Habraaca Dhamaystirka Foomka Cadaynta Badeecadda

Macluumaad Guud.

Habraacan waxaa lagu buuxinayaa macluumaadka badeecadda ganacsi. Waxaana buuxinaya mulkiilaha ganacsiga ama wakiilkiisa isaga oo ku qoraya macluumaadka lagama maarmaanka u ah buuxinta foomka cadaynta badeecadda.

Foomka cadaynta badeecadda waxaa loo qaabeeyay, hab sahlaya in ganacsadaha ama wakiilkiisu si sahlan u xaqiijiyaan/cadeeyaan badeecadooda. Taas oo waafaqsan shuruucda iyo xeer-hoosaadyada u dagsan Kastamada sida Xeer  No. 73/2016;  iyo  Ururka  Kastamada  aduunka,  waafaqsanna  nidaamka  u  dagsan  Ururka  Caalamiga  ah  ee Ganacsiga aduunka.

Sida markii hore loo qaabaysanyahay Foomka Cadaynta Badeecadda (Goods Declaration Form: GDF) waxa ay ahaan jirtay in saraakiisha Kastamadu ka buuxinjireen ganacsatada macluumaadka badeecaddooda marka la qiimaynayo badeecadda si ay ugu soo bandhigaan Kastamka. Laakiin hadda Foomka Cadaynta Badeecadda, waxaa loogu talogalay in sida ugu macquulsan loo fududeeyo hirgalinta nidaamka cadaynta badeecadda ee uu ganacsadaha ama wakiilkiisu cadaynayaan noocyada badeecadooda si loo yareeyo kharbudaada ganacsiga.

Isbadalka ugu muhiimsan ee la sameeyay, waxa weeyi in masuuliyadda dhamaystirka Foomka Cadaynta Badeecaddu (GDF) ay hadda ku dhacayso ganacsadaha, oo aanay haatan ku dhicidoonin Kastammada.

Foomka Cadaynta Badeecadda

Masuuliyadda Ganacsadaha

Xaqiijiyaha/Cadeeyaha badeecadda ama wakiilkiisu waa in ay buuxiyaan macluumaadkan soo socda eek u xusan Foomka Cadaynta Badeecadda.

Barta/Goobta Kastamka Gali Barta Kastam ee laga sameeyay Cadaynta/Xaqiijinta Badeecadda.
Taariikhda Gali wakhtiga la cadeeyay badeecadda.
4. Warqadda Dalabka Gali Lambarka warqadda dalabka (D.O-ga) ee aad ka heshay soo diraha

badeecadda.

44. Liisanka W/Ganacsiga Gali Lambarka Liisanka Wasaaradda Ganacsiga ee ganacsadaha badeecadda soo dhoofsaday.
Qofka ganacsiga la soo dagay Gali magaca qofka ganacsiga la soo dagay oo dhamaystiran
9.  Tirsiga Cashurta Ganacsiga (TIN) Hadii ganacsadaha badeecadda la soo dagay uu leeyahay Tirsi u gaara Casuurta ganacsigiisa (Tax Identification Number “TIN”) gali lambarka edeggan/sanduuqan.
14. Cadeeyaha / wakiilka Gali magaca wakiilka badeecadda oo dhamaystiran ee buuxinaya foomka cadaynta badeecadda
18. Gaadiidka Gali macluumaadka nooca gaadiid ee loo adeegsaday badeecadda; tusaale; Duulimaad Lambarka/Diiwaanka Markabka i.w.m.
34. Asalka Gali wadankii asal ahaan ay badeecaddu ka timid (sida ka muuqata Qaansheegta badeecadda).
40. BL/AWB Gali inta Lambar ee gaadiidka sida ku cad dukumantiga (Qaansheegta)

Rarka/Qaansheegta xamaalka diyaaradda i.w.m).

Kharashka Xamaalka Gali kharashka xamaaliga badeecadda alaabta.
Caymiska Gali qiimaha caymiska ee aad ka bixisay xamaalka/qaadista badeecadda.

Dukumantiyadan

Dukumantiyadan soo socda waa in lagu lifaaqaa marka la samaynayo xaqiijinta/cadaynta badeecadda loona bandhigo Kastamka.

Qaansheegta saxda ah ee kama danbaysta ah.

(qaan sheegta u qoraysa lama aqbalayo)

Qaansheegta waa in laga helaa macluumaadkan hoose:

•   Magaca iyo ciwaanka iibiyaha oo dhamaystiran;

•   Magaca iyo ciwaanka soo iibsadaha oo dhamaystiran;

•   Lambarka qaansheegta iyo taariikhda la bixiyay;

•   Inta nooc ee badeecadda u raran, calaamadaha iyo Lambarada;

•   Culayska badeecadda cashuurta ka hor;

•   Nooyada badeecadda; xaddiga iyo liiska qiimayaasha badeecad kasta.

