Dib-u-Milicsiga Kharashgalka 2020-ka


Mudnaanta Miisaaniyadda 2020


Wadaagayasha mudnaanta la siinayo Miisaaniyadda 2020

Gudidda siyaasada Miisaaniyadda Qaranku iyagoo raacaya Qorshaha guud ee Qaranka (NDP2) iyo wadaagayaashii mudnaanta la siiyay Miisaaniyadii 2019, waxay gudidda siyaasada Miisaaniyadu Mudnaanta siiyeen sanad Miisaaniyadeedka 2020 wadaagayaashan hoos ku xusan.

1. Nabadgalyada:

Nabad galyadu waxay kow ka tahay qodobada mudnaanta la siiyay Siyaasadda Miisaaniyadda 2020. Si hadaba loo adkeeyo Nabad galyada, waxa Miisaaniyadda 2020 loo qoondeeyay Hay’addaha ku shaqada leh Nabadgalyada Miisaaniyadda kor loogu qaadayo adeega nabad galyada ee ay qabtaan sida:

  • Tayaynta iyo kordhinta Ciidamada
  • Qalabaynta Ciidamada
  • Dhismayaaasa Jeelasha
  • Dhismayaasha Saldhigyada, Rugaha iyo Qaybaha booliska
  • Dhismayaasha Cusbitaalada Ciidamada

2. Ictiraafka:

Tan iyo markii ay Somaliland madax banaanideeda la soo noqotay, waxay ku hawlanayd sidii ay beesha caalamka ugu heli lahayd Ictiraaf. hadaba si looga midho dhaliyo dedaalka xukuumadu ugu jirto Ictiraaf raadinta, waxa Miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee 2020 guud ahaanna la kordhiyay 4% marka loo eego Sanadka 2019, halka kharashka Ictiraaf raadinta la kordhiyay 56.7 %. Meelaha mudnaanta gaarka ah la siiyay waxa ka mid ah

  • Kordhinta kharashka Ictiraaf raadinta
  • Furista Safaarado iyo Qunsuliyado cusub
  • Tayaynta iyo xoojinta Safaaradihii iyo Qunsuliyadihii hore
  • Kordhinta tirada shaqaalaha Wasaaradda arrimaha dibeda

3. Doorashooyinka:

Somaliland waa astaan kamida dalalka u taagan dimuqraadiyada Qaarada Afrika, isla markaana ay ka dhaceen Dooraqshooyin badan oo xor iyo xalaal ah, kuwaasi oo magac iyo maamuus ba u keenay qaranka.

Hadaba, sidaan wada ognahay waxa inagu soo fool leh qabsoomidda Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Dowladdaha hoose, taasi oo Dowladdu u qoondaysay kharash dhan 28,800,000,000 sl sh (sideed iyo labaatan bilyan iyo sideed boqol oo milyan)

4. Caafimaadka :

Caafimaadku waa baahiyaha aasaasiga ah ee Aadamaha, sidaa awgeed iyadoo laga duulayo Qorshaha Qaranka (NDP2) iyo Hiigsiga Qaranka ee 2030 ee ku waajihan tayaynta iyo kor u qaadida adeega Caafimaadka, waxay Miisaaniyadda Sanadka 2020 ay muhiimad weyn siinaysaa horumarinta adeega caafimaadka Bulshada, taasi oo laga dheehan karo qoondada ay ugu talo gashay in adeega W.Caafimaadka kor loogu qaado waxa la kordhiyey 17.65% Miisaaniyadda 2020.

Sidaa darted waxa mudnaan gaara la siiyay Mashaariicdan hoos ku xusan:

  • Dhismayaasha Xarumaha caafimaadka (Health clinics)
  • Dhismayaasha Xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka
  • Iibsiga qalabka Caafimaadka ee kala duwan
  • Shaqaalaysiinta Dhakhaatiirta takhasusaadka gaarka leh sida: Nerphologist, Urologist, Radiologist iyo Anethesiologist
  • Ku darida Miisaaniyadda saamiga dowladda laga rabo Mashaariicda adeega caafimaadka kor loogu qaadayo ee Ceerigaabo iyo laascaanood oo ah (70%)
  • Iibsiga Gaadiidka adeega Caafimaadka (Ambulances)
  • Gunaynta dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha Caafimaadka ee dhakhtarada baligubade, kala baydh iyo Xariirad
  • Gunaynta dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha Caafimaadka ee Cusbitaalada TB ee Gobolada

 

5. Waxbarashada:

Miisaaniyadda 2020 waxay muhiimad weyn siinaysaa tayada adeega waxbarashada gaar ahaan dugsiyada dowladda, taasi oo ka muuqata korodhka loo kordhiyay Miisaaniyada Wadaagaha waxbarashada 34%. Meelaha ay mudnaanta gaarka ah siinayso miisaaniyadda 2020 ee dhanka waxbarashada waxa ka mid ah:

  • Kordhinta Mushaharka macalimiinta dugsiyada hoose iyo dhexe 25%
  • Qorista macalimiin
  • Dhismayaasha iyo daryeelka dugsigayada dowladda
  • Shaqaalaysiinta 300 oo macalin oo kuwa dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ah
  • Dhismayaasha dugsigyada farsamada gacanta
  • Tayaynta kuuliyadda tobabarka macalimiinta
  • Ku darida saamiga dowladda laga rabo Mashaariicda adeega Waxbarashada kor loogu qaadayo ee Dayaxa iyo laascaanood, kuwaasi oo laga maalgalinayo sanduuqa Somalind development fund (SDF) iyo Miisaaniyadda dowladda dhexe

6. Biyaha:

Miisaaniyadda 2020 waxay muhiimad gaara siinaysaa wax ka qabadka baahiyaha biyo yaraanta ee ka jirta deegaanada dalka, si hadaba loo yareeyo baahiyaha biyo yaraanta waxa la kordhiyay Miisaaniyadda Wasaaradda Horumarinta Biyaha 65%.

Mashaariicda Biyaha waxa kamida:

  • Qodista ceelasha
  • Biyo xidheeno
  • Sand dams
  • Dareeylka iyo tayaynta ceelashii hore

7. Garsoorka:

Sidaan wada ognahay Cadaaladu waa mid ka mid ah tiirarka ugu weyn ee Nabada, isla markaana loo baahan yahay in la daryeelo oo la tayeeyo. Xafiisyada bahda Garsoorka Waxa Miisaaniyadda 2020 loo qoondeeyay kharash wax lagaga qabanayo baahiyaha Xafiisyada bahda garsoorka taasi oo isugu jirta Daryeelida Xafiisyada Maxkamadaha hoose, Maxkamada sare iyo Xafiisyada Xeer ilaalinta Guud.

8. Maamul-Daadajinta:

Waxa Miisaaniyadda 2020 mudnaan gaara ay siinaysaa maamul daadajinta, taasi oo la doonayo in adeegyada kala duwan ee dowladdu si fiican u wada gaadho dhamaan deegaanada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidaa awgeed, waxa miisaaniyadda 2020 loo qoondeeyay kharash loogu talo galay fidinta Maamul daadajinta, taasi oo badi Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dowladda loo galiyay dhismayaal ay ka dhisanayaan gobolada iyo degmooyinka dalka, halka qaar kale oo badana loo galiyay kharash kiro ijaar oo ay ku kiraystan Xafiisyada Gobolada iyo Dagmooyinka.

 

Sidoo kale, siyaasada Miisaaniyadda 2020 waxay mudnaan siinaysaa Mashaariicda maamul daajejinta ee ay ka wada shaqeeyaan dowladdaha hoose iyo dowladda dhexe, isla markaana dowladdu ku dartay Miisaaniyadda 2020 qoondadii laga rabay Mashaariicda maamul daadajinta ee (JPLG), waxa kale oo Dowladu si gaara kharash ugu qorshaysay sadex degmo oo barriga ah oo aan Mashruuca JPLG hore ugu jirin, balse Dowladdu fulin doonto

9.  Horumarinta Dhalinyarada iyo Shaqo Abuurka:

Miisaaniyadda 2020 waxay muhiimada gaara siinaysaa Horumarinta Dhalinyarada iyo shaqo abuurka, sidaa daraadeed waxa Miisaaniyadda 2020 looga qoondeeyay qoondo loogu talo galay in lagu horumariyo dhalinyarada isla markaan lagu yareeyo shaqo yaraanta sida:

 

  • Shaqaalaysiinta 1,400 oo dhalin yaro ah, kuwaas oo dhamaystay Mashruuca Shaqo Qaran iyo qaadashada 700 oo cusub oo loo qaadanayo Shaqo
  • Dar-dar galinta Sanduuqa horumarinta dhalinyarada kaasoo sanadkii hore la aasaasay joogtan noqon
  • Dhamaystirka Garoonka ceerigaabo
  • Dhismaha Garoonka Caynabo
  • Dhismaha Garoonka Oodweyne
  • Dhismaha Garoonka Baligubadle
  • Qabashada tartanka koobka gobol
  • Dhamaystirka garoonka laascaanood
  • Fidinta iyo tayanta Xafiisyada shaqo abuurka ee job centers-ka
  1. Warshadaha iyo Maal-gashiga:

Warshadahu waxay door laxaad leh ka qaataan kobaca dhaqaala dalka iyo shaqo abuurka, sidaa awgeed waxa Miisaaniyadda 2020 ay mudnaan gaara siinaysaa Maalgashiga dalka dibadiisa iyo gudahiisa (investment) iyadoo wixii Maalgashiya dowladdu u fududayn doonta dhamaan wixii dowladda ku xidhan sida bilaabida maalgashiga (ease of doing business).

