Kulan-Hawleedka Dejinta Qorshaha Sanadka 2021-ka Ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL

Hargeisa 20.12.2020 (W.H.M) – Kulan hawleed Lagu Gorfaynayey Qorshaha 2021-ka ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa Maanta ka qabsoomay Magaaladda Hargeisa.
Kulankaas oo lagu falanqaynayey qorshe hawleedka 2021-ka, waxa sidoo kale lagu falanqeeyey qaabka ugu haboon ee Waax walba u fulin lahayd Qorshe-Hawleed keeda.
Sidoo kale Shirkan oo ahaa mid mihiimad wayn u leh wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo Qarankaba waxa kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Md.Muuse Ibraahin Yuusuf (Salef), Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan, Xisaabiyaha Guud ee qaranka Md. Axmed Daa’uud Geedi, dhamaan Agaasimeyaasha iyo ku xigeenada 14-ka Waaxood ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland.
Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda Horumarinta maaliyadda, wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud oo madashaasi hadalo kooban ka jeediyey ayaa iyagu dhamaantood ku dheeraaday mihiimada kulankaasi, iyagoo madaxda waaxaha wasaaradda kula dardaarmay inay si fiican u gutaan waajibaadada saaran, iyagoo tibaaxay in waax walba lagula xisaabtami doono qorshaha u dajisan.