Waaxda Xidhiidh-ka Dadweynaha iyo Xogta
Qaab-dhismeed ka Waaxda
Hiigsiga
Kasbashada kalsoonida cashuur-bixiyaha iyo guud ahaan dadweynaha iyadoo la abuurayo jawi aaminaad iyo is kaashi ku dhisan.
Himilada
Wacyigalinta dadweynaha sidii ay u bixin lahaayeen cashuurta ku waajibtay, ku baraarujinta sidii ay is-kood ugu hogaansami lahaayeen xeerarka cashuuraha, la socod-siinta adeegyada iyo mashaariicda Dawladu ka fuliso miisaaniyadda iyo qoondada ku tala galka miisaaniyadda.
Ujeedooyin-ka
- In lala socod siiyo muwaadiniin-ta hadba hawlaha Wasaaraddu halkay marayaan.
- In kor loo qaado kalsoonida muwaadin-ku ku qabo WHM, Lana dhiso aragti togan (positive image) oo dhex marta laba-dooda.
- In la baro cashuur-bixiyaha/ganacsatada Xeerar-ka cashuuraha haday tahay kuwa Beriga iyo kuwa Kastanadaba, lana sameeyo olole lagu hanuuninayo/wacyigalinayo dadweynaha.
- In kor loo qaado daah-furnaanta iyo isla xisaabtan ka Wasaaradda si loo abuuro kalsooni iyo is kaashi dhex mara dadweynaha iyo WHM. .
- In lala yeesho xidhiidh wanaagsan guud ahaan dadweynaha.
Istiraatijiyada Waaxda
Waaxdu waxay diyaarisay istiraatijiyad lagula socodsiiyo dadweynaha cashuuraha kala duwan iyo xeerar-kooda, taas oo gaysiin karta cashuur-bixiyuhu inuu is kii u bixiyo cashuurta ku waajibtay.