Nairobi 07, August {WHM}-Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire Oo Magaalada Nairobi Kulan Kula Yeeshay Masuuliyiin Matalayey Dawladdaha Somaliland Ka Taageera Mashaariicda Horumarinta Iyo Arimaha Doorashooyinka.

Wafti ka kooban Wasiirada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyada iyo Qorshaynta Qaranka JSL Dr. Sacad Cali Shire, Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), agaasime waaxeedyo iyo khubaro labaddaa wasaaