Ku Saabsan Wasaaradda
Hadii aan qabo cabasho, weydiin ama talo/soojeedin shaqadiina ku saabsan, halkee ayaan guudahaan Wasaaradda kala soo xidhiidhaa?
Waxaaad la soo xidhiidhi kartaa Xafiiska Daryeelka-Macmiilka ee Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda, adiga oo nagula soo xidhiidhi kara xidhiidhadan {contacts} hoose, hadba ka kuu fudud:
Landline: 513856
WhatsApp No: +252-65-7729999
Email: Info@slmof.org
Waa Maxay Shaqada Wasaaradu?
Wasaaradda H.Maaliyada JSL waajibaad-keedu waa mid dastuuriya, waxaanay shaqadeedu tahay dajinta iyo maaraynta Miisaaniyad iyo kharashaad ku haboon ilaha maaliyadeed ee Dawlada. Waxay sidoo kale masuul katahay hubinta habsami u socodka nidaamka maaliyadeed ee ay u idmantahay, iyo waliba kor-joogtaynta iyo xisaab-celinta kharashaadka Wasaaraddaha iyo Hay'adaha Dawladu galaan. Wasaaradda H.Maaliyadu iyadoo ka duulaysa awaamiirta uu farayo Xeerka Maamulka iyo Maaliyadda Xeer Lr. 75/2016, waxay isbedelo doora ku wadaa hore-udhigida iyo dardar-galinta habsami u socodka masuuliyada qaran ee ay u xil-saarantahay.
Xafiis-Kee iigu Dhaw Wasaaradda?
Waaxda Cashuuraha-beriga ee wasaaradda H.Maaliyaddu waxay xafiisyo ku leedahay dhamaan degmooyin-ka Caasimada Hargeisa, iyo guud ahaan degmooyin-ka dalka. Waxa sidoo kale xafiis-yada degmooyin-ka ka sii farcama laama xaafadaha ku yaal. Wixii macluumad ah ee dheeraad ah, ee aad nooga baahato, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa Teleefan Number: +2522-513856 ama Email: Info@slmof.org.
Ilaa Goorma ayey Xafiis-yadiinu Furanyihiin?
Wasaaraddu waxay shaqaysaa Sabtida ilaa Khamiista, saacadaha shaqadayadu waa 7:00 Subax-nimo ilaa 2:00 Duhur-nimo. Marka laga tago Kastamada iyo Cashuuraha-beriga, Kastamadu waxay shaqeeyaan 24 Saacadood, Cashuuraha-Berriga xafiisyadoodu waxay furan yihiin ilaa galabtii.
Sidee ayey Wasaaraddu usoo Iibsataa Agabka iyo Adeega?
Sida sharcigu dhigayo Wasaaraddu waxay awood u leedahay inay iib sato agab ama adeeg kasta oo qiimihiisu ka yar yahay $5,000 lacagta Maraykan-ka. Waxaanu Qiima-sheeg (Quote) u qoraa ugu yaraan sedex meelood/ganacsatada, kadibna ta ugu jaban ayaanu ka iibsanaa.
Maxa Dawladda uga qorshaysan Sicir-bararka Faraha kasii baxaya ee dalka jirra??
Sicir-bararku waa laba nooc, mid gudaha ka dhasha iyo mid debedda ka yimaada, sicir-bararkani waxa uu inagaga yimid debeda, waxaana sabab u ah xaaladaha ka jira dunida, ka Dawlad ahaan u maynaan yaraysan, waxa aynu dhinay 10% cashuurta cuntooyinka daruuriga ah, waxa aynu ku xasilinay shilinka Dalka meel la is ku halayn karo IWM, waana aynu sii wadaynaa dedaalka.
Cashuuraha
Maxay yihiin sababaha loo bixiyo cashuuraha ? Maxay se tahay faaiidada ku jirtaa?
Somaliland waxay rabtaa inay gaadho is ku filnaansho
- Kuma tiirsanaan karo deeqo aynu ka helo debeda, xataa hadii aynu lacag soo daynsano waxa loo baahanyahay lacag dib loogu bixiyo.
- Ogow cashuur-bixiye cashuur yar oo soo xaroota (dakhli) macnaheedu waa adeeg yar oo ay fuliso Dawladdu.
