Waaxda Hanti-Dhawrka


Qaab-dhismeed ka Waaxda:

Hanti-dhawrka

Hiigsiga

Si loogu Guulaysto ku dhaqanka ugu wanaagsan iyo Heerka xukunka iyo xakamaynta iyadoo kor loo qaadayo daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka ee Maamulka iyo Maaraynta iyo in sida ugu haboon looga faaiidaysto Khayraadka guud.

Himilada

Si loo bixiyo qiimeyn ujeeddo leh oo ku saabsan nidaamyada  si kor loogu qaado wax ku oolnimada maareynta halista iyo xakameynta geedi socodka maamulka ee wasaaradda iyo Waaxyaha. 

Qiyam-ka

Qitam-ka Waaxdu waa sidan:

  • Daacad-nimo.
  • Runta oo laga duulo iyo u gacan-banaanida hawl-gudashada.
  • Ilaalinta xogaha.
  • Karti ( Aqoonta iyo xirfada hawl-wadeenadu leeyihiin).

Ujeedooyin-ka iyo Mudnaanaha

  • Qiimayn iyo ilaalinta/daryeel-ka hantida;
  • Qiimayn khataraha jiri kara;
  • Qiimayn lagu sameeyo sida loogu hogaan-samay habraacyada maamul ee jira;
  • Dibu-eegis toolmoon oo la sameeyo;
  • Baadhista xatooyada iyo wax is dabamarinta;
  • Qiimaynta xakamaynta gudha (internal controls);
  • Dibu-eegis lagu sameeyo hanaanka shaqadu u socoto;
  • Dibu-eegis lagu sameeyo xogaha lacagta iyo xisaabta;
  • Hubin lagu sameeyo sida loogu hogaan-samay shuruucda taala;
  • Xeerar-ka iyo Qandaraasyada, iyo qiimayn lagu sameeyo sida loo adeegsaday ilaha (Resources) kala duwan;

Istiraatijiyadda

Hanti-dhowrka Guduhu wuxuu dajin-doonaa/horumarin doona isla markaana sii wadi doona istiraatiijiyad taagaeero ka siinaysa Wasaaradda hanaan shaqo oo ku salaysan dhaqaalayn iyo hawl-gudasho hufan, lehna qiimaynteeda, ula-jeedeeda, talo-bixinteeda, xakamaynta gudaha Wasaaradda, daryeelka hantida, iyo lasocod-ka halisaha suurtagal-ka ah.