Waaxda Xidhiidh-ka Dadweynaha iyo Xogta


Qaab-dhismeed ka Waaxda

X. Dadwaynaha

Hiigsiga

Kasbashada kalsoonida cashuur-bixiyaha iyo guud ahaan dadweynaha iyadoo la abuurayo jawi aaminaad iyo is kaashi ku dhisan.

Himilada

Wacyigalinta dadweynaha sidii ay u bixin lahaayeen cashuurta ku waajibtay, ku baraarujinta sidii ay is-kood ugu hogaansami lahaayeen xeerarka cashuuraha, la socod-siinta adeegyada iyo mashaariicda Dawladu ka fuliso miisaaniyadda iyo qoondada ku tala galka miisaaniyadda.

Ujeedooyin-ka

  • In lala socod siiyo muwaadiniin-ta hadba hawlaha Wasaaraddu halkay marayaan.
  • In kor loo qaado kalsoonida muwaadin-ku ku qabo WHM, Lana dhiso aragti togan (positive image) oo dhex marta laba-dooda.
  • In la baro cashuur-bixiyaha/ganacsatada Xeerar-ka cashuuraha haday tahay kuwa Beriga iyo kuwa Kastanadaba, lana sameeyo olole lagu hanuuninayo/wacyigalinayo dadweynaha.
  • In kor loo qaado daah-furnaanta iyo isla xisaabtan ka Wasaaradda si loo abuuro kalsooni iyo is kaashi dhex mara dadweynaha iyo WHM. .
  • In lala yeesho xidhiidh wanaagsan guud ahaan dadweynaha.

Istiraatijiyada Waaxda

Waaxdu waxay diyaarisay istiraatijiyad lagula socodsiiyo dadweynaha cashuuraha kala duwan iyo xeerar-kooda, taas oo gaysiin karta cashuur-bixiyuhu inuu is kii u bixiyo cashuurta ku waajibtay.