Diiwaangelinta Cashuurbixiyaha


Hordhac

Cashuur bixintu waa masuuliyad sharci ah oo muwaadinka saaran, si la mid ah bulshooyinka Rayidka. Dhaliga cashuurta kasoo xarooda waxa lagu qaban doona adeegyada Dawladda qabato, sida Amaanka, Caafimadka, Waxbarashada iyo Nabadgelyada Dawlada; si ay hawsha u qabato waxay si gaara ugu igmatay Wasaarada Horumarinta Maaliyadda inay hirgeliso Xeerka Dhakhliga Lr.72/2016 ee ku taariikhaysan 16/07/2016.

Diyaarinta nidaam xisaabin cashuureed ayaa ka mid ah isbedellada ugu muhiimsan ee la hirgelinaayo. Tani waxay gacan ka geysan doontaa in cashuur bixiyeyaashu ay bixiyaan cashuurta saxda ah si waafaqsan sharciga. Sharcigu wuxuu waajibinayaa in Waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda ay hirgeliso diiwaanka cashuuraha oo koobaya dhammaan ganacsiyada iyo shaqsiyaadka sharcigu waajibinayo in ay is diiwaan geliyaan.

Ujeedada Waaxda Cashuuraha Berriga waa in ay ururiso dakhliga canshuurta iyo ka aan cashuurta ahayn, iyadoo ay:

  • Ururinta dakhliyada lagu horumarinayo Somaliland;
  • Hirgelinta shuruucda cashuuraha Somaliland si cadaalad iyo hufnaan ku dheehantahay; iyo
  • Ka caawinta cashuur bixiyayaasha si ay u gutaan waajibaadkooda cashuur-bixineed.

Haddii aad leedahay ganacsi ama aad tahay loo shaqeeye ay ku waajibto in cashuur uu ka reebo musharka shaqaalahiisa sida NGO, mashruuc ama hay'adaha dawladda, waxaa lagaa doonayaa inaad isdiiwaangeliso oo aad hesho Lambarka Aqoonsiga Cashuurbixiyaha (TIN).

Waa Maxay Lambarka Aqoonsiga Cashuurbixiyaha (TIN)?

Diiwaangelintu waa qaab laguugu diyaarinayo Lambarka Aqoonsiga Canshuuraha (TIN) iyo in lagu siiyo shahaadadiisa. Lambarka Aqoonsiga Canshuuraha (TIN) waa xisaabtaada canshuurta ee kuu gaarka ah. Marka la soo saaro, waxaa loo isticmaali doonaa in lagu garto dhammaan macaamilkaaga canshuuraha iyo la macaamilida Wasaaradda Maaliyadda. Waxaa sidoo kale loo isticmaali doonaa dhammaan wada xidhiidhka adiga iyo Waaxaha Cashuuraha Berriga iyo Kastamka. Waxa lagu hubin doonaa in xisaab-celinta aad soo gudbiso iyo cashuurbixintaada ay is leeyihiin.

Lambarka Aqoonsiga Cashuurbixiyaha (TIN) waxaa loo isticmaali doonaa dhammaan noocyada cashuuraha ah ee kugu waajibay inaad bixiso wakhtigi loogu talogalay. Iyadoo ku xidhan xaaladahaaga, waxa ka mid ah Cashuurta Dakhliga Ganacsiga, Cashuurta Dakhliga Shaqada, Cashuurta Dakhliga Kirada, Cashuuraha Lareebay (Withholding Taxes), Cashuurta Badeecadda iyo Adeegyada, iyo cashuuraha kala duwan ee kale.

Yaa U Baahan Lambarka Aqoonsiga Cashuurbixiyaha (TIN)?

Qof kasta - shakhsi ama shirkad - oo sharcigu ku waajibinayo inuu soo gudbiyo xisaab-celinta, iyo qof kasta oo mas'uul ka ah cashuur-ka- reebidda shaqaaliisa, Xeerka Dakhligu wuxuu ku waajibinayaa inuu isdiiwaangeliyo.

Nidaamka diiwangalinta cashuur-bixiyuhu wuxuu bilaabmay May 2018, iyada oo la diiwaan-geliyay cashuur-bixiyeyaasha waaweyn, kuwaas oo ah kuwa sannadka dakhligoodu noqonayo ugu yaraan 3 bilyan oo shillinka Somaliland ah iyo dhammaan hay'adaha ay ka shaqeeyaan in ka badan 100 shaqaale oo joogto ah. Qaybaha kale ee cashuur-bixiyaha ayaa lagu wargalin doonaa jadwalka diiwaangelinta iyo waqtiga loogu talagalay. Ugu dambeyn, ganacsi kasta oo ku hawlan dhaqdhaqaaqyada dakhli-abuurka iyo cashuurta sanadlaha ah ee ka sarreysa 5 milyan sannadkiiba oo shillinka Somaliland ah waxaa ku waajib ah inay iska diiwaangeliyaan Waaxda Cashuuraha Berriga si ay u helaan shahaadada aqoonsiga.

