Waaxda Horumarinta Cududa Shaqaalaha


Qaab-Dhismeedka Waaxda

Shaqaalaha

Hiigsiga

Hanashada shaqaale karti iyo aqoonba ka dhisan isla markaana himadiisu sarayso, dhiirigalintooda iyo dalaacadoodaba lagu saleeyo qiimayn.

Himilada

Dajinta iyo soo diyaarinta halbeeg sare oo xirfadaysan oo la raaco marka shaqaale la qaadanayo, xulashadooda, dhiirigalintooda, fursado shaqo oo loo simanyahay, iyo layliga ama carbinta shaqaalaha, taas oo horseedi karta hanashada shaqaale karti ahaan iyo xirfad ahaanba u dhisan.

Qiyam-ka:

  • Hogaamin ku dayasho mudan.
  • Wadashaqaynta iyo Iskaashiga
  • Dhiirigalinta Xog is dhaafsiga.
  • Soo saarista Natiijooyin Tayo leh, laguna kalsoonaan karo.

Ujeedooyin-ka:

  • Kor u qaadista Wax soo saarka.

Waaxda H. Cududa Shaqaalahu waatan laga rabo inay ka hawl-gasho xaqiijinta inay Wasaaradda kasoo baxaan hawlo wax ku ool ah oo midha dhal ah. Si taa loo gaadho waxa lagama maarmaan ah in la helo shaqaale kartidooda iyo xirfadooduba sarayso.

  • Abuurida Jawi wada shaqayn iyo iskaashi ku dhisan oo dhex mara Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda H.Maaliyadda.

Waaxdu iyadaa ka masuul ah hour dhigida wada shaqayn dhex marta Waaxaha, iyadoo loo dal leeyahay in khayraadka (Resourses) Waaxaha la abaaabul galiyo si loo gaadho ula jeedooyinka guud ee Wasaaradda.