Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Oo maanta Daah-Furay Kulan-Hawleed ku Saabsan Dooda Hindisaha Qabyo-Qoraalka Xeerka Aaga Ganacsiga ka Caagan (Special Economic Free Zone Act).

Hargeisa, 09, 12, 2020 (WHM) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta furay kulan-hawleed ku saabsan Xeerka Aaga Ganacsiga ka caagan (Special Economic Zone Act). Kulankaas ayaa waxa soo qaban-qaabiyey xafiiska Xidhiidhinta Mashruuca Berbera Corridor.
Kulan-Hawleedkaas ayey ujeedadiisu ahayd sidii xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland loogu iftiimin lahaa muhiimadda xeerkani leeyahay, maadaama oo uu golaha hada horyaalo.
Waxa kale oo kulankaas kasoo qaybgalay Garyaqaanka Guud, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Maareeyaha dekadaha Somaliland, Guddoomiyaha Guddida Dekadaha, Kusimaha Guddoomiyaha Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda iyo xildhibaano ka tirsan Golaha.
Ugu danbayna waxa halkaasi xildhibaanada loogu soo bandhigay warbixin ku saabsan faa’idooyinka ay Somaliland u leeyahay meel-marinta Xeerka Aaga Ganacsiga ka Caagan (Special Economic Zone Act), iyadoo ay Xildhibaanada golaha wakiiladu halkaas suaalo ku waydiiyey wasiirka horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali shire iyo Garyaqaanka Guud, isla markaana ay masuuliyiintaas uga jawaabeen dhamaan su’aalahaas, taas oo ka mid ah waajibaadka dastuuriga ah ee mudanayaasha Golaha Wakiilada inta aanay xeerka ansixinin.

Ugudanbayna, meel-marinta Xeerkan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaadan doono soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo sidoo kale adeegsiga Dekedda Berbera oo ku taala marin istiraataji ah.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta Wassaradda H. Maaliyadda JSL.

slmof.org ama som.slmof.org
[email protected]
513856
+252-657729999