- Cashuur bixintu waa jidka ugu haboon ee muwaadinku kaga qayb qaadan karo gacansiinta Wadankiisa.
- Cashuurta ganacsigu waxay korodhay intii u dhaxaysay 2018/2020 51% (Boqolkiiba Kow iyo Konton).
- Umadaha ilbaxa ah ee hormuudka ka ah horumarka Qarankoodu, kama war-wareegaan bixinta cashuuraha ku waajibay.
Hadaba halkay ku baxdaa cashuurta uu bixiyo cashuur-bixiyuhu?
- Cashuurta waxa lagu qabtaa adeegyada muwaadinku uga baahanyahay Dowladdiisa, sida wadooyinka, nabadgalyada, biyaha iwm.
- Miisaaniyadda sanadlaha ah ee Dowladdu waxa ay ku salaysan tahay hadba inta ay le’egtahay cashuurta la rajaynayo inay soo xarooto sanadka soo socda.
Maxay kala yihiin Xeerarka cashuuraha JSL?
- Xeerka dakhligaguud iyo cashuuraha bariga xeer lanber 72/2016 iyo xeer-nidaamiyeyaashiisa ka farcamay ee kala ah 01/2017 iyo 02/2019.
- Xeerka kastamka xeer lanmber 73/2016
- Xeerarka kale ee dhaqan galka ah ee ku xusan shaxda 7-baad ee xeerka dhakhliga xeer lanmber 72/2016.
- Wixii faah-faahin dheeraad ah ee ku saabsan cashuuraha waxa aad ka daalacan kartaa shabakada Wasaaradda Maaliyadda ee slmof.org ama www.som.slmof.org.
Marka la is barbar dhigo xadiga tacriifadaha (Rates) cashuuraha Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwa wadamada jaarka ah midkeebaa badan?
Sida kaaga muuqata shaxdan, xadiga cashuuraha J.Somaliland iyo kuwa ay qaadaan Wadamada Bariga Africa Waxa aad ka dheehan kartaa inaynu aad uga hoosayno.
Dalka | Cashuurta MM. Ganacsiga | Cashuurta MM. Shaqaalaha | Cashuurta Iibka Adeega iyo Alaabooyinka |
Somaliland | 10% | 6% | 5% |
Kenya | 30% | 30% | 16% |
Ethiopia | 35% | 35% | 15% |
Tanzania | 30% | 30% | 18% |
Uganda | 30% | 40% | 18% |
Rwanda | 30% | 30% | 18% |
Burundi | 35% | 35% | 18% |
Djibouti | 25% | 25% | 10% |
Shaxdan waxa aanu ka soo xiganay: Hay’ada PROFR.
Waa maxay noocyada cashuuraha tooska ah ee Somaliland?
Hadaynu noocyada cashuuraha mid-mid isu dul taagno si ay aqoon ugu yeeshaan cashuurta ku waajibtay cashuur bixiyayaashu iyo wajibaatka dheeraadka ah ee uu ina farayo xeerarku, waa sidan:
- Cashuurta MM. Shaqaalaha: waa cashuurta ku waajibtay dakhliga shaqaaluhu ku helaan shaqo ay qabteen, waxa xeerku waajibinayaa inuu ka reebo loo shaqeeyuhu is la markaasna uu ku soo bixiyo xafiiska ugu dhaw ee cashuuraha-berriga ugu danbbayn 15-ka cisho ee bisha xigta bisha ay cashuurtu wajibtay. Xadiga cashuurta macaashal-macaashka shaqaaluhu waa 5% kaliya, oo lagu daray 1% oo ah cashuurta moorka ah (Stamp duty).
- Cashuurta Iibka ee Adeegyada iyo Allaabooyinka (GST): cashuurtani waxay ku dhacdaa badeecadaha la soo dejiyey, iyo kuwa gudaha Dalka lagu farsameeyey iyo qaar kamida adeegyada lagu bixiyo gudaha wadanka sida adeega isgaadhsiinta, korontada,biyaha,tigidhada gadiidka hoteelada iyo adeegyada kale ee ay cashuurtu ku waajibtay; waxa ka masuula warshadlaha ama cidii adeega bixinaysa oo ku daraya 5% qaansheegta qiimaha badeecada iyo adeega. Cashuurta iibka ee ku waajibtay adeega iyo alaabooyinku waa 5% kaliya.
