Munaasabad Isugu Jirta Sagootin iyo Xidhitaan Ayaa Loo Sameeyey Hawl-Wadeenada Hay’adda OPM oo Mudo Shan Sano ah Gacan Ka Gaysanaysay Mashruuca Dib-u-habaynta Maamulka Waaxaha.

Hargeisa 26 March, 2022 (WHM) – Waxa maanta lasoo af-meeray mashruuc qayb ka ahaa Barnaamijka Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda, kaas oo si gaar ah xidhiidh ula lahaa Waaxaha Dakhliga, waxaana fulinaysay Hay’adda OPM (Oxford Policy Managemet Ltd), iyada oo ay maal-galinaysay Dawladda UK oo maal-galinta soo marinaysay Xafiiskeeda Debedda ee Horumatinta Arimaha Barwaaqo-Sooranka ee loo soo gaabiyo FCDO (Foreign Commonwealth & Development Office).

Halka Barnaamijka Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda ee loo soo gaabiyo DRM/PFM (Domestic Revenue/Public Financial Mgt.) uu maal-galiyo Bangiga Aduunku, waana uu socdaa isagu, balse kan dhamaaday waa kii ay inaga gacan-siinaysay Dawladda Ingiriisku.

Mashruucan maanta la soo gunaanaday ayaa soo socday tan iyo sanadkii 2018-ka waxaana laga gaadhay guulo la taaban karo dhinacyada casriyeynta hawlaha Kastamada iyo C/Berriga.Xidhitaankii munaasabaddan sagootiga iyo xidhitaanka isugu jirtay waxa si wada jir ah uga hadlay Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Amb. Rooda Jaamac Cilmi, Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi gurxan iyo Madaxa Mashruuca qaybtiisa Somaliland ee Hay’adda PROF/OPM Mr. Owen Wilcox.

Waxaana gunaanadkii masuuliyiinta Wasaaraddu ku maamuuseen hawl-wadeenada Hay’adda OPM agabka hidaha iyo dhaqanka Somaalida, laba dhigane oo ka waramaya Dalkeena kuwaas oo kala ahaa Buug ay sanadkii hore soo saartay Wasaaradda Arimaha-Debedda Somaliland oo layidhaa Xog-Sidaha Somaliland (Somaliland Profile) iyo mid ay qortay muwaadinad u dhalatay Somaliland oo layidhaa Kayd, iyo waliba shahaado sharafyo.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta

?www.slmof.org/www.som.slmof.org?

[email protected]

☎️ 513856

Whatsap No: + 252-657729999