Waaxda Xogta Tiknoolajiyadda iyo Hannaanka Maaraynta Xogta Maaliyadeed ee Iswada (IFMIS)


Qaab-dhismeed ka Waaxda

IFMIS

Hiigsi

In la helo nidaam isku xidhan, amnigiisu sugan yahay oo lagu maamulo xogta maaliyadeed ee qaranka si loo helo abuuridda miisiniyad siyasad cad ku salaysan.

Himilo

Abuurida jawi dawladda somaliland ay si buuxda u adeegsan karto nidaamyada ku salaysan tikinoolajiga carsiga ah si loogu qorsheeyo, loogu maamulo, loogana helo warbixino faahfaahsan oo ku sahabsan xogta maaliyadeed ee hayadaha qaranka iyo mashaariicda ay inaga caawiyaan qadhaan bixiyayaasha caalamiga ah.

Ujeedooyinka

Ujeedooyinka waxaada IT-ga iyo IFMIS-ku waxa ka mid ah qodobadan soo socda:

  1. In la hirgaliyo nidaamyo casriyasan oo fududeeya galinta, ku shaqaynta iyo abuurida warbixino dhamaystiran.
  2. In la helo nidaam maaliyadeed oo xoojiya isla xisaabtanka maaliyadeed ee dawlada iyo in la isku xidho dhamaan cida ku shaqaysay dakhli ururinta, kharash bixinta, daymaha iyo maamulida hantida qaranka.
  3. In la dhiso oo la xoojiyo awood iyo aqoonta shaqalaaha dawlada ee adeegsiga nidaamyadda cusub.
  4. In la helo cawimaad joogta iyo cilad saaris la xidhiidh nidaamyadda ku salaysan tiknoolajiyada ee uu adeegsanayo nidaamka IFMIS-ku.
  5. In la hubiyo sugnaansha iyo habsami u socodka nidaamka IFMIS-ka ee ay adeegsanayaan shaqaalah waynaha dawladdu.

Istraatiijiyadda

Istraatijiyadda gaarka ah ee aan leenahay waa in la guddo baahidda aasaasiga ee ah in xarumaha dawladdu si fudud isku waydaarsan karaan xogta maaliyadeed iyada oo la siinayo xarun dhexe oo lagu ururiyaaa xogtaas la is waydaarsanayo si hadhow loogu isticmaalo go'aan qaadashada xubnaha sare ee dawladda.

Nagala soo xidhiidh;

Tel: 252 2 523397
Email: [email protected]