Farriinta Agaasimaha

Xeerarka Kastamada Somaliland waxay ku waajibinayaan wax-soodejiyeyaasha in ay bixiyaan cashuuraha kastamada, cashuurahaas lagu bixiyo barnaamjjyada kala duwan ee dawladda iyo adeegyada bulshada sida waxbarashada, daryeelka, caafimaadka iyo difaaca. Waxa aanu hirgalinaynaa hab kastam oo casri ah oo ku salaysan in baddeecaddu iskeed isku caddayso. Iyada oo qayb ka ah habkan, waxa aanu idin siinaynaa adeegyo aanu idinkaga caawinayno sidii aad u bixin lahaydeen cashuuraha idinku waajibay.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Waaxdeeda Kastamadu waxay ka shaqaynayaan mabda’a aasaasiga ah si ganacsatada iyo safreyaashuba ugu hogaansamaan ama u raacaan xeerka marka si ixtiraam iyo caddaalad ah loola dhaqmo, lana siiyo dhammaan xogta, talada, kaalmada iyo adeegyada kale ee ay u baahanyihiin si ay u fuliyaan waajibaadkooda.

 

HORDHAC

Qaybaha waajibaadka iyo xuquuqda Heshiiska Castamada ayaa la diyaariyay iyada oo lagu salaynayo hab-dhaqanada wanaagsan ee caalamiga ah ee heshiisyada cashuurbixiyeyaasha waddamada soo koraya iyo dib u eegista heshiisyada cashuur-bixiyeyasha Bariga Afrika iyo meelo kale. Qorshaha/qaabka qaybaha halbeegyada adeegga ayaa sidoo kale tixgaliyay illahan waxana lagu muujiyay qayb la mid ah oo ku jirta Heshiiska Cashuur-bixiyaha Rwanda.

Heshiiska Cashuur-bixiyaha Somaliland waa in uu noqdo mid kooban oo fudud si loo xaqiijiyo in qof kastaaba fahmi karo xuquuqihiisa iyo waajibaadkiisa. Dhammaan waxyaabaha ku jira heshiisyada ku waajahan waddamada hormaray ee leh maamulada cashuurta ee dhisan heerarka aqoontana sarreeya laguma darin, laakiin mid kasta oo ka mid ah xuquuqaha muhiimka ah ayaa lagu daray iyo sidoo kale waajibaadyada lagu sheegay Xeerka Kastamada Somaliland.

Mabaadida, Hiigsiga iyo Hadafka Kastamada

Hadafkayaga

Hadafkayagu waa in aanu dhiirigalino xoojinnana ganacsiga, sarraynta sharciga iyo kordhinta dakhliga gudaha iyada oo la adeegsanayo khibrad farsamo oo hormarsan iyo aqoon lana raacayo heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah.

Hiigsigayaga

Hiigsigayagu waa in loo maamulo adeegyada kastamada si wax ku ool ah oo ku salaysan mabaadida casriyaynta, xilkasnimada iyo hufnaanta oo qayb ka ah dadaalada loogu talo galay in lagu bixiyo adeegyo kastam oo ay bixinayaan dad xirfadyaqaan ahi iyada oo loo marayo aqoon farsamo oo waafaqsan mabaadida caalamiga ah, dakhli abuurka iyo ilaalinta xuduudaha iyo bulshada waddanka.

Mabaadidayada Aasasiga Ah

Isla-xisaabtan, daahfurnaan, daacadnimo, caddaalad, karti, iskaashi iyo ixtiraam laba dhinac ah.

Heshiiska Adeegga Macmiilka

Xuquuqdaada Macmiil Ahaan

  1. In laguula dhaqmo si ixtiraam, daacad iyo xushmad leh

Waxa aanu u dhagaysan doona cabashooyinkaaga, si xushmad iyo ixtiraam lehna waanu kuula macaamili, dad ama koox gaar ahna u eexan mayno. Waxa aanu soo dhaweyn doonnaa oo aqbali doonna waxa aad noo sheegto, haddii aanan u arag in aanad daacad ahayn.

