Waa Ayo “Dadka Aan Dalka Degganayn” Ee Cahsuuraha Laga Jarayaa??

Chashuuraha la reebayo waxa looga baahanyahay oo kaliya in laga jaro lacagaha qaarkood  oo la siiyo dadka iyo hay’addaha lagu sheegay in “aanay dalka degganayn” kuwaas oo cashuur ahan looga qaadayo hadii aan laga dhaafin cashuurta dakhliga.

Qeexista  “ dadka aan dalka deganayn”  ee ku xusan Cutubka 2aad qaybtiisa 2aad ee Xeerka Dakhliga 2016 ma wada sheegin dhammaan dadka iyo hay’addaha deggan waddan shisheeye. Marka laga hadlayo ashkhaasta, lagu dabaqi maayo dadka:

  • Sida rasmiga ah Somaliland u deggan; ama
  • Jooga Somaliland –

○          Muddo amamuddooyin  ay wadarta iskugaynteedu noqonayso 183 maalmood ama ka badan oo bilawga ama dhammaadka 12 kasta oo sanadka ah;

○          Inta sanadka lagu jiro iyo mid kasta oo labadii sano ee ka horeeyay ah muddo celceliskeedu ka badanyahay 122 maalmood mid kasta oo sanadkaa ka mid ah; ama

  • ah shaqaale ama saraakiil dawladda Somaliland u dirtay dibedda intii lagu jirray sanadka.

Haddii ay Shirkado yihiin, qeexista cidda aan degganayn dalka  lagu dabaqi maayo haddii:

  • lagu sameeyey ama lagu aasaaso Xeerarka Somaliland; ama
  • Maamulkooda iyo maarayntooda lagu fuliyay Somaliland gudaheeda wakhti ka mid ah sanadka; ama
  • hawlahooga shaqo ka dhacaan Somaliland gudaheeda sanadka dhexdiisa; or.

Hadday Hay’ado  kale tahay- Fiiri eray bixinta/qeexista  ku jirta Qodobada 62aad ilaa 64aad ee xeerka dakhliga  ee ku saabsan ammaano haynta degganaanta, iskaashiga ganacsiga degganaha iyo sanduuqa hawlgabka degganaha

Waa Kuwee Dadk Aan Degganayn Dalka Ee Laga Dhaafayaa Cashuurta Dakhliga (Cashuurta La Jaro Een Loo Baahnayn In La Jaro)?

Dadka aan dalka degGanayn waa laga dhaafayaa cashuurta haddii ay si gaar ah u sheegaeen qodobada Xeerka Dakhliga ama heshiis gaar ah (Sida Cahdiga Qaramada Midoobay, Heshiisyada Geneva ama heshiis kale oo gaar ah oo uu saxeexay Madaxweynaha JSL). Qodobka 72aad ee Xeerka Dakhligu waxa uu ka dhaafayaa lacagbixinahan soo socda cashuurta dakhliga:

  • Dakhliga urur kasta ama qof leh dhowrsanaan oo sharciga Somaliland uu siiyay dhowrsanaan diblomaasiyadeed.
  • Dakhliga shaqo ee rasmiga ah ee uu qof ka helay shaqo dawliya oo dawlad shisheeye siisey (Waxase shardi ah in dakhligaa laga bixinayo khasnada dawladda ee waddankaas cashuurta waddankaana laga qaado);
  • Gunno kasta oo lagu bixiyo Somaliland dibedeeda taas oo la siiyo qof ka shaqaynaya Xafiisyada Dibedda ee Somaliland;
  • Dakhli shaqo oo uu qof ka helay ilaa xadka lagu bixiyay heshiis farsamo oo gargaar.

Waa Noocee Lacagaha Dadka Aan Dalka Degganayn Ee La Cashuurayaa?

Lacagahan soo socda ayaa la cashuurayaa:

  • Lacagaha laga bixiyo faa’iidada saamiyada, khidmadaha, kirada, dakhliga khayraadka dabiiciga ah iyo khidmadaha maaraynta si waafaqsan  qodobka 129aad ee Xeerka Dakhliga 2016;
  • Lacagaha la siiyo madadaaliyeyaasha ama dadka ciyaartoyda aan dalka deggayn si waafaqsan qodobka 130aad ee Xeerka Dakhliga;
  • Lacagaha la siiyo qandaraasleyaasha ama xirfadleyaasha si waafaqsan heshiiska adeegga ee aan ahayn heshiiska shaqo si waafaqsan qodobka 131aad ee Xeerka Dakhliga.

