhamaystiran halkan hoose ka daalaco:-

 

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta W.H. Maaliyadda JSL.
www.slmof.org/som.slmof.org
Email: [email protected]

Kulankii Madaxda Wassaradda H. Maaliyadda iyo Guddida Dhaqaalaha G. Wakiiladda JSL


Hargeisa 18 Ogos, 2020 (WHM) Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Yusuf (Selef), Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan iyo Madaxda Waaxda Miisaaniyadda iyo Qorshaynta, ayaa maanta hor tagay Gudi Hoosaadka Arimaha Dhaqaalaha Golaha Wakiilada JSL, iyagoo Gudida u gudbiyey xog qoraal ah oo ku saabsan Siyaasada Haykalka Dhaqaalaha Guud ee Mudada Dhexe ee 2021-2023-ka.
Siyaasada Haykalka Dhaqaalaha Guud ayaa ku siman mudo sedex sano ah, taas oo u kala baxaysa Qorshe-Hawleedka Dawladda sanadka soo socda (2021-ka), sanadkaas oo ah kan hada Wasaaradda Maaliyaddu ku hawlantahay diyaarinta ku talo-galka Miisaaniyadda Dawladda, iyo Qorshaha Istraatejiyadda labada sano ee ku xiga (2022-2023-ka).
Gudi-Hoosaadka ayaa Wasiirka iyo Masuuliyiintii la socotay ka dhagaystay xog waran ku saabsan xaalada dhaqaale ee hada dalku ku sugan yahay, iyagoo isla jeerkaasna suaalo ka weydiiyey arimahaa aynu soo sheegnay.
Inkasta oo xaalada dhaqaale ee Somaliland sare u socotay sanadihii la soo dhaafay, hadana sanadka 2020-ka oo odoraskiisa lagu saleeyay koradhka dhaqaale ee sanadihii ka horeeyay waxa saamayn ku yeeshay xaaladiisa dhaqaale cudurka safmarka ah ee Covid-19, isagoo hoos u dhac ku keenay dhamaan xidhiidhadii Ganacsi ee Somaliland la lahayd Caalamka intiisa kale sida:
 Dhoofinta iyo soo dejinta,
 lacagta Qurba jooga Reer Somaliland u soo diraan eheladooda,
 isu socodka Cirka iyo Dhulka,
 Mashaariicdii horumarineed ee Beesha Caalamku ka fulin jirtay Somaliland,
 Joojintii soo dejinta qaaddka mudadii bandoodu socotay,
 Cashuur dhimiddii loo sameeyay Daruuriyaadka sida Raashinka,
 Xaaladda Siyaasadeed ee Ethopia oo isbadal ka muuqdo,
 Cashuur dhimiddii loo sameeeyay Qalabka Caafimaadka.
Waxa kale oo isna saamayn ku yeeshay wax soo saarkii guud ee dalka Ayax baahsan oo ku habsaday dhamaan dhul daaqsimeedkii iyo dhul beereedkii, taas oo sababtay sare u kaca cuntada iyo khudaarta ilaa haddana laga dareemayo Suuqyada Somaliland.
Hadaba Wasaaradda horumarinta Maaliyaddu iyadoo ka duulaysa xaaladda dhabta ah ee Miisaaniyadda lix-biloodka hore ee 2020-ka, waxay dib u eegis ku samaysay dakhliga la fili karo dhamaadka sanadkan kaasi oo 10% ka hoosayn doona dakhligii ku talo galka ahaa. Sidaa darteed, iyadoo laga duulayo xaalada dhaqaale ee lixda bilood ee hore ee sanadkan iyo guud ahaan xaaladaha saamaynta dhaqaale inagu keeneen, waxa odoroska sanadka 2021 la filayaa inuu ku dhawaado kii sanadka 2020.
Arimahan oo faahfaahsan waxaad ka heli kartaa Shabakada (Website-ka) wasaaradda H. Maaliyadda iyadoo Somali iyo Ingiriisiba (Somali & English Versions) ku qoran www.slmof.org/Som.slmof.org, idinkoo markasta wixii talo iyo tusaale ah ee aad noo haysaan noogu soo diri kara Email-ka Wasaaradda [email protected].

1

Adeegsiga Hanaanka Iswada (Automate) ee Kharash-Bixinta iyo Xaraynta Dakhliga ee Dawlada.