Sidoo kale, waxa Miisaaniyadda 2020 ay si gaara mudnaanta u siinaysaa samaynt dhul dowladdu leedahay oo loogu talo galay warshadaha (Industrial Zone). taasi oo wax weyn ka tari doona baahidii helida dhulka iyo yaraynta kharashka abuurida Ganacsiga (start-up cost)

  1. Ilaalinta Deegaanka iyo Ku Tala galka Dhacdooyinka Dabiiciga ah:

Miisaaniyadda dowladda ee 2020 waxay mudnaan gaara siinaysaa ilaalinta deegaanka, hadaba si loo helo deegaan bad qaba oo ka fayow aafooyinka dhibta ku haya deegaanka waxa Miisaaniyadda 2020 loo qorsheeyay mashaariic horumarineed oo wax lagaga qabanayo deegaanka sida:

  • Mashruuca wax ka qabadka xaalufka
  • Daryeelka Ugaadha iyo Deegaanka
  • Mashruuca Dhiraynta
  • Mashruuca Seereyaasha Bancawl iyo Casuura
  • Mashruuca daryeelka duurjoogta

12. Wax soo saarka (Xoolaha iyo Kalluunka):

Xoolaha nooli waa laf dhabarta Dhaqaalaha Dalka, sidaa awgeed Miisaaniyadda 2020 waxay mudnaan gaara siinaysaa daryeelka xoolaha iyo kalluunka, taasi oo ka muuqata korodhka Miisaaniyadda oo dhan 29%, mashaariicda xoolaha iyo kalluunka wax ka mid ah sii wadida Mashaariicdii hore loo hirgaliyay iyo abuurida kuwa cusub sida:

  • Mashruuca taranka xoolaha
  • Mashruuca xoolo qaybinta (restocking)
  • Mashruuca daaweynta xoolaha
  • Iibsiga qalabka baraf dhaliyayaash iyo qaboojiyayaasha
  • Iibsiga doonyaha kalluumaysiga iyo laashashka
  • Dhismayaasha Xafiisyada Kalluumaysiga
  • Iibsiga qalabka shaybaadhka Xoolaha

13. Beeraha:

Sida ku cad Qorshaha Qaranka (NDP2) iyo hiigsiga 2030 ee Qaranka oo sheegeya in sanad kasta aynu kordhino dhulka aynu wax ka beerano si aynu quudkeena ula soo baxno isla markaan u gaadhno isku filnaasho dhanka wax soo saarka ah. Hadaba, Miisaaniyadda 2020 waxa loo qoondeeyay mashaariic horumarineed oo kor loogu qaadayo wax soo saarka dalka gudahiisa sida:

  • Mashruuca Beer, wajaale iyo Oodweyne
  • Mashruuca abuur badinta
  • Mashruuca fidinta beeraha
  • Mashruuca bad-baadada beerah
  • Mashruuca bad-baadada beeraha
  • Mashruuca Xog ururinta Beeraha
  1. Horumarinta Tiknolojiyada (ICT):

Miisaaniyadda 2020 waxay xooga saaraysaa kobcinta iyo tayaynta adeega Tiknoolajiyada, taasi oo kordhin doonta horumarka dalka, Sidaa awgeed waxa Miisaaniyadda 2020 loo qoondeeyay Mashaariic lagu horumarinayo Tiknolojiyada sida:

  • Iibsiga qalabka isgaadhsiinta
  • Hirgalinta e-government
  • Kharashka raadinta furaha dal ku galka
  • Samaynta xarunta (ICT Centar)
  • Samaynta siyaasada ICT

 

Maashaariicda ku Jirta Miisaaniyadda 2020-ka

Lacagta loo qoondeeyay in lagu hirgaliyo Mashaariicda Miisaaniyadda 2020-ku waa 376,246,245,316 slsh una dhiganta 18.36% waana kuwan hoos ku xusan:

 

MDAs No

.