Dakhliga waxa loo tixgalinayaa in uu yahay mid ka yimid heshiis adeeg oo aan ahayn heshiis shaqo marka:

  • Qofka adeegga bixinayaa xaq u leeyahay in uu shaqada cid kale sii siiyo qofkuna kula heshiiyo in uu qabto; ama
  • Qofku uu bixinayo dhammaan ama inta badan qalabka, agabka ama hantida loo baahanyahay si loo qabto shaqada; ama
  • Qofka aan loo celinayn lacag, ama aan gunno ka helayn qofkii bixinayay lacagta hawlqabadka haddii uu shakhsi ahaan qofku u bixinayo dhammaan ama badi qalabka, agabka ama hantida looga baahanyahay in shaqada lagu qabto; ama
  • Qofku aqbalo khatar kasta oo ganacsi, baaxadda khatartaasna marka shaqada la qabto ay ku jirto in uu sharci ahaan qaado masuuliyadda shaqada iyo in uu aqbalo masuuliyadda kharashka hagaajinta wixii cilad ah ee ku timaad shaqada; ama
  • Qofku uu xor u yahay sida uu u qabanayo shaqada isaga oo raacaya qodobada heshiiska ee gaarka ah ee khuseeya qabashada shaqada; ama
  • Qofku u shaqeynayo si ka madaxbannaan qofka lacagta ku bixinaya qabashada shaqada oo ay ku jirto haddii qofku u sameeyo/qabto adeegyada sida lagu sheegay heshiiska; iyo in uu xor u yahay in uu aqbalo ama diido shaqo dheeraad ah

Shakhsiyaadka aan dalka deganayn ee lacagaha adeegyada ay qabteen lagu siiyo si waafaqsan heshiiska shaqo laga qaadi maayo cashuurta lajaro (withholding tax) dadka aan dalka degganayn ee  boqolkiiba tobanka ah (10%) lakiin waxa laga qaadayaa cashuurta dakhliga shaqada oo ah boqolkiiba lix (6%) taas oo iskugu jirta ( 5% cashuurta dakhiga ah iyo 1% cashurta shaabada ah).

Waa Maxay Tacriifada Cashuurta Laga Jarayo Lacagha La Siiyo Dadka Aan Dalka Degganayn?

Lacagaha la siiyo dadka aan dalka degganayn waxa laga jarayaa (withholding tax) cashuur boqolkiiba toban (10%) ah wadarta lacagaha la siiyo. Cashuurta shaabada oo  ah boqolkiiba laba iyo badh (2.5%) lacagta la jaray ayaa sidoo kale loo baahanyahay in la jaro taas oo lacagta la jarayo ka dhigaysa boqolkiiba laba iyo toban iyo badh (12.5%) .

Tusaale: Xisaabinta Iyo Bixinta Cashuurta Laga Jaro (Withholding Tax) Lacagaha La Siiyo Dadka Aan Dalka Deganayn

Ka soo qaad Shirkadda X ayaa heshiis kula gashay khabiir caalami ah oon dalka degganayn in ay siiso kun (1,000) dollar si uu ugu qabto adeeg gaar ah, khabiirku maaha shaqaale lacagtana waxa la siinaya bisha March 2019.

  • Wakiilka lacag jaristu (withholding agent) waa shirkada X
  • Taariikhda xisaab celinta cashuurta la jaray (withholding tax) waa 15 ka April.
  • Taariikhda la bixinayo cashuurta la jaray waa 15ka April
  • Wadarta lacagta la siinayo qofkaa aan waddanka degnayni waa USD 1000
  • 10% ka cashuurta la jarayo (withholding tax) waa 1000X10% = USD 100
  • 2.5% ka shaabada ee la jarayo waa = 1000X2.5%  noqonaysa (25USD)
  • Lacagt saafiga ah ee la siinayo qofkaasi waa USD 875

Waa Kuma Wakiilka Lacag Jaristu(Withholding Tax Agent)?

“Wakiilada lacag jaristu” waa dadka ku qasban in ay cashuur u jaraan si waafaqsan Xeerka Dakhliga 2016. Waa shakhsiyaad ama hay’addo lacag siiya dad aan dalka degganayn.

Goorma Ayay Wakiilada Lacag Jaristu Xaraynayaan Xisaab Celinta Bixinayaana Cashuurta Ay Ka Jareen Lacagaha Ay Siinayan Dadka Aan Deganayn?

Wakiilada lacag jareyaasha (lacag bixiyeyaasha) waxa ay buuxinayaan oo gudbinayaan Foomka 06 ee xisaab celinta cashuuraha la jaray ee billaha ah waxayna lacagaha ku bixinayaan xafiiskooda Waaxda Cashuuraha Barriga 15 cisho gudahood ee bisha ku xigta bisha lacagaha la siiyay dadka aan deganayn intii bishii hore lagu jiray.