Hargeisa, 18 August, 2020 (WHM) Tababar afar maalmood qaatay oo shalay Magaalada Burco loogu soo xidhay 75 xubnood oo ka kala socday xafiisyada Hay'adaha Dawladda ee Gobolka Tog-dheer. Tababarkan oo noociisu ka socdo guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalku, wuxuu ku saabsan yahay Adeegsiga Hanaanka Iswada marka ay timaado kharash-Bixinta iyo qabashada Dakhliga, waxaana fulinaya Xafiiska Barnaamijka Dibu-habaynta Maamulka Maaliyada, Xafiiska Xisaabaadka Guud iyo Waaxda IT-ga iyo Tiknaloojiyada W.H.Maaliyadda JSL.

SONYO CUP 2020


Hargeisa, 18 August, 2020 (WHM) Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa xalay munaasibad ka dhacday Hotel Ambassador bilado ku gudoonsiiyey Ciyaartoyga Wasaaradda ee Gobolka M/Jeex, guushii ay ku hanteen Koobka Kooxaha Heerka Kowaad ee Sonyo Cup 2020. Isagoo sidoo kale shahaado sharafyo ku maamuusay Agaasimaha iyo Agaasime-Xigeenka Waaxda X/D/Weynaha W.H.Maaliyadda iyo waliba masuuliyiinta Dalada heer Qaran ee Sonyo.

Dhambaal Hambalyo ah


Hargeisa 13 August,2020 (WHM) Wasiirka H. Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Kooxda kubadda Cagta ee Wasaaradda H. Maaliyadda ee magaaladda Hargeisa Oo Maanta Ku Guulaysatay Koobka Heerka 1-aad ee Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Heer Qaran ee SONYO 2020 Oo ay maanta iskaga horyimaadeen Kooxda Ciidanka Qaranka ee GAASHAAN oo ay 5:0 Kaga badiyeen.

1111
11111
111111
1111111

Hadhimo-Sharafeed loo Sameeyey Ciyaartoyga Wasaaradda Maaliyadda Gobolka M/Jeex.


Hargeisa 11 August, 2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuustay Ciyaartoyga Wasaaradda Maaliyadda Gobolka M/Jeex kuwaas oo guulo is daba joog kasoo hooyey Koobka Kooxaha heerka kowaad ee SONYO CUP, Kooxda ayaa jimcihii hore iska xaadirisay finalka koobka kooxaha heerka koowaad, kadib markay 4 iyo 2 ugu awood sheegatay kooxdii ku ciyaaraysay magaca Hay'ada Duulista iyo Madaarada Somaliland, iyadoo ciyaarta kama danbaysta ah bari la dheeli doonta Naadiga Ciidanka Qaranka ee Gaashaan.
Munaasibadan hadhimo-sharafeedka ah oo ka qabsoontay Hotel Baraar ee magaalada Hargeisa waxa kasoo qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Ciyaaraha, Gudoomiyaha Dalada dhalinyarada heer Qaran ee Sonyo, Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland, qaar kamida Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda Maaliyadda, Maamulka iyo macalinka Kooxda, Ciyaartoygii hore ee kooxda u ciyaari jiray, guud ahaan ciyaartoyga Kooxda iyo marti sharaf kale.
Waxa intii munaasibadu socotay hadalo dardaaran iyo dhiiri galin iskugu jira siiyey masuuliyiin kala duwan, gaar ahaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan isagoo bogaadiyey kaalinta Naadigu kaga jiro wacyi-galinta Bulshada ee Cashuuraha isagoo ku sifeeyey guud ahaan da’yarta xoog dihin oo mudan in la garab is taago, si wada jir ahna Dawlad iyo Shacaba gacan looga gaysto horumarintooda.
Ugu danbayna anagoo ku kalsoon kartida, xirfada iyo hab dhaqanka suuban ee Kooxdayada waxaanu rajo weyn ka qabnaa hanashada Koobka hadii Allaah ogolaado.