  1. In aad ku hesho adeegyo dhedhexaad ah, xirfadi hagayso oo wax ku ool wakhtiga aanu ku sheegnay mabaadidayada adeegga gudihii

Waxa aanu yarayn doonnaa wakhtiga ay qaadato caddaynta badeecaddu talo ayaanu bixin doonnaa laakiin waxa aanu ku dadaali doonnaa in aanu xaqiijino in taladayadu noqoto mid sax ah. Dad ama koox gaar ah u eexan mayno.

  1. In aad hesho dhammaan xogta lagama maarmaanka ah oo ay ku jirraan xeerarka iyo xeer-nidaamiyeyaasha khuseeya

Waxa aanu kaaga jawaabi doonnaa su’aalahaaga Xafiisyada Kastamada, waxaanu kaa caawin doonnaa in aad buuxbuuxiso foomamka, waxa aanu caawimo kugu siin karnaa mareegtayada ama barta bulshada, waxananu kuu sheegi doonnaa sababaha go’aamada aanu gaadhnay ee kugu

  1. In sirtaada la dhawro xogta aanu kaa helayna loo tixgaliyo sir

Xogta ku saabsan shaqadaada si hoose oo kaliya ayaa Wasaaradda loola wadaagayaa si ay shaqadeeda uga qabsato, waxa lala wadaagayaa hay’addaha kale marka sharcigu ogolaado, ama aad adigu ogolaato in lala wadaago.

  1. In cabashadaada si degdeg ah oo caddaalad ah loo xaliyo

Haddii aanad ku faraxsanayn dhaqanka aad nagala kulantay, waxad u caban kartaa maamulaha qaybta ama xafiiska ay khusayso. Haddii cabashadaada halkaa lagu xalin waayo waxa aad qoraal cabasho ah u gudbin kartaa Qaybta Daryeelka Macaamiisha iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda.

Waajibaadkaaga Macmiil Ahaan

  1. In aad xogta si buuxda oo daacad ah u soo bandhigto si aanu kaaga kaalmeyno/caawino in aad u hogaansanto waajibaadkaaga

Bixi caddaymo iyo xog dhammaystiran marka lagaaga baahdo in aad bixiso. Uga jawaab su’aalaha si daacad ah oo dhammaystiran.

  1. La shaqee si xushmad lehna ula dhaqan macaamil shaqaalahayaga

Dhagayso/ u dhaga nuglaw codsiyadayada una hoggaansan. Ka dheeraw ficilada ka hor istaagaya shaqaalahayaga in ay gutaan waajibaadkooda, noqo mid xushmad leh oo ixtiraam leh marka aad la macaamilayso shaqaalahayaga.

  1. Buuxbuuxinta diiwaanada saxda ah

Bixi caddaymaha kastamada ee saxda ah ee kuugu filan si aad u hubiso cashuuraha kastamadu kugu leeyihiin, una fuliso waajibaadyada ilaalinta diiwaanada kale ee lagugu dabaqayo si waafaqsan xeerka.

  1. Wakhtiga ku haboon kaga jawaab su’aalaha iyo codsiyadayada

Haddaad si degeg ah oo dhammaystiran uga jawaabto su’aalaha iyo codsiyadayada, waxay tani naga caawin doontaa in aanu dadajino socodsiinta baddeecaddaada.

  1. Taxadir macquul ah samee si aad khaladaadka uga dheeraato

Xaqiiji in, marka aad xogta bixinayso, buuxbuuxinayso foomamka kana shaqaynayso takaaliiftaada iyo cahsuurahaaga, in aad fahanto in shuruudaha iyo xogta lagu siiyay tahay mid sax ah.