Shirkad kasta waa inay mar keliya is diiwaangeliso, iyadoo ay jiraan ganaaxyo ku waajibi doona shirkaddii wax ka badan hal TIN qaadata. Sidaa darteed, ganacsiyada ka hawlgalameelo kala duwan (waaxyo) waa inay dalbadaan kaliya hal TIN oo aboola xafiiska xarunta iyo laamihiisa..

Waa Maxay Sababta Uu Cashuurbixiyuhu Isku Diiwaangelinaya?

Lambarka Aqoonsiga Cashuurbixiyuhu helitaankiisu wuxu sal u yahay inaad heshid nidaam caddaalad ah, adiga iyo dhammaan cashuur bixiyeyaasha kaleba. Xisaabcelinta iyo hubinta lacagaha la bixiyay ayaa muhiim u ah si loo hubiyo in dhammaan dhaqdhaqaaqaaga cashuur- bixintaadu ay diwaangashan tahay, oo aan laguugula kici doonin tallaabo si aan waafaqsanayn sharciga. Taasina waa sababta diiwaan-gelinta cashuur-bixiyeyaashu ay uga jirto dal kasta oo ka mid ah Qaaradda Afrika.

Intaa waxaa dheer, in diwaangelinta cashuurbixiyaha ay muhiim u tahay qof kasta oo raba inuu ganacsi ka sameeyo Somaliland:

>        Waaxda Cashuuraha Berriga waxay awood sharci u leedahay inay ka taageerto cashuura- bixiyayaasha u diiwaangashan dhamaan waajibaadkooda bixinta cashuur-bixineed sida xasuusinta wakhtiyada xisaab-celinta.

>        Diiwaan-gelintu waa hab lagaga qayb-galo nidaamka, waana fursad ay cashuur-bixiyeyaasha diiwaangashan uga qayb qaadan karaan horumarinta nidaamka cashuuraha.

>        Mustaqbalka, caddaynta cashuur-la'aanta waxaa la siin doonaa oo keliya cashuurbixiyaha haysta aqoonsiga. Sidoo kale, cashuurbixiyayaasha leh aqoonsiga waxay awoodi doonaan:

  1. Ka qayb-galka qandaraasyada iibka alaabta dawladda
  2. In la lagu siiyo lacag-bixin adeeg ama badeecad u fuliyay dawladda

iii.        In la siiyo ama loo cusbooneysiiyo shatiyada ganacsiga sanadlaha ah sida Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, iwm

  1. Inay awoodaan in ay soo dejiyaan ama dhoofiyaan badeecadaha

Goorma Ayaan Isdiiwaangeliyaa?

Ganacsiyada dakhligooda guud ka badanyahay sannadkiiba SL/Shan 5 Milyan waa inay isdiiwaan geliyaan oo ay helaan Lambarka Aqoonsiga Cashuurbixiyaha (TIN) iyo Shahaadada Diiwaangelinta Cashuurbixiyaha. Meheradaha yaryar way isdiiwaan gelin karaan, waxayna u baahan doonaan inay sidaas sameeyaan ka hor inta aanay helin warqadda caddaynta cashuur la’aanta.

.Meheradaha cusub ama hay'adaha kale ee bilaabaya hawlo la cashuuri karo waa inay isku diiwaangeliyaan 21 maalmood gudahood marka ay bilaabaan ganacsigooda.

Sideed Isu Diwaangelin Kartaa Ama U Heli Kartaa Macluumaad Dheeraada?

Xafiiska Diiwaangelinta Cashuur-bixiyaha ayaa ka mid ah xafiisyada Waaxda Cashuuraha Berriga. Cashuur bixiyeyaashu waa inay ka doontaan xafiiskan foomka diiwaangelinta

cashuur-bixiyaha (TPRF01), iyada oo loo raacayo tilmaamo faahfaahsan ee foomka. Xafiiska Diiwaangelinta Cashuur- bixiyaha ayaa sidoo kale ka jawaabi karta su'aalaha ku saabsan lambarka aqoonsiga iyo arrimaha la xidhiidha isdiiwaangelinta. Waxaana lagala xidhiidhi karaa shaqaalaha xafiiska, telefoonka ama email-ka hoos ku xusan.

Diiwaangelintu Waa Bilaash

Ma jiraan wax kharash ah oo laga qaadayo cashuur-bixiyaha si uu isu diiwaangeliyo ama u helo shahaadada aqqonsig.