000
000000

 Xoojinta Baadhisaha Gudaha

Hargeisa 10 Aug, 2020 (WHM) Tababar 3 cisho qaatay oo uu soo diyaariyey Xafiiska Xidhiidhiyaha Barnaamijka Dibu-Habaynta Maamulka Maaliyadda (PFM), ayaa maanta loo soo xidhay saraakiil ka kala socotay Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa-bannaan ee Dawladda, gaar ahaan saraakiisha maamulka iyo Lacagta, tababar kan ayaa ku saabsanaa xoojinta baadhisaha gudaha, taas oo looga golleeyahay kor u qaadista awoodda farsamo iyo xirfadeed ee Baadhayaasha Gudaha ee Xisaabaadka Dawladda, si loo horumariyo Dawlad-wanaagga, Daah-furnaanta iyo Isla-xisaabtanka maamulka maaliyadda Dawladda.

Barnaamijkan Dibu-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee “PFM” waxa uu hiigsanayaa hirgelinta heerka ugu sarreeya ee Daah-furnaanta iyo Isla-xisaabtanka.

Guddida Dacwadaha Cashuuraha


Hargeisa  Agu, 8 , 2020 Wasiirka H. Maaliyadda JSL Oo Maanta Daah-furay Kulan Loo Sameeyey Guddida Dacwadaha Cashuuraha Somaliland

Kulanka Qiimaynta Waaxaha Dakhliga ee Lix-Biloodka January-June/2020


Hargeisa 26/07/2020 (WHM) Kulankii Qiimaynta Iyo Abaalmarinta Waaxaha Dakhliga ee Kastamadda iyo Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa maanta Lagu soo Gabogabeeyey Hotelka Grand Haadi ee Magaaladda Hargeisa, kaas oo mudo laba maalmood ah halkaasi ka socday.
Gabogabadii kulankaas waxa maamulayaasha gobolada iyo degmooyinka iyo Saraakiisha Ka hawlgasha Xarumaha labada Waaxod Cashuuraha Berriga iyo Kastamada la gudoonsiiyey abaalmarino iyo Shahaado sharafyo, iyadoo ay masuuliyiinta sarsare ee Waa Wasaaradu ay kula dardaarmeen sidii ay guntiga dhiisha iskaga dhigi lahaayeen Lixda bilood ee danbe ee sanadka 2020 si looga soo kabto hoos u dhacii dakhli ee uu sababay Xanuunka COVID 19 iyo meelmarinta Mabaadiida Barnaamijka Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda JSL.
Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo kulankaasi soo xidhay ayaa u mahadnaqay guud ahaan hawlwadeenada, madaxda Waaxaha iyo saraakiisha kala duwan ee Wasaaradda, Wasiir Sacad ayaa bogaadiyey Hay'ada OPM oo la shaqaysa Waaxaha Dakhliga iyo Xidhiidhka dadweynaha, wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey in si xushmad iyo dhaqan-wanaag ka muuqdo loola macaamilo Cashuur-bixiyayaasha.
Sidoo kale Waxa iyaguna madashaasi hadalo dardaaran iyo dhiirigalin iskugu jira ka jeediyey Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Muuse Ibraahin Salaf, Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Md. Axmed Daa'uud Geedi, Agaasimaha Kastamada Maxamed Nuur, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Maxamed Axmed Wayrax, Agaasime ku xigeenka Waaxda Cashuuraha Berriga Khadar Laas iyo masuuliyiin kale oo Waaxaha Dakhliga ka tirsan.

 

 

Kulankii Qiimaynta Waaxaha Dakhliga ee Kastamada iyo Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Lix-Billoodka January-June 2020-ka.


Hargeisa 26/07/2020 (WHM) Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta daahfuray kulan lagu qiimaynayey Waaxaha Dakhliga ee Kastamada Iyo Cashuuraha Berriga ee bilaha January ilaa June 2020.

Kulankan qiimaynta ah ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Salaf, Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimayaasha Waaxaha Dakhliga ee Kastamada iyo Cashuuraha Berriga, iyo X/Dadweynaha.
Munaasibadaas lagu qiimeynayey Waaxaha Dakhliga ayaa ka qabsoontay Hotelka Grand Haadi, waxaanu socon doonaa kulankaasi Mudo laba Maalmood ah, Maamulayaasha Kastamada iyo Cashuuraha Bariga ee Gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa halkaasi kasoo jeediyey Warbixino ku tacaluqa Waxyaabihii u qabsoomay Lixdii bilood ee u danbeeyey iyo sidoo kale caqabadihii ka horyimid, sida xanuunka safmareenka ah ee Covid-19.

