What is goods and services tax?


Waa maxay cashuurta adeegyada iyo baddeecadduhu?

Cashuurta adeegyada iyo baddeecadduhu (GST) waxay bedelayaan cashuurta iibka waxana laga qaadaa adeegyo iyo baddeecado kooban. Waxana la qaadaa oo kaliya marka:

  1. Badeecaadaha uu keeno warshadlaha (soosaaraha baddeecadda)- soosaarahaas oo sameeya badeecad sanadkii cashuuri ku waajibi karto ( iibka, isweydaarsiga, ama wareejinta baddeecaddaha la soo saaro oo ay ku jiraan baddeecadda loo qaaday isticmaal kaliya ama lagu bixiyay heshiis kiro ama ama mid iib) uu ka bato 5milyan SL.SH waxa la loo baahanyahay in laga bixiyo cashuurta adeega iyo baddeecaddaha alaabtaas ( haddii aan si gaar ah loogu darin liiska baddeecadda laga dhaafay- xaga hoose fiiri). Cashuurta adeega iyo baddeecaddaha lagu dabaqi maayo baddeecaddahaa jumladleyaasha iyo tafaariiqleyaasha.
  2. Baddeecaddaha la soo-dhoofiyo – Cashuurta adeegyada iyo baddeecadaha ee waxyaabaha la soo dhoofiyo la saaro waxa qaada Kastamada iyada oo la socota cashuuraha soo-dajinta. Faahfaahinta baddeecaddaha la soo-dajiyay laguma daro Foomka 09 ee cashuur celinta cashuuraha adeegyada iyo baddeecaddaha.
  3. Adeegyada Cashuurtu ku waajibtay – Qodobka 165aad ee Xeerka Dakhliga waxa uu sheegayaa in cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha laga bixinayo adeegyada soo socda:
  • Adeegyada korontada;
  • Adeegyada Isgaadhsiinta;
  • Adeegyada biyo-qaybinta lacagta ah;
  • Cuntada , Jiifka iyo adeegyada la xidhiidha ee ay bixiyaan dadka wada hawlaha albeerkooyinka ama adeeg la mid ah, ama cunada ama sharaabka ay bixiyaan dadka wada hawlaha goobaha laga cunteeyo;
  • Libka tigidhada adeegyada gaadiid ee caalamiga ah (hawada, bada, iyo dhulka);
  • Adeegyada uu bixiyo wakiil diyaaradeed ama isu dube ride socdaal, oo ay ku jiraan soo saarida tigidhada; iyo
  • Adeegyada ciyaaraha ama isu duba ridaha ciyaaraha fudud, oo ay ku jiraan soo saarida tigidhadu.

Baddeecaddahee laga dhaafay cashuurtan?

Baddeecaddaha laga dhaafay cashuurta adeegyada iyo iibku waa kuwan soo socda sida uu sheegayo qodobka 153aad faqradiisa 7aad ee Xeerka Dakhligu:-

  • Cuntooyinka dadku isticmaalo (laakiin aan ahayn cuntada la kariyay ama la diyaariyay ee loo adeegsan doono cunno ahaan);
  • Baddeecaddaha loo keeno isticmaal guud oo waxbarasho iyo hay’addo samafal (oo aanay ku jirin baddeecaddaha si shakhsi ah ay u isticmaalayaan xubnaha ama shaqaalaha hay’addahan iyo ururradani);
  • Keenista koombuyuutaraada, qalabka koobuyuutarada iyo barnaamujyadooda;
  • Baddeecaddaha loo keenay dad tabaalaysan xiliyadda masiiibooyinka dabiiciga ahi ku dhacaan ama xaaladaha kale ee biniaadmino;
  • Baddeecaddaha farmasiiyada ama diyaarinta daawooyinka loo keenay, haddii laga dhaafay cashuurtii kastamada markii la soo dajinayay;
  • Keenista agabka caafimaadka ama qalabka sida gaarka ah loogu talogalay in ay isticmaalaan dadka xanuunsan ama laxaadka la’ haddii laga dhaafay cashuurtii kastamada markii la soo dajinayay;
  • Buugaagta qoran (textbooks) ama qalabka kale ee wax lagu barto ee loogu talogalay in lagu adeegsado iskuulada ama barmaamijyada waxbarashada dadka waaweyn, haddii agabkaas laga dhaafay cashuurtii kastamada markii la soo dajinayay;
  • Baddeecaddaha loo keeno warshadle diwaangashan  ama qof ganacsi macdaneed ku jira (a) alaabta qaydhiin ama ama waxyaabaha kale ee loo isticmaalo in wax lagu soo saaro, (b) agabka raasamaalka, (c) keenista baddeecad qayb ka ah wareejinta ganacsi waxsoo saaraya uu wareejiyo warshadle diwaangashani kuna wareejiyo mid kale oo diwaangashan.

