Waaxda Maamulka iyo Lacagta


Qaab-Dhismeedka Waaxda

Maamulka

Himilada:

Inay noqoto Waax horseed ka ah xaga fulinta iyo fudaydinta adeegyada maamul iyo lacageed, ee muhiim-ka u ah habsami u socod-ka shaqada Wasaaradda.

Hiigsiga:

Joogtaynta shaqooyin-ka maamulka iyo lacagta ee maalinlaha ah ee WHM, iyadoo si firfircoon oo aan dib u dhac lahayn u daboolaysa baahiyaha lacageed iyo maamul ee waaxaha iyo shaqaalaha WHM.

Ujeedooyinka:

  1. Ka kaalmaynta dhamaan waaxaha wixii adeeg maamul la xidhiidha.
  2. Fulinta dhamaan xeerar ka maaliyadeed iyo hagayaasha, si ay gacan uga gaysato gaadhida yoolasha WHM;
  3. Samaynta iyo maamulida kutalagal-ka waaxaha (Departmental Budget).
  4. Ka shaqaynta sidii si hufan oo abda leh looggu adeegsan lahaa khayraad-ka (Resources) kala duwan ee Waaxaha, haday tahay agab, dad, lacag, gaadiid iyo guryaba.
  5. Gacan siinta xafiiska adeegyada baadhista iyo xakamaynta gudaha, dhamaan diiwaanada/waraaqaha ay u baahdaan, iyadoo lagala tashanayo madaxda sare ee WHM.
  6. Abuurida jawi ku dhisan furfurnaan, daacadnimo,is xaq-dhawr,sinaan, iyo wada shaqayn Waaxda dhexdeeda.
  7. Kor u qaadista xidhiidh-ka iyo abuurista jawi ku dhisan macaamilo wanaag.
  8. U diyaarinta shaqaalaha jawi ku haboon gudashada waajibaadka shaqo, iyadoo ahmiyada lasiinayo wada shaqaynta, hal abuurka, dhiirigalinta, iyo badheedhaha qofeed.

Istaraatijiyada Waaxda:

  1. In isha si foojigan loogu hayo maaraynta miisaaniyada WHM, iyo qorshayaasha lacageed ee mudada fog.
  2. In si buuxda loogu dhaqmo loona fuliyo dhamaan xeerarka iyo qawaaniinta maaliyadeed.
  3. In mudnaanta lasiiyo waaxaha dakhliga, iyo waaxaha kaleba, lana sugo in Baadhista Gudaha iyo Xakamaynta wakhti hore lasiiyey xisaabxidh-ka, si loogu go’aan qaato.
  4. Hirgalinta nidaam maamul oo lagu xakamaynayo lagulana soconayo hawlaha WHM, iyadoo loo adeegsanayo hawl-gudasho wax ku ool ah.
  5. Kor u qaadista awooda Waaxda ee adeegsiga habka iswada ee casriga ah ee IT-ga.
  6. Ku ilaalinta goobta shaqada inuu mar walba ka jiro jawi togan iyo ka go’naanta hawl gudashada shaqaalaha Waaxda Adeegyada Maamulka iyo Lacagta.
  7. Kobcinta iyo dhiirigalinta hawlwadeenada Waaxda.

Qiyam-ka:

Si loo xaqiijiyo arimaha sare ku xusan sida, hiigsiga,himilada,ujeedooyin-ka, iyo istaratijiyadaha, waa in la koriyaa qiyam-ka waaxda, oo ah sidan:

  • Xoriyada fikirka iyo hadalka
  • Hal-abuur ka
  • Niyad samaanta iyo wada shaqaynta
  • Xirfadaha
  • Tayeynta macaamilada
  • Responsible corporate citizenship and strong social responsibility.
  • Jawi is xaqdhawr iyo is xilqaan.