Burco 11 July, 2024 {WHM}-Tabobarka Indho-Furka Shaqaalihii Cusbaa Ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL {Induction Training}.


……………………………………………………………………..
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda gaar ahaan Waaxaha Shaqaalaha iyo X/Dadweynaha ayaa tabobar u qabtay 37 sarkaal oo tirsan hawl-wadeenada ka hawlgala Xafiiska Heer Gobol ee Demada Burco. Tabobarka oo ah mid kor loogu qaadayo ogaalka iyo wacyiga shaqaalaha Wasaaradda waxa uu daaranaa sidii ay shaqaaluhu gaar ahaan kuwa cusub ee dhawaan la hawlgaliyey aqoon uugu yeelan lahaayeen qaab-dhismeedka, waajibaadka guud ahaan Waaxaha Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ku hawlgalaan iyo sidoo kale xayndaabka sharci ee ay Wasaaraddu ku shaqayso, daryeelka cashuur-bixyaha [macmiilka] iyo arimo kale oo la hal-maala.
Tabobaro noocan oo kale ah ayaa hore loogu soo qabtay shaqaalaha Wasaaradda ee Gobolada Galbeedka, iyada oo hadii Rabi ogolaado usbuucan soo socdana loo qaban doono shaqaalaha Maaliyadda ee Degmooyinka Ceerigaabo iyo Berbera.

=Wabillaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta
Slmof.org
[email protected]
9494
WhatsApp No: +252-657729999