Waa maxay qiimaha cashuurta adeegyada iyo baddeecadduhu?

Qiimaha cashuurta ku waajibtay keenista baddeecaddaha iyo adeegyada si waafaqsan qodobada 152aad iyo 164aad ee Xeerka dakhligu waa boqolkiiba shan (5%) xaddiga badeecadda la cashuurayo marka laga reebo kuwa la xidhiidha baddeecaddaha la soo dhoofiyay kuwaas oo qiimaha cashuurtu yahay eber (0).

Yaa ku qasban in uu isku diwaangaliyo cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha?

Qof kasta oo leh ganacsi wax soosaar ama bixiya adeeg cashuuri ku waajibtay waxa ku waajibay in uu isdiwaangliyo si waafaqsan qodobka 158aad ee Xeerka Dakhliga 2016, marka qofku keenay ama rajaynayo in uu keeno baddeecad cashuuri ku waajibtay waddarta xadddiga laga cashuurayo sanadkiina u dhiganto ama ka badantahay (5) milyan oo Somaliland shilling ah.

Sidee laysku diwaangalinayaa?

Qof kasta oo ay ku waajibtay in uu isdiwaangaliyaa waxa uu ka soo dalbanayaa Waaxda Cashuuraha Berriga diwaangalinta 21 maalmood gudahood marka sidaas loo baahdo. Waxa looga baahan doonaa in ay buuxiyaan foomka diwaangalinta cahsuurta oo laga helayo xafiis kasta oo Waaxda Cashuuraha Berrigu leedahay, ama lagala soo degi karo websiteka Wasaaradda Maaliyadda ee.

Maxaa dhacaya haddii qofka ay ahayd in uu isdiwaangaliyaa, isdiwaangalin waayo?

Haddii qofka ay ahayd in uu isdiwaangaliyaa ku guuldaraysto in uu isdiwaangaliyo taariikhda loogu talogalay si waafaqsan qodobka 22aad xarafka (b) ee Xeer-nidaamiyeyaasha dakhliga 2017, waxay bixinayaa cashuur ganaax ah oo ah 1,500 USD. Sidoo kale waxa lagu xukumi karaa in ay bixiyaan ganaax gaadhaya ilaa 2,000 USD ama xabsi gaadhsiisan ilaa 5 sano ama labada ba si waafaqsan qodobka 175aad ee Xeerka Dakhliga.

Qof kasta oo ku guuldaraysta in uu soo codsado diwaangalinta sida uu sheegayo qodobka 158aad faqradiisa 9aad ama qodobka 169aad faqradiisa 7aad ee Xeerka Dakhliga waxa loola macaamilayaa sidii qof diwaangashan laga soo bilaabo bilawgii muddo cashuurkii ku xigay wakhtigii qofka looga baahnaa in uu isdiwaangaliyo ama taarikh danbe oo ay go’aamisay Waaxda Cashuuraha Berrigu.

Ka waran haddii baddeeccaddayda cashuurtu ku waajibtay sanadlaha ahi hoos uga dhacdo 5Milyan SL SH?

Sida uu sheegayo qodobka 158aad faqradiisa 11aad xarafka (b) qof kasta oo diwaangashan kaas oo keena baddeecad ama adeeg cashuuri ku waajibtay waxa uu qoraal kaga soo dalbanayaa Waaxda Cashuuraha Berriga in laga buriyo(cancel) cashuurtii adeegyada iyo baddeecaddaha haddii qiimaha baddeecaddahooda cashuurtu ku waajibtay 12 kii bilood ee u danbeeyay aanay ka badan 5 Milyan SL-SH.

Ka waran haddii baddeecaddahayga la cashuurayaa ka yaryihiin 5milyan SL-SH sanadkii?