Adeegyada Kastamadu Kuu Qabanayan

Si aanu kaaga caawino in aad fuliso waajibaadkaaga cashuur bixinta, waxa aanu ku siinaynaa adeegyadan soo socda:

In si degdeg ah laguugu saaro baddeecaddaha wakhtiga lagu sheegay mabaadidayada adeegga gudihii;

Shaqaalahayaga Xarunta Hargeysa iyo Xafiisyada Gobolada ee Kastamadu waxa ay kaala talin karaan xeerarka kastamada ee la xidhiidha:

Dhoofinta iyo soo-dajinta baddeecadaha, oo ay ku jiraan xeerarka qiimaynta iyo noocyada tacriifadda baddeecaddaha iyo waxyaabaha laga soo reebay;

Badeecadaha ay tahay in ay kastamadu u caddeeyaan dadka saftraya ee soo galaya ama ka baxaya Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddii Aanad Ku Qancin Adeeggayaga

Haddii aanad ku faraxsanayn adeegga aanu ku siinay ama go’aanka aanu gaadhnay ee ku saamaynaya, waad caban kartaa. Waa in aad marka u horreysa cabashadaada u gudbisaa qofka kuu adeegay, kaas oo kuu sharixi doona sababta go’aanka loo gaadhay. Haddii aad ku qanci weydo , waxad ka codsan kartaa in laguu gudbiyo maamulaha qaybta, kaas oo dhagaysan doona kana jawaabi doonna cabashadaada. Haddii aanad wali ku qancin jawaabtan, waxa aad cabasho qoraal ah u gudbinaysaa Qaybta Daryeelka Macmiilka iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda.

Mabaadii’da Adeegga Heshiiska Cashuur-Bixiyeyaasha

Heshiiska Adeegga Waaxda Kastamada waxa ku jira mabaadida Waaxdu doonayso in ay fuliso/raacdo marka ay u adeegayso ganacsatada iyo dadweynaha safarka ah.Jadwalka wakhtigu waxa uu ka bilaabmayaa wakhtiga aad soo gudbisid dhammaan xogta iyo qoraalada aanu u baahannahay (ee lagu sheegay jaantuska hoose). Wasaaradda Maaliyaddu si talaabo-talaabo ah ayay u fulinaysaa shuruucda kastamada iyo dakhliga ee cusub. Mabaadii’dan adeegga waxa lagu darayaa ama loo soo kordhinayaa hanaanka cusub si ay uga qayb qaataan fulinta xeerarkaas.

Habraaca Xogta loo baahanyahay Wakhtiga adeega Cabirka
Caddaynta cashuur la’aanta alaabta la soo dajiyay# – ee dakadda iib u joogga ku ah. ·         Foomka caddaynta allaabta oo ka hadlaya dhamman allaabta.

·         Qaansheegaha alaabta oo dhan.

·         Qoraalka xoojinaya/taageeraya

Laba maalmood  

Wakhtiga diiwaangashan ee wakhtiga u horeeyay ee la keenay hanaanka maamulka kastamada si loo sii daayo/loo fasaxo.

Caddaynta cashuur la’aanta allaabta la soo dajiyayt# – ee xudduudaha dhulka iib u jooga ku ah. ·  Foomka caddaynta allaabta oo ka hadlaya dhamman allaabta.

·  Qaansheegaha allaabta oo dhan.

·  Qoraalka xoojinaya/taageeraya

Hal maalin Wakhtiga diiwaangashan ee wakhtiga u horeeyay ee la keenay hanaanka maamulka kastamada si loo sii daayo/loo fasaxo.
Caddaynta cashuur la’aanta alaabta la soo dajiyayt# –  rarka diyaaradaha oo ay ku jirraan waraaqaha shandahaha lagu aqoonsado. ·  Foomka caddaynta alaabaha fudud oo ka hadlaya dhammaan allaabta.

·  Qaansheegaha allaabta oo dhan

Hal maalin Wakhtiga diiwaangashan ee wakhtiga u horeeyay ee la keenay hanaanka maamulka kastamada si loo sii daayo/loo fasaxo

 

* qoraalada xoojinaya/taageeraya waxyaabaha la soo dajiyo: Amarka/qoraalka sii daynta alaabta; Qaansheeeg ganacsi oo kama danbeysa ah faahfaasanna; Qaansheegta rarka (haddii aan qiimaha lagu muujin qaansheegta ganacsiga ee kama danbeysta ah); Liiska alaabta raran; Liiska alaabta markabku sido, qoraalad alaabta raran weheliya ama qoraalada gaadiidka waddada (CMR); Ruqsadaha Wasaaradda Ganacsiga ama ruqsaddaha kale ee macquulka ah.