Qaansheegta Xamaalka badeecadda

(la aqbali maayo ilaa qiimaha xamaalka badeecadda lagu cadeeyo foomka)

Qaansheegta xamaalka badeecadda ama cadaymaha kale ee muujinaya qiimaha xamaalka, hadii aanay ku cadayn qaansheegta kama danbaysta ah ee uu gudbiyay.
Liiska xidhmada badeecadda Liiska muujinaya noocyada ay ka koobantahay xidhmada badeecadda ganacsigu.
Biilka dajinta (BL/AWB) Dukumantiga la xidhiidha nooca gaadiid ee badeecadda lagu daabulay.
Liisanka Wasaaradda Ganacsiga Liisanka Ganacsiga ee ay ganacsadaha siisay Wasaaraadda Ganacsigu.

Cadeeyaha badeecaddu ama wakiilkiisu waa in uu saxo edega/sanduuqa khuseeya foomka cadaynta badeecadda ee xaqiijinaya dukumantiga lagu lifaaqay foomka.

Cadeetaga badeecadda ama wakiilka cadaynta badeecaddu waa in uu foomka cadaynta badeecadda diiwaankeeda ugu dhamaystiraa shay-shay. Nooc kasta oo badeecada ahna waa in si gaara loo diiwan-galiyaa; iyadoo lagu muujinayo macluumaadka gaarka ah, qaybaha, xadiga qaybkasta, iyo xadiga guud ee badeecadda. Hadii loo baahdo, isticmaal warqadda dhamaystirka foomka cadaynta badeecadda si aad u dhamaystirto diiwaanka badeecadda. Qor inta warqadood ee aad ka isticmaashay edegga/sanduuqa foomka cadaynta badeecadda; tusaal eahaan; hadii aad isticmaashay sadex (3) warqadood, waa in loo calaamadiyo foomka 1/3, 2/3 iyo 3/3.

Cadeeyaha ama wakiilka badeecaddu waa in uu sexeexo foomka cadaynta badeecadda (iyo warqad kasta oo daba socota), isagoo xaqiijinaya in ay runtahay tirada alaabada uu cadeeyay/xaqiijiyay, ee uu ku soo bandhigay foomka (GDF), iyo macluumaadka kale ee tixraaca taageerada u ah Kastamka).

Foomka Cadaynta Badeecadda oo la fududeeyay.

Hagahan/tilmaamahan soo socdaa waxa uu ku tusayaan sida ugu fudud ee loo buuxin karo foomka cadaynta badeecadda ee loogu talo galay badeecadaha aan loogu talogalin ganacsiga ee aanay ku waajibin cashuuro iyo badeecadaha ganacsi ee lagu qaado shamdadaha gacanta lagu qaato garoonada diyaaradaha ama eeriboodada (airports) ee loo yaqaano shamdadaha calaamadsan (tag bags).

Masuuliyadda Ganacsadaha

Ganacsadaha ama wakiilkiisu waxa uu buuxinayaa xogta badeecadiisa ee ka banana Foomka Cadaynta Badeecadda.

Barta Kastamka Gali barta Kastam ee aad ka samaysay cadaynta.
Taariikhda Gali taariikhda la cadeeyay badeecadda
4. Warqadda Dalabka Gali warqadda dalabka (D.O) ee aad ka heshay/ uu kuu soo diray qofka

badeecadda kuu soo raray.

44. Liisanka W/Ganacsiga iyo Dalxiiska Gali Lambarka Liisanka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska uu ka haysto

ganacsadaha badeecadda la soo dagay.

9. Tixraaca Cashur bixinta Ganacsiga (TIN) Hadii ganacsadahu leeyahay Tixraac Cashuur-bixineed (TIN), gali edegga

(sanduuqa) loogu talogalay (Badeecadaha aan loogu talogalin ganacsi).

14. Cadeeyaha/Xaqiijiha Badeecadda/Wakiilka. Gali magaca wakiilka cadaynta badeecadda samaynaya ee matalaya

ganacsadaha oo dhamaystiran.

18. Lambarka Duulimaadka Gali lambarka duulimaadka badeecaddu la socotay.
34. Asalka Gali dalka ay ka soo jeedo badeecadaada ganacsi
Kharashka dheeraadka ah ee Cabaynta (Packaging) Gali kharashka lagu soo qaaday badeecadda .
Caymiska Gali kharashka uu ganacsaduhu ka bixiyay qaadista badeecadiisa ganacsi.

