Waaxda Adeegyada Sharci


 Qaab-dhismeed ka Waaxda

A. Sharci

Hiigsiga

Bixinta adeegyo sharci oo luxdan/xoogan oo loo adeegsado dhamaan hawlaha shaqo ee Wasaaradda.

Himilada

Horseed u noqoshada dib u eegis iyo hirgelin lagu sameeyo dhammaan shuruucda iyo qawaaniinta looga baahan yahay wax ku ool nimada meel marinta siyaasadaha, istiraatiijiyaddaha iyo qorshayaasha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, taas oo loogga dan leeyahay dhiirrigelisa kobaca dhaqaalaha, toosinta hanaanka maaliyada iyo horumarinta Qaranka.

Ujeedooyin-ka

Ujeeddada ugu weyn ayaa ah xoojinta qaabdhismeedka xeerar-ka iyada oo loo marayo wax ka beddelid, dib u eegis, iyo tarjumaadda lagu sameeyo xeerar-ka jira iyo sidoo kale la sameynayo kuwo cusub si loo xaqiijiyo helintaan-ka qaab ama hanaan wax ku ool ah oo suurta galinaya u hoggaansanaanta sharci ee guud agaan wasaarada.

  • Ka talo bixinta arimaha sharci ee Wasaaradda.
  • Dajinta hindisiyaal xeerar cusub, heshiisyada is fahan; kuwo is kaashi, wareegtooyinka Wasaaradda, qandaraas-yada, iyo dibu-eegista xeerar ka jira.
  • Abuurida jawi ay kaqa yaybqaataan talo bixina ugu yeeshaan daneeyayaashu (Stakeholder) samaynta hindisayaasha sharci iyo fulintoodaba.
  • Ka gacansiinta Waaxah kale ee Wasaaradda arimaha sharci, iyo hubinta sida ay ugu hogaansamaan xeerarka.
  • Ka hawl galida dacwadaha maxkamadaha iyadoo lala kaashanayo Xeer Ilaaliyaha Guud, iyo curinta hab iyo hanaan lagula tacaalo muranada/dacwadaha la xidhiidha arrimaha canshuuraha.

Istiraatijiyada

Si loo gaadho ujeedooyinka aan kor ku soo sheegnay waxa lagama maarmaan ah in arimahan soo socda isha lagu hayo, waayo waa xeeladaha lama huraanka ah ee loo baahan yahay in lagu fuliyo qorshaha Waaxda:

  • Hogaamin Toolmoon: Waa in dhamaan awooda Waaxda loo adeegsado sidii loo meel Marin lahaa qorsha sanadeed ka u dajisan.

 

  • Dib u Eegista Mudada Dhexe: Waaxdu waxay qaban doontaa kulano ay kaga arinsanayso inay dib u eegis ku samayso guulaha laga gaadhay qorshayaashii u yaala, caqabadaha iyo jihada loo Waxay tani fursad u siinaysaa inay wax ka bedel ku samayso sida hawluhu u socdaan.