Cashuurbixiyeyaasha leh adeegyo iyo baddeecaddo sanadkii la cashuurayo oo ka yar xaddigaa qasab kuma ah in ay isdiwaangaliyaan cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha laakiin hadday doonaan way samayn karaan.

Maxaan ku sameeyaa shahaadadayda diwaangalinta cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha?

Marka laysku diwaangaliyo cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha, ganacsadeyaasha isdiwaangalinaya iyo dadka bixiya adeegyada cashuurtu ku waajibtay waxa ay helayaan shahaadada diwaangalinta. Qof kasta oo isdiwaangaliyay oo ganacsi lihi wuu xafiddayaa shahaada si muuqatana waxa uu ugu so bandhigayaa xaruntooda ganacsi shahaadooyinkooda asalka ah ee diwaangalinta  in uu yahay qof diwaangashan, qaybta ama laamaha kale ee ay ganacsiga ku leeyihiina wuxuu ku muujinayaa nuqulka aan asalka ahayn ee shahaadada (copy). Soo bandhiga shahaadooyinku waxay u ogolaataa cashuur qaadeyaasha in ay ogaadaan in ganacsigu yahay mid cashuurta adeegyada iyo baddeecaddu ku waajibtay iyo in kale. Cashuurta ganaaxa oo ah 500 USD ayaa la saari karaa ganacsatadii aan shahaadada diwaangalinta soo bandhigin.

Miyaan u baahanay in aan keeeno qaansheegaha cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha?

Ganacsade kasta oo diwaangashan oo sameeya baddeecaddo cashuuri ku waajibtay si waafaqsan qodobka 159aad ee Xeerka Dakhliga wuxuu u keenaya qabtaha qaansheegta cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha si loo bixiyo. Qaansheegta waxa la keenayaa horaanta –

  • wakhtiga bixinta buuxda ama qayb bixinta;
  • taariikhda la keenayo; ama
  • taariikhda rarka.

Ganacsade kasta oo leh adeegyo cashuuri ku waajibtay si waafaqsan qodobka 171aad ee Xeerka Dakhliga waxa uu u keenayaa qabtaha cashuurta,  qaansheegta cashuurta adeega iyo baddeecadda si loo bixiyo muddo 10 maalmood ah oo adeeg qabashada ah ama haddii loo  bixinayo si soo noqnoqota ugu yaraan 5 maalmood ka hor taariikhda loogu talogalay in la bixiyo.

Qaansheegta cashuurta adeegyada iyo baddeecadduhu waxay ka kooban tahay xogahan soo socda:

  • Kalmadaha “Qaansheegta GST” oo meel la arki karo ah,
  • magaca, ciwaanka lambarka aqoonsiga cashuurbixiyaha ganacsiga diwaangashan ama adeegbixiyaha cashuurtu ku waajibtay ee wax bixiyay,
  • lambarka tixraaca shakhsiga ah iyo taariikhda qaansheegta la soo saaray,
  • faahfaahinta baddeecadaha ama adeegyada la bixiyay ( waxa ku jira, tirada iyo mugga),
  • taariikhaha baddeecaddaha la keenay ama adeegyada la bixiyay,
  • lacagta laga bixiyay baddeecadda iyo
  • lacagta cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha ee laga qaadayo.

Xilima ayay keenista baddeecaddaha iyo adeegyadu dhacaan?

Keenista baddeecaddaha ama adeegyadu waxa ay dhacaan ka hor- (a) taariikhda aan qaansheegta cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha la soo saarin, ama (b) taariikhda qaansheegta cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha loo baahdo in la soo saaro si waafaqsan qodobka 159aad ama qodobka 171aad ee Xeerka Dakhliga, sida xaga sare lagu sheegay. Xeerarkan waxa ay go’aamiyaan xisaab celinta cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha ee laga warbixinayo.

Halkee keenista baddeecaddaha iyo adeegyadu ka dhacdaa?

Keenista baddeecaddaha iyo adeegyada cashuurtu ku waajibtay waxa ay ka dhacdaa goobta ganascsiga ee adeega ama baddeecadda lagu bixiyay, marka laga reebo bixinta adeegyada korontada ama isgaadhsiinta kuwaas oo ka dhaca meesha adeegyadaa laga helo. Kaliya baddeecaddaha iyo adeegyada Somaliland la keeno ayaa laga qaadayaa cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha.