- Cashuurta Madeganayaasha: waa cashuurta dakhliga aan joogtada ahayn, cashuurta la reebayaa (withholding tax) waa cashuurta ku waajibtay dadka aan Dalka deganayn balse dakhli kasoo galay hawl ay u qabteen cid kale oo Dalka degan, sida hawl la taliyenimo faaiidada kasoo gashay saami shirkadeed, dakhli kiro ama dakhliyo kale, waxa xeerku waajibinayaa inuu ka jaro oo soo bixiyo wakiilkiisu ama cida uu uqabanayo hawshaas ee bixinaysa lacagta shaqadaas, xadiga cashuurtani waa 10%.
- Cashuurta Dakhliga Daaraha: Cashuurtani waxa ay ku waajibtay mulkiilaha daarta kiraysan is ka leh, waana mid sanadle ah. Xadiyada cashuuraha dakhliga daarahu waa 10%.
- Cashuurta Macaashal-Macaashka Ganacsiga: Sida uu qeexayo qodobka 69-aad ee xeerka dakhliga cashuuraha-berriga JSL, Cashuurta macaashka ganacsiga waxa loola jeedaa: “dakhli kasta oo qof ama shirkad ka soo gala hawlgal ganacsi”. Waxa lagaaga baahan yahay Xisaab-xidhka Cashuurta macaashka ganacsi-ga oo ah sannadle ugu danbayn bisha afraad ee sannadka cusub. Cashuurta macaashka ganacsi-ga waxaa loo bixinayaa: qiimaynta xafiisku sameeyo ee katimi Xisaab-xidhka cashuur bixiyaha ama qiimayn kale oo uu xafiisku ka samayeeyay xog aan ahayn Xisaab-celinta. Xadiga cashuurta macaashal-macaashka ganacsigu waa 10%.
- Waxa intaa soo raaca xadiyo aad u yaryar oo ah cashuuraha maamulka iyo moorka kuwaas oo raaca cashuuraha ku dhaca dakhliga soo gala jeebka qofka.
- Xadiyada ama rates-ka cashuuraha Somaliland waa kuwo ka hoose kuwa ay qaadaan Wadamada Africa.
Sidee ayaan hadaba u bixiyaa cashuuraha igu waajibay?
- Sideedaba hadii aad ganacsi leedahay ka diwaan gali cashuuraha-berriga oo qaado sumada aqoonsiga cashuur-bixiyaha.
- Ilaali markasta diwaankaaga xisaab-xidhka
- Markasta ilaali xisaab-celinta oo fayl garayso xiligeedi adoo ku soo lifaaqaya dhukumintika khuseeya , taasi waxay kaa saacidaysaa habsami u socodka ganacsigaaga.
- Ku bixi markasta cashuuraha kugu waajibay wakhtigooda.
Sidee ayaan si fudud ugu bixin karaa cashuuraha igu waajibay?
- Waxaad tagtaa xafiiska kuugu dhaw ee kuyaal xaafada ama degmada aad degantahay.
- Waxaad ka dheehan kartaa About the Revenue Acts, cutub-ka 1-aad, qaybta 16-aad bogiisa 15-aad
- Mudane/Marwo: si aanu u fududayno hanaanka cashuur-bixinta waxa aanu idiin diyaarinay hanaanka casriga ah ee e-cash, anagoo hada idiin daah-furay E-Dahab, waxa aanu sidoo kale rajaynaynaa inaanu ku soo biirino adeega Zaadka, adiga oo cashuurta ku bixin doona lacagta mobile-kaaga gacanta ku jirta.
- Waxa aanu sidoo kale idiin diyaarinay hanaan casri ah oo is wada (automate) is la markaana online-ah, kaas oo ah daaqad (taxpayer portal) aad ka heli doonto dhamaan adeegyadii aad u iman jirtay xafiiska C/Berriga.
- Hadaba hadii aanad wali is diwaangalin, fadlan booqo oo raac linkigan: somaliland-ird.com/taxpayer/StartRegistration.aspx
Ma lacagta Somaliland ayuun baan ku bixin karaa cashuurta?