WAX QABADKA LIXDA BILOOD EE W.H.MAALIYADDA JSL


Hargeisa 20/07/2020 (WHM) Kulan hawleed laba cisho qaatay ayey Wasaaradda H.Maaliyada JSL ku soo bandhigtay wixii u qabsoomay Lixdii bilood ee tegay, kulan hawleed ka oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda waxa ujeedadiisu daaranayd bal in laysla qiimeeyo wixii guud ahaan Wasaaradda uga qabsoomay qorshihii u yaalay sanadka mudadaa lixda bilood ah. Masuuliyiinta Waaxaha kala duwan, Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dawladda, iyo Xafiiska Xidhiidhiyaha Barnaamijka Dibu-Habaynta Maamulka Maaliyada ee PFM-ka ayaa mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, kulan hawleedka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan waxa masuul kasta laga warsaday wixii hawlo taagan dhankiisa wali, sababaha keenay hawlaha baaqday, caqabadaha ka hor yimid xafiis-kasta.
Wasaaradda H.Maaliyada JSL waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano kuwaas oo ah khariidada ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii bilood ba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.
Hadaba waxa kulan hawleedkan shalay iyo maanta lagu gorfaynayey wax qabadka Waaxaha Wasaaradda kasoo baxay natiijo fiican taas oo laga dheehan karayey dadaalka xafiis kastaa muujiyey mudadaa lixda bilood ah, iyadoo dabcan laga dareemi karayey saamaynta taban ee xanuunka Covid-19 ku yeeshay habsami u socodka shaqada.

Guntii iyo gunaanadkii hawsha waxa hadalo dardaaran iyo waano isugu jira u jeediyey masuuliyiinta Waaxaha, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud.

Kulan Dib loogu qiimanayo Hanaanka Fulineed ee Mashaariicda Baanka Aduunku

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa Daah-furay Maanta Kulan Dib loogu qiimanayo Hanaanka Fulineed ee Mashaariicda Baanka Aduunku Somaliland ka fuliyo ee Dib u Habaynta Maamulka Maaliyadda JSL (PFM-ka), Shaqaalaha (CSSP) iyo Tamarta (SEAP).
Dhinaca kale Kulankan oo ka dhacay Hotelka Baraar ee Magaaladda Hargeisa ayaa lagu falanqan doonaa waxyaabihii Mashaariicdaa ka qabsoomay 2019-kii iyo sidoo kale Tayeynta Hanaanka lacag bixinta.
Shirkan ayaa lagu gorfayndoonaa sida ugu wanaagsan ee mustaqbalka looga faa'idaysan karro Mashaariicda World Bank dalka ka fuliyo.
Waxaana kulankaasi kasoo qaybgalay Wasiirka H. Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiir ku xigeenka Md Muuse Ibraahin Yuusuf (Salaf), Agaasimaha Guud Md Maxamed Cabdi Gurxan, Guddoomiyaha Hay'ada Shaqaalaha Dawladda Md Farxaan Aadan Haybe, Madaxda Saddexdaa Mashruuc, Agaasimayaal ka kala socday Hay'adaha Dawladda ee fuliya mashaariicdaasi Sida Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta & Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL.

1
2
6
5
4
7

Madaxweynaha JSL Oo Xadhiga Ka Jaray 12 KM Ee Ugu Horeeyey Jidka Berbera Corridor


Madaxweynaha JSL Oo Soo Xidhay Dufcadii 2aad Ee Shaqo Qaran


Agabka Covid-19 gobolada Bari


 Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL  Ee Gobolada Saaxil, Togdheer, Sool, Saraar iyo Sanaag  Oo La Gaadhsiiyey Qalabka ka hortaga Caabuqa Coronavirus.