Xilima ayay dadka cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha diwaangashani loo baahanyahay in ay sameeyaan xisaab celin, bixiyaana cashuurta?

Sida ay sheegayaan qodobada 160aad iyo 172aad ee Xeerka Dakhliga 2016, ganacsade kasta oo diwaangashan iyo qof kasta oo bixiya adeeg cashuuri ku waajibtay waxa ay xaraynayaan xisaab celin waxayna bixinayaan cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha bil kasta 21 maalmood gudahood kadib dhammaadka bishii hore.

Maxaa dhacaya haddii dadka diwaangashini xisaab celinta cashuurtooda xareeyaan xili danbe ( kadib 21 maalmood ee bisha soo socota)

Ganacsadaha diwaangashan ama adeegbixiyaha cashuurtu ku waajibtay ee ku guuldaraysta in ay xareeyaan xisaab celintooda cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha ee billaha ah (21 maalmood gudahood dhammadka bisha hore) waxay masuul ka noqonayan bixinta cashuur ganaax oo ah boqolkiiba laba (2%)  cashuurta la bixinayo bishaas ama 100 USD bishiiba, marba ta badan bil kasta ama qayb bisha ka mid ah inta lagu jiro muddada ka soo bilaabanta kadib maalintii ay ahayd cashuur celinta in la keeno ilaa maalinta cashuur celinta la bixinayo. Dadka diwaangashan sidoo kale waxa lagu xukumi karaa faldanbiyeed iyadoo loo cuskanayo qodobka 17aad ee Xeerka Dakhliga waxayna bixinayaan ganaax gaadhsiisan ilaa 1,500 USD.

Ka waran haddii dadka diwaangashani bixiyaan cashuurta xili danbe (kadib 21ka maalmood ee bisha soo socota)?

Ganacsatada diwaangashan ama adeegbixiyeyaasha cashuurtu ku waajibtay ee ku guuldaraysta in ay bixiyaan cashuurtooda adeegyada iyo baddeecaddaha ee billaha ah (muddo 21 maalmood gudahood ah dhamaadka bishii hore) waxay bixinayaan ganaax u dhigma boqolkiiba laba (2%) bishiiba lacagta aanay bixin oo laga soo xisaabiyo taariikhdii ay ahayd in lacagta la bixiyo ilaa taariikhda lacagta la bixinayo si waafaqsan  qodobka 16aad ee Xeerka Dakhliga 2016.

Halkee dadka diwaangashani ku xaraynayaan xisaab celintooda kuna bixinayaan cashuuraha?

Haddii aad tahay cashuurbixiye weyn ama NGO, xisaab celintaada cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha waxa loo gudbinayaa xarunta Waaxda Cashuuraha Berriga ee Hargeysa. Haddii aad tahay cashuurbixiye dhexe ama yar, waxa aad ka buuxinayaa foomkaaga xisaab celinta kuna xafiiska gobolka ama degmada aad degantahay.

Sidee aad u xisaabinaysaa cashuurta adeegyada iyo baddeecaddaha?

Tusaale :  Ka soo qaad ganacsade sharaabka soo saara iibiyana 300 kees oo cabitaanka fudud ah  qiime dhan 40,000,000 Sl_sh bisha  July 2019

Xisaabi cashuurta adeega iyo baddeecadda ee ganacsadaha bishii.

  • Qiimaha iibka uu u helay sharaabka = 40,000,000 SL-SH
  • Xaddiga la cashuurayo = 40,000,000*5% = 2,000,000 SL_SH
  • Cashuurta adeega iyo baddeecadda waxa la bixinayo ka hor 21st bisha August 2019 = 2,000,000 SL-SH

Halkee dadka diwaangashani ka heli karan foomamka xisaab celinta cashuuraha adeegyada iyo baddeecaddaha iyo hageyaasha buuxintooda?

Foomamka adeegyada iyo baddeecaddaha iyo hageyaashoodaba waxa laga helayaa Xafiiska Waaxda Cashuuraha Berriga ama waxa lagala soo degi karaa Websiteka Wasaaradda Maaliyadda ee.

XISAAB CELINTA CASHUURTA BADEECADAHA IYO ADEEGYADA (GST)

Tilmaamaha buuxinta Foomka Cashuurta Adeegyada iyo Badeecadaha (GST)