Waaxda Arimaha Ganacsiga Gaarka ah & Adeegyada Maaliyadeed


Qaab-dhismeed ka Waaxda

A. Ganacsiga

Hiigsiga

Hogaaminta Horumarinta dhaqaalaha iyo haayadaha maaliyadeed.

Himiladda

Siinta taageero nidaamsan oo tilmaamaysa habraaca ku haboon si loo horumariyo ganacsiga gaarka ah iyo haayadaha maaliyadeed.

Ujeedooyin-ka

  1. Isu soo dhaweynta iyo kobcinta iskaashiga ka dhexeeya ganacsiga gaarka ah iyo dawladda.
  2. Fududeynta Horumarinta sharciyada, fulintooda iyo qaab dhismeedka hawlaha si loo kobciyo horumarka ganacsiga gaarka ah iyo hay’adaha maaliyadeed.
  3. Ku taageerida farsamada si loo horumariyo waaxda maaliyadeed ee dalka.
  4. Dhiirigelinta maalgashiga waaxda maaliyadeed ee dalka.
  5. Sameynta qaab dhismeedka iskaashiga dawlada iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.
  6. Kor joogteynta nidaamka qarameynta hay’adaha dawlada