Name
Ciidanka Asluubta 1 Dhismaha Jeelasha Boorama, Salaxlay iyo Gebilay
Ciidanka Booliska 1 Dhismayaasha saldhigyada iyo Rugaha
Ciidanka Dabidemiska 1 Dhismahayaasha xarumaha Burco, Boorama iyo Wajaale
Ciidanka Qaranka 1 Dhismaha taliska Ceerigaabo iyo Cusbitaalka Ciidanka
Guddida Doorashooyinka 1 Doorashooyinka
Hanti-dhawraha Guud 1 Dhismaha Xafiiska Hantidhawrka
Hay’adda Duulista iyo Madaaradda 1 Mashruuca Horumarinta Madaaradda
Madaxtooyadda 1 dhismaha Madxafka Qaranak (museum)
2 Dhismaha Madaxtooyadda Cusub
3 Dhismaha Guryaha Martida ee Goboladaa
W.Caafimaadka, W.Maaliyaadda &

W.waxbarshada

1 Mashruuca JPLG
Tacliinta Sare 1 Dhismeyaasha Jaamacadaha Burco iyo Sheekh
W.Boosaha iyo Isgaadhsiinta 1 Iibsiga Qalabka Boosaha & Isgaadhsiinta
W.Caafimaadka 1 dhismaha Xarumo Caafimaad 3 Xarumo Caafimaad, Hargeysa 2 iyo Oog 1
2 Dhismeyaasha Balaadhin Xarumaha Caafimaad
3 Dhismeyaasha Balaadhin X. Caafimaad
4 Dhismeyaasha 10 MCH
5 Iibsiga Ambulances
6 Iibsiga Mishiinka Kalyaha Boorama
7 Ibsiga Qalabka Caafimaadka
8 Mashruuca Cisbitaalada Ceerigaabo & Laascaanood
W.Dhalinyarada & Ciyaaraha 1 dhismaha kordhinta Xafiisyada Wasaaradda
2 Dhismayaasha Garoonadda Ceerigaabo, Oodweyne iyo

Baligubadle

3 Qabashada Koobka Goboladda

 

4 Mashruuca Sanduuqa H.Dhalinyaradda
W.Gaadiidka & Jidadka 1 Dhismaha Wadooyinka & Buundooyinka Wadada Ceerigaabo
W.Ganacsiga 1 Dhismaha Aaga Warshadaha (Industerial) iyo Xafiisyada

Goboladda

W.H.Biyaha 1 Dhismaha Sand Dams & Earth Dams (6)
2 Iibsiga Riig
3 Dhismaaysha Ceelasha
W.H. Maalgashiga 1 Dhismaha Xafiisyo Wasaaradda
W.H. Maaliyadda 1 Dhismeyaasha W.Horumarinta Maaliyadda
W. Macdanta & Tamarta 1 Dhismaha Shaybaadhka berbera
W. Warfaafinta 1 Dhismeyaasha
2 Iibsiga idaacada Cusub
W.Waxbarashada & Sayniska 1 Dhismaha Iskuulka Haldoor
2 Dhismaha Iskuulka Qorigorod
3 Dhismaha Xarunta Wasaaradda
4 Dhismaha Iskuulka Balikaliil
5 Dhismaha Iskuulka Duruqsi
6 Dhismaha Iskuulka Garadag
7 Dhismaha Laybareeriga Gabiiley
8 Dhismaha Laybareeriga Berbera
9 Dhismaha Laybareeriga Salaxlay
10 Dhismaha Laybareeriga Silaanyo
11 Masharuuca Shaqo Qaran
12 Mashruuca Dugsiyadda Dayax & Laascaanood
Wasaaradda beeraha 1 Mashruuca Abuurbadinta
2 Mashruuca Beer,Wajaale & Oodwayne
3 Mashruuca Dhiraynta
4 Mashruuca Timirta
5 Mashruuca Cilmi Baadhista & Fidinta Beeraha
6 Mashruuca Badbaadada Beeraha
7 Mashruuca Xog-ururinta Beeraha
Wasaaradda Boosaha 1 Mashruuca Diyaarinta Xarumaha ICT-ga
2 Hirgalinat E-government
3 Raadinta Furaha Dal Ku galka
Wasaaradda Deegaanka 1 Mashruuca seerayaasha Bancawl & Cashuura
2 Mashruuca Daryeelka Duurjoogta
Wasaaradda Jidadka 1 Dhismaha wadada Burco iyo Oodweyne
2 Horumarinta Wadooyinka
Wasaaradda Maaliyadda 1 Horumarinta Gobolada Bariga
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta 1 Mashruuca Sahaminta Macdanta & Shidaalka
wasaaradda X.Xoolaha iyo Kalluumaysiga 1 Iibsiga Doonyaha kalluumaysiga
2 Dhismeyaasha goobaha Kalluumaysiga
3 Iibsiga Qalabka Kaluunka (qaboojiyayaal iyo baraf dhaliyayaal
4 Mashruuca Tijaabada Taranka Xoolaha
5 Masharuuca Qoolcaday & Aroori
6 Mashruuca Daawaynat Xoolaha
7 Mashruuca Xoolo Qaybinta
Xeer-Ilaaliayaha Guud 1 Dhismaha Xafiisyada Xeerilaalinta