Waaxda Arrimaha Dhaqaalaha Guud iyo Tirakoobka
Qaab-dhismeed ka Waaxda:
Hiigsiga
Hiigsiga waaxdani waa inay noqoto waax fududaysa, soona saarta siyaasado ku salaysan caddaymo xaqiijinaya horumar dhaqaale oo waara.
Himilada
Himilada waaxdani waa Cabbirridda xaaladda dhaqaale ee wadanka si ay u sameeyaan siyaasadaha miisaaniyadeed iyo lacageed looguna dejiyo dalka waddo horumar dhaqaale oo waara.
Ujeedooyin-ka
Ujeedooyin-ka aasaasiga ah ee Waaxda dhaqaalaha iyo Tiro-koobku waa:
- In la soo uruuriyo xogta asaasiga ah iyo ta labaad ee loogu talagalay dejinta siyaasadaha dhaqaale;
- In la dejiyo siyaasado dhaqaale iyo maaliyadeed oo hagaagsan oo abaabulaya ilaha maaliyadeed ee gudaha iyo dibedda ee loogu talagalay kharashaadka dadweynaha;
- In kor loogu qaado xasilloonida dhaqaale ee qaran, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta dhaqan-dhaqaale loona yarayn lahaa saboolnimada;
- Maadaama Miisaaniyaddu tahay qorshaha ugu muhiimsan ee dowladda ee fulinta siyaasadaheeda, waaxdu waxay bixin doontaa xogta aasaasiga ah ee saadaalinta dakhliga dhabta ah ee heerka dhaqaalaha guud ee waddanku marayo.