Dukumantiyadan

Dukumantiyadan soosocda waa in lagu lifaaqaa si loo buuxiyo foomka cadaynta badeecadda ee loo bandhigayo Kastamka.:

Warqadda Dalabka (D.O) Shamdadaha calaamadsan ‘tag bags’ ee ay ku jiraan badeecado ganacsi.
Qaansheegta u danbaysa ee Saxda ah

(La aqbali maayo qaan-sheegta baayacaada/ugu horaysa)

Qaansheegta waa in ay ku jiraan macluumaadkani;

•   Magaca iyo ciwaanka iibiyaha badeecadda;

•   Magaca iyo ciwaanka iibsadaha/ganacsadaha;

•   Lamberka iyo taariikhda qaansheegtu soo baxday;

•   Noocyada Alaabada; xadiga iyo qiimayaasha alaabo kasta.

Waa badeecadaha aan ganacsi loogu talogalin ee ay ku waajibtay cashuurtu. Foomka cadaynta badeecadda ee sexeexan waa la aqbalayaa.

Liisanka Wasaaradda Ganacsiga Liisanka Ganacsiga ee ay ganacsadaha siisay Wasaaraadda Ganacsigu (Badeecadaha ganacsi uun loogu talo galay).  

Cadeeyaha badeecaddu ama wakiilkiisu waa in uu saxo edega/sanduuqa khuseeya foomka cadaynta badeecadda ee xaqiijinaya dukumantiga ku lifaaqan foomka cadaynta badeecadda

Masuuliyadda Macmiilka

Kastamadu waa in ay dhamaystiraan shaqooyinkan soosocda, marka la dhamaystirayo foomka cadaynta badeecadda.

Qabashada Foomka Cadaynta Badeecadda Kastamadu waa in ay hubiyaan foomka cadaynta badeecadda ee sida saxda ah loo dhamaystiray. La xaqiijiyana in dhamaan dukumantiyadii loo baahnaa oo dhan lagu lifaaqay.

Kastamku waa in uu diiwaan-galiyo xogta foomka badeecadaa, marka loo soo gudbiyo “si ay u diiwaan-galiyaan”;

•   Xiliga la diiwaangaliyay;

•   Lambarka dalabka badeecadda “D.O. number”;

•   Magaca cida badeecadda soo dajisatay;

•   Magaca cida badeecadda cadaysay/xaqiijisay;

•   Magaca sarkaalka baadhaha sexeexay in uu hubiyay badeecadda.

Baadhitaanka alaabada Sarkaalka baadhaha badeecaddu waa in uu saxeexaa in uu dhamaystiray baadhintaankiisa. Si uu u xaqiijiyo sugnaanshaha cadaynta badeecadda.

Wax kasta oo badeecadda la xaqiijiyay dheeraad ku ah, si gaara ayaa loogu diiwaangalinayaa foomka cadaynta, waana lagu ganaaxayaa.

Marka la dhamaystiro baadhitaanka, waa in sarkaalka baadhistu sexeexaa foomka cadaynta/xaqiijinta badeecadda.

Hadiiba ay lagu helo alaabo/badeecado dheeraada oo aan lagu darin tirinta lagu sheegay foomka cadaynta badeecadda. Waa in sarkaalka baadhaha Kastamku si dagdaga ugala taliyaa/ugu wargaliyaa maamulaha kastamka.

Qiimaynta iyo kala saarista badeecadda Sarkaalka qiimaynta badeecaddu waa in uu eego Buuga Qiimaynta Badeecadda. Sarkaalku waa in uu Foomka Cadaynta Badeecadda ku daro tixraaca HS-ka (HS Code) iyo qiimeyaasha badeecadda ku xusan Foomka Cadaynta Badeecadda (GDF).
Galinta Alaabada/ Badeecada Foomka Cadaynta Badeecadda ee la dhamaystiray iyo dhamaan dukumantiga la xidhiidha oo dhan waa in la dhamaystiro oo la gudbiyo, si loo xisaabiyo cashuurta ku waajibtay badeecada/alaabada la galiyay foomka/SAD Foom.
Kaydinta Macluumaadka Foomka Cadaynta Badeecadda iyo dukumantiga kale ee la socda ba, waa lagu lifaaqayaa, koobiga (copy) foomka la galiyay badeecadda (SAD form). Waxaana lagu kaydinayaa Xafiiska hubinta ee Kastamka (Customs Manifest Office). Koobiga (a copy) qaansheegtana waxaa loo dirayaa qaybta qiimaynta kastamka dhexe ee Hargeisa, si loogu adeegsado xog-kaydiyaha qiimaynta kastamada.