- Cashuurta waxaad ku bixin kartaa SL.shilling iyo lacagaha kalaba sida lacagta dollarka Maraykanka.
Ma Ganaax Ayaa igu Dhacaya Hadaan La Dib-Dhaco Bixinta Cashuurta igu Waajibtay?
- Haa, bixinta cashuur kastaa waxay leedahay mudo cayiman, cashuur-bixiyaha ku guuldaraysta bixinta mudada loo cayimay ganaax lacageed ayuu la kulmayaa, sidaa waxa dhigaya Xeer.
Halkee ayaan ka heli karaa faahfaahimo dheeraad ah oo ku saabsan cashuur-bixinta?
waxa aad ka heli kartaa:
- Mareegta Wasaaradda H. Maaliyadda JSL: org (English), som.slmof.org (Somali)
- Xeerarka Cashuuraha-Berriga iyo hagayaashooda, waxa aad sidoo kale ka heli kartaa mareegta Wasaaradda, adigoo ka sii tagaya returns@Somaliland_IRD.com
- Xafiiska Daryeelka Macmiilka Waaxda C/Berriga.
- Waxaad garaaci kartaa numberka gaaban ee 3535.
- Ama soo booqo xafiisyada Waaxda ee Degmooyinka iyo Gobolada.
- Waxa aad sidoo kale la xidhiidhi kartaa Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha Wasaaradda: Email: Info@slmof.org, Landline: 513856, Whatsapp: 65-7729999.
Cashuurta Iibka ee Adeega & Alaabooyinka (GST)
Waa maxay cashuurta Adeegga iyo iibka badeecaddu?
Cashuurta Adeegga iyo iibka badeecaddu waxa weeye “Cashuurta ku waajibtay badeecadda la soo dejiyo iyo badeecada laga soo saaro gudaha waddanka ee ku xusan qodobka 153-aad ee Xeerka dakhliga iyo adeegyada kala ah iibka biyaha, korontada, is-gaadhiisnta, adeegga hudheellada iyo socdaallada.
Muxuu Qabtaa Mishiinka Cashuurta Iibku?
Wasaaradda H. Maaliyadda JSL iyada oo ka duulaysa meel-marinta iyo dhaqangalinta awaamiirta Xeerka Guud ee Dakhliga Dawladda Xeer Lr. 72/2016 gaar ahaan qodobadiisa 158aad iyo 169aad waxa ay dhawaan bilaabi doontaa adeegsiga iyo hirgalinta mishiinka cashuurta iibka, mishiinkaas oo soo saari doona qaansheegta adeegyada ay bixiyaan hudheeladu oo ay la socoto cashuurta iibka ee ku waajibtay.
Maxaa ka Maqan oo ay Tahay Inay ku Daraan Hudheeladu Biilka Qaansheegtooda?
Waxa uu sharcigu ku waajibinayaa hudheelada inay qaansheegta biilashoodda ku daraan 5%-ka cashuurta Iibka ee alaabta & adeeegga marka ay ku dalacayaan macaamiishooda, iyada oo ay masuuliyiinta hudheeladu wakiil uga yihiin Dawladda inay u qabtaan dakhliga ka soo xarooda cashuurtaa iibka ee ku dhacday adeegyadii ay u fidiyeen macaamiishooda.
Maxaa warshadlaha looga baahanyahay?
Waxa looga baahanyahay in cashuurta iibka oo dhan 5% uu raciyo qaansheegta.
Miisaaniyadda
Waa Imisa Miisaaniyadda 2023-ku?
Miisaaniyad sanadeed-ka Dawladda ee 2023-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dowladda-Dhexe, Dawladdaha-hoose, Hay’addaha Madaxa-banaan iyo Deeqaha Caalamiga ahi waxa ay dhantahay SL.SH/= 3,581,440,706,340
Waxaanay ka saraysaa Miisaaniyadii sanadkii 2022-ga 4%. Wixii faahfaahina waxaad ka dheehan kartaa Dhiganaha Miisaaniyadda 2023-ka.
Maxay ka mid ah mudnaanaha miisaniyadda 2022?