Xaggee Wakiilada Cashuur Jareyaashu Ku Bixinayaan Cashuurta Ay Jareen?

Wakiilada cashuur jareyaashu waxay ku bixinayaan cashuurta lacagaha ay jareen Xafiiska Lacaghayaha Waaxda Cashuuraha Berriga ee Xafiiskooda ama gacansigoodu ku yaal cashuur ahaanna looga diwaangaliyay.

Ka Waran Haddii Wakiilka Cashuur Jaristu Xisaab Celinta Cashuurta La Jaray La Habsaamo Ama Ku Guuldaraysto In Uu Xareeyo Xisaab Celinta?

Wakiilka lacag jarista ee ku guuldaraysta in uu ku xareeyo xisaab celinta cashuurta la jaray 15 maalmood gudahood oo ku xiga bisha lacagta la bixiyay waxa uu bixinayaa cashuur ganaax ah oo ah boqolkiiba laba (2%) cashuurtii uu bixinayay bishaa ama 100 dolar bishii, marba tii culus. Waxa la bixinayaa bil kasta ama qaybta bisha dhexdeeda ah inta lagu jiro muddo ka bilaabanta maalin kadib maalintii xisaab celinta ay ahayd in la xareeyo ilaa maalinta la xareeyay xisaab celinta. Wakiilada cashuur jareyaasha waxa sidoo kale lagu heli karaa danbi si waafaqsan qodobka 17aad ee Xeerka Dakhliga waxayna mutaysan karaan ganaax ah ilaa Kun iyo shan boqol (1,500) oo dollar.

Ka Waran Haddii Wakiilka Cashuur Jaristu Cashuurta La Jaray Xili Danbe Bixiyo Ama Ku Guuldaraysto In Uu Bixiyoba?

Ku guuldaraysashada lagu guuldaraysto in la bixiyo lacagaha la jaray ama loo baahnaa in uu wakiilka cashuur jaristu ka jaro lacag uu qof kale siiyay taariikhda loogu talogalay bixinta ama ka hor waxa uu mutaysanayaa ganaaxyada lacagaha xiliga danbe la bixiyo oo ah boqolkiiba laba (2%) bishii lacagta aan la bixin oo laga soo xisaabiyay taariikhdii ay ahayd in la bixiyo ilaa taariikhda lacagta la bixiyay. Cashuuraha la jaray ee aan la bixin waxa ay noqon karaan masuuliyad shakhsiyeed saaran lacag jaraha si waafaqsan qodobka 149aad ee Xeerka Dakhliga laakiin wakiilada lacag jaristu waxay awooddaan in ay dib uga qaataan lacagaha ay ka bixiyeen dadka cashuurta laga jaray.

Waa Maxay Waajibaadka Kale Ee Saaran Wakiilada Cashuur Jareyaasha Marka Ay Cashuurta Ka Jarayaan Lacagaha La Siinayo Dadka Aan Degganayn?

Marka laga yimaado Foomka 06 ee xisaab celinta cashuuraha la jaro ee billaha lagu bixiyo Waaxda Cashuuraha Berriga iyo wakiilada cashuur jareyaasha waxa sidoo kale looga baahanyahay in ay siiyaan dadka aan deganayn cadddayn (shahaado) tusinaysa wadarta guud ee lacagta la siinayo dadka aan degayn, cashuurta la jaray (iyo cashuurta shaabada) iyo lacagta saafiga ah ee la bixiyay (fiiri qodobka 150 faqradiisa 3aad ee Xeerka Dakhliga 2016).

Shahaadooyinku waxa ay siiyaan dadka aan deganayn xogta cashuurta laga jaray iyaga ee ay jareen wakiilada cashuur jareyaashu. Nooca shahaadadu waa qayb ka mid ah Foomka 06 iyo hageyaasha dhammaystirkeeda. Wakiilada cashuur jareyaashu waa in ay lambaro u yeelaan shahaadooyinka ay soo saareen si ay u raadraacaan xogtana lagu kaydiyo lifaaqa qaybta ka ah Foomka 06. Hal shahaado oo kaliya ayaa loo baahanyahay in laga bixiyo cashuuraha laga jaray dadka aan deganayn sanad kasta.

Wakiilada cashuur jareyaasha sidoo kale waxa looga baahanyahay in ay hayaan xogta cashuuraha la jaray muddo shan (5) sano ah kadib dhammaadka sanadka ay la xidhiidhaan (fiiri qodobka 150aad faqradiisa 2aad ee Xeerka Dakhliga).

CASHUURTA LAGA JARO DADKA AAN DALKA DEGGANAYN

Hageyaasha Cashuuraha Laga Jaro Lacagaha La siiyo Dadka aan Dalka Degganayn