Agabka Covid-19 gobolada galbeedka


Daawo: Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL  Oo Qalabka ka hortaga Safmarka COVID 19 Gaadhsiiyey Shaqaalaha Kastamada, Cashuuraha Bariga Iyo Xisaabaadka ee Goboladda Gabiley, Awdal iyo Salal

MASHRUUCA HORUMARINTA DAWLADAHA EE JPLG


Daawo: Wasaaradda H.Maaliyadda JSL ayaa soo qaban-qaabisay kulan hawleed qaatay laba cisho, kaas oo shalay uga furmay magaalada Hargeisa qaar ka mida maayirada dalka. Kulan hawleed-ka oo ku saabsanaa Mashruuca Wadaaga ah ee Horumarinta iyo Adeeg-daadajinta Dawladaha Hoose ee (JPLG). Waxa goob-joog ka ahaa isla markaana furay kulanka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H.Maaliyadda Mudane: Maxamed Cabdi Gurxan, sidoo kale waxa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Guray), Maayirada 11 Magaalo, Wakiil-ka Hay’ada UNCDF Aaden Xasan Mataan,Saraakiisha Wasaarada Maaliyadda u qaabilsan Mashruuca, iyo daneeyayaal kale. Kulan hawleed-kan oo muhiimadiisa lahaa waxay ujeedadiisu daaranayd sidii loo dajin lahaa Istaraatajiyad lagu daadajinanayo maaliyada Mashruuca, si adeegu si fudud u gaadho dadweynaha, iyadoo isla jeer kaasna la waafajinayo Xeer-ka Dibu-habaynta Maamulka Maaliyadda Dalka ee (PFM). W/X/Dadweynaha & Xogta W.H.Maaliyadda Website: Slmof.org Email: [email protected] Tell: 513856

Siyaasad La Mahadiyey ayaa Lagu Xasiliyey Qiimaha Shillinka Somaliland


Hargeisa 09/03/020 (WHM) shalay galinkii danbe waxa qasriga madaxtooyada JSL kulan kuwada qaatay Madaxweynaha JSL, wasiirka Maaliyadda iyo Gudoomiyaha Banka Dhexe. Waxay labada masuul madaxweynaha xog waran kasiiyeen arimo la xidhiidha Hay'adaha Maaliyadda dalka iyo arimo sarifka la xidhiidha. Qiimaha shillinka Somaliland ayaa sanadihii lasoo dhaafay la kulmay hoos u dhicii ugu weynaa abid, xukuumada talada haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la timid siyaasad kor loogu qaadayo qiimaha lacagta wadanka, siyaasadaas oo daawo iyo dabiiba u noqotay sare u kaca Shillinka oo lagu ilaaliyey heer laysku halayn Karo. W/X/Dadweynaha W.H.Maaliyadda

Muuqaal ka turjumaya Mashaariicdii Laga Fuliyey Miisaaniyadii 2019-ka Qaybtii Labaad.


Daawo: Qaybtii Labaad Muuqaal ka Turjumaya Mashaariicdii Laga Fuliyey Miisaaniyadii 2019-ka. Waxa naga xasuusin ah in aanay mashaariicdu intaas ku ekayn balse qayb-ahaan aanu idinkusoo gudbinay qaybtii hore ee film-ka intii aan daawan, qayba kalana aanu dhawaan idinla wadaagi doono Insha-Allaahu. Muwaadin adoo mahadsan nala daawo cashuurtii lagaa qaaday halkay ku baxday. Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha W.H.Maaliyada JSL (War la helyaaba Talo la hel).

Email: Slmof.org Email: [email protected]

The vice minister has opened a Revenue Performance Analysis Training

25-04-2019: The ministry of finance has organized a Revenue Performance Analysis Training for the Staff of the Ministry of Finance Development. The vice minister Mr. Abdulkadir Muxumed has opened the training.

The training will enable participants to identify factors that drive revenue, measure the performance of these factors, and take action to maximise revenue collection.

The Ministry of Finance has designed to improve the government’s capacity and systems to utilize public funds, towards meeting the National Development Plan (NDPII) goals and those of Vision 2030.

A Training has been closed for the Customs Department Staff


16-04-2019: The customs department employees has been trained  at Burao City. The training was about the customs valuation system.
It is part of the reform which is currently happening happening in the ministry.

3 Days training for the Directors has been opened by The Minister


The Ministry of Finance has organized a three-day training on Leadership, Change Management and Performance Management for the Departmental Directors of the Ministry of Finance Development on April 20-22, 2019
The Training was officially opened by the Minister of Finance Hon Dr. Saad Ali Shire. He emphasized the significance of this training in improving the leadership and Performance Management skills of the senior civil Servants of the Ministry of Finance Development.
Suleiman Yusuf Elmi, PFM Change Management Expert will facilitate the three-day training.

 

A Training has been closed for the Customs Department Staff


16-04-2019: The customs department employees has been trained  at Burao City. The training was about the customs valuation system.
It is part of the reform which is currently happening happening in the ministry.

The Minister of Finance has participated a public event at Golis University


13-4-2019: The minister of finance Dr Saad Ali Shire has taken part a discussion which has held at Golis University.
The discussion was about the relationship between Tax and State Development.

 

Ministry of Finance Development’s Departments Present their Monthly Progress for the Month of March 2019


Hargeisa, Somaliland; 10/04/2019 (W.H.M) – Yesterday, 9th April 2019 the different departments of the Ministry presented their monthly progress of  March 2019 against their plans based on the work plan for 2019. The departments presented their plans, what has been achieved, what has not been achieved, and the challenges faced.

The meeting held at the Minister’s office was led by the Minister, Dr. Saad Ali Shire and the Director General, Mohamed Abdi Gurhan.

During the four-hours long meeting, it was agreed to resolve all the challenges that stood on the way to achieve the departments' plans and to continue such meetings until everything is on track.

Setting up work plans and monitoring progress is something new to the Ministry. This monitoring meeting is the second of its kind in the ministry so far which aims at speeding up  the implementation of the Ministry's plans.

This encourages each department to have its own work plan that it can be track its implementation to monitor its performance.

Since Dr. Saad Ali Shire was appointed as the Minister of Finance Development, there has been a significant change in the way the Ministry works generally. Each officer of the Ministry is given a specific task which can be monitored to assess performance.

Meeting with the Economic Committee of the Somaliland Parliament - 8th April, 2019


The ministry of finance led by the Minister of Finance Dr. Saad Ali Shire has met with the economic committee of the Somaliland parliament.

The minister has updated the current situation of the ministry while the committee has been asked questions related to tax, budget and the current exchange rate.

 

 

Meeting with the Somaliland Central Bank - 7th April, 2019


Ministry of Finance and the Somaliland Central Bank has met at the central bank’s meeting hall. This meeting has been participated by the minister of Finance Dr. Saad Ali Shire, Central bank Manager Mr. Ali Ibrahim Jamac, Director General of the Central Bank Mr. Ahmed Hassan Arwo and 3 committees from the two sides.

The committees has been updated to the minister and the manager of the central bank about their progressive work.

Finally, it has been agreed to boost the activities and held meetings regularly.

 

The Minister of Finance has opened a training for tax collectors - 28/03/2019


The ministry of Finance has launched a training for all Marodijex regional staff of Inland Revenue. This training was about ethics on tax collection.

Minister of Finance Dr. Saad Ali Shire had an opening speech and he mentioned the importance of this training. He stated that the tax collectors are a government ambassadors which reflects the mirror of the government.

Minister of Finance started boosting tax collection campaign - 28/03/2019


First of all, the Ministry of Finance acknowledges all the Somaliland Taxpayers on how they participate on the development of the country and paying taxes.

Taxes has a huge important on development of the nation. The main of government’s source of income is tax. It enables to implement developmental projects and providing social services like security, education, health, paying salaries and economic development.

The Ministry of Finance is informing the people that the ministry has started boosting tax collection on Business Income Tax, Rental Income Tax, Payroll Tax and Goods and Service tax that has been mentioned in law No. 72/2036

Goods and Service Tax has not been imposed by Somaliland Society but it’s been imposed by each and every country’s citizen. For example, the neighbor countries: Ethiopia is 15%, Uganda is 12%, Kenya is 10% while Somaliland is 5% only.

Finally, the ministry of Finance informs citizens about the importance of the implementation of law and regulations of the country.

The Ministry of Finance Development has organized a five-day refresher training for the Internal Audit Department - 26/03/2019


This training equips participants with the skills and knowledge required to conduct quality internal system audits.

The Minister of Finance has supervised the office stations of Hargeisa Inland Revenue Department - 25/03/2019


A team led by the Ministe of Finance Dr. Saad Ali Shire had supervised the Hargeisa office stations on Inland Revenue Department.

The purpose of this supervision was to observe the exact work happening in the offices.