Mudnaanaha miisaniyadda 2022-ku wax aka mid ah, kuwan soo socda:
Amaanka:
Kordhinta iyo tayaynta ciidamada
Kordhinta mushaharka ciidamada kala duwan 30%
Biyaha:
Biyo balaadhinta Hargaysa
Qodista xafiir dhaamo iyo Ceel biyoodyo gobolada oo dhan ah
Caafimaadka:
Dhismayaasha xarumaha hooyada iyo dhalaanka
Ka hortaga iyo xakamaynta Covid-19 iyo horumarinta caafimaadka guud ahaan Tayaynta cusbitaalada gobolada iyo cusbitaalka wayn ee Hargaysa
Deegaanka:
Fidinta seerayaasha
La-dagaalan-ka xaalufka iyo nabaad-guurka
Tarminta iyo beerista dhirta
Maamul:
Dardargalinta ololaha ictiraaf raadinta
Fidinta hay'addaha maamulka ee goboladda sool iyo sanaag
Kordhinta kaydka qaranka
Maalgashiga saamiga fiber-ka ee Dawladda
Mashruuca shaqo qaran
Tayaynta Garsoorka
Xoojinta Xog-Ururinta (strengthening statistics)
Doorashooyinka
Wadaagaha kale:
Iibsiga idaacad FM-ah oo dalka wada gaadha
Shaqo abuurka (startup cost)
Horumarinta dhalinyarada
Waxbarashada Cilmi baadhista
Kor u qaadida dugsiyada farsamada-gacanta
Ololaha kor u qaadka heerka wax akhriska iyo qoraalka
Wax-soosaarka:
Iibsiga shaybaadhka caafimaadka xoolaha
Samaynta cilmi baadhisyo ku saabsan baddeena
Taakulaynta kalluumaysatada
Kaalmada Kuliyadda barashada culuumta badda
Xoojinta mashruuca cilmibaadhista ee Aburiin
Kaabayaasha Dhaqaale:
Sanduuqa Horumarinta Caasimad
Isla-Xisaabtanka
Wasaaradda H. Maaliyadda ayaa la Xisaabtama?
Wasaaradda H.Maaliyaddu waxay warbixinta toos u siisaa Madaxtooyada JSL, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyada.
Waa Maxay Door-ka Hanti-dhawraha Guud?
Hanti-dhawraha guud wuxuu dabagal iyo baadhis ku sameeyaa Waaxda Fulinta, isagoo warbixinta siiya Golaha Wakiilada ee shacabku soo doortay.
Waa Maxay Doorka Baarlamanku?
Golaha Wakiiladu waxay soo saran shuruucda dalka, waxaanay kula xisaabramaan fulinta shuruucdaas hay’adaha fulinta.
Wakiiladu waxay qabtaan Afar-shaqo oo waaweyn: Sharci-dejin (Legislation), Matalaad/Wakiil (Representatives), Baadhis/Dabagal (Scrutiny), iyo Ansixinta Xukuumada/Hay’adaha Fulinta.
Shaqaalaysiinta
Shaqo ayaan doonayaa, shaqo ma ka banaantahay Wasaaradda H. Maaliyadda?
Marka hore waxa aanu kaaga mahadnaqaynaa xidhiidhka aad nala soo samaysay, sideedaba waxa hawsha shaqaalaysiinta Dawladda ugu xil-saaran Hay'adda Shaqaalaha, Wasaaraddaha iyo Hay'adaha Dawladda oo ay Maaliyadduna ka mid tahay waxa ay u gudbiyaan hadba baahida shaqaale ee ay qabaan Hay'adda Shaqaalaha Dawladda kadibna iyada ayaa naadisa fursaddaha shaqo ee ka banaan xafiisyada Hay'addaha Dawladda imtixaana ku kala saarta dadka soo codsaday.
Mana jirto hada fursad shaqo oo ka banaan Wasaaradda H. Maaliyadda, wixii fursad ah ee soo baxda waxa aanu la wadaagi doonaa Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo ay waajibaadkeeda tahay sida aanu sare ku sheegnay si ay dadweynaha si furan ula wadaagto uguna xaqsoorto codsadayaasha.
Mar labaad waad ku mahadsantahay xidhiidhkaaga, waxa aanu Allaah sw kaaga baryeynaa shaqo fiican iyo mustaqbal wanaagsan.