Somaliland Ministry of Finance Dr. Saad Ali Shire has presented a lecture at University of Hargeisa. The lecture was about “Development Financing for Unrecognized Country: the case of Somaliland” - 19/03/2019



A supervision trip has been done by the Vice Minister to the Inland Revenue and Customs Stations of the eastern regions (13-14 March 2019):


The vice minister of the Ministry of Finance Mr. Abdulkadir Mohamoud Sh. Muxumed (Dhago-weyne) accompanied with a team from the ministry has been travelled to the revenue stations of the eastern part of Somaliland.

           

A supervision trip has been done by the Vice Minister to the Inland Revenue and Customs Stations of the Eastern Regions


The vice minister of the Ministry of Finance Mr. Abdulkadir Mohamoud Sh. Muxumed (Dhago-weyne) accompanied with a team from the ministry has been travelled to the revenue stations of the eastern part of Somaliland.

The vice minister and his team has has arrived to Berbera this morning and then they will go to Togdheer, Sanag and Sool Regions.

On the other hand, this trip for the vice minister was the third one to supervise revenue stations of the country. The previous trip has supervised to revenue stations of the western part of the country: Wajale Customs Station, Kalabaydh Customs Station, Gabilay Inland Revenue office, Abaarso Customs Station, Saylac and Asha-Addo Customs Stations. This trip’s mission is to enhance accountability of the revenue stations officers that will come over again and again.

Furthermore, the intention of this trip is to boost the revenue generation of the country to reach the estimated budget of 2019 so that to implement the development projects in this year’s budget by the government.

This team will assess the exact needs for the revenue station of Inland Revenue and customs that will obstacle the revenue collection activities. These needs can be shortage of offices, furniture and employees.

 

A supervision trip has been done by the Vice Minister to the Inland Revenue and Customs Stations of the Western Regions


The vice minister of the Ministry of Finance Mr. Abdulkadir Mohamoud Sh. Muxumed (Dhago-weyne) accompanied with a team from the ministry has been travelled to the revenue stations of the eastern part of Somaliland.

The vice minister and his team has has arrived to Kalabaydh this morning and then they will go to far to the other station.

On the other hand, this trip for the vice minister was the first trip to supervise revenue stations of the country. He has supervised all revenue stations of the western part of the country: Wajale Customs Station, Kalabaydh Customs Station, Gabilay Inland Revenue office, Abaarso Customs Station, Saylac and Asha-Addo Customs Stations. This trip’s mission is to enhance accountiblity of the revenue stations officers that will come over again and again.

Furthermore, the intention of this trip is to boost the revenue generation of the country to reach the estimated budget of 2019 so that to implement the development projects in this year’s budget by the government.

This team will assess the exact needs for the revenue station of Inland Revenue and customs that will obstacle the revenue collection activities. These needs can be shortage of offices, furniture and employees.

 

The ministry of Finance had a meeting with Hargeisa Municipality (Feb 11, 2019)                                                                                                                               

The ministry of Financial Development led by the minister Dr. Sa’ad Ali Shire have had a valuable meeting with the Hargeisa Municipality lead by Deputy Mayor Mr. Abdiaziz Caga-weyne.

The minister of Finance rejected the existence of 80 Milyan Dollars Government Debt (Feb 6, 2019)                                                                                         

The minister of Financial Development Dr. Sa’ad Ali Shire has denied the existence of  80 Milyan Dollar government debt.

 

The minister of Finance had made a handover to the previous and the newly appointed Director Generals (Jan 6, 2019)

The minister of financial development Dr. Sa’ad Ali shire has made a handover on the previous Director General Mr. Abdirahman Musabaqo to the newly appointed Girector General Mr. Mohamed Abdi Gurhan.

The minister of Financial Development Dr. Sa’ad Ali Shire had made a budget 2019 speech in front of the Somaliland House of Parliament (Dec 22, 2018)


The minister of Financial Development Dr. Sa’ad Ali Shire had made a budget 2019 speech in front of the Somaliland House of Parliament.

An event about minister’s handover has been held in Ministry’s Hall (Nov 18, 2018)                                                    


A handover event has been held in the ministry of finances Hall. This handover was about the pervious minister of finance Mr. Yusuf Mohamed Abdi and the newly appointed minister Dr. Sa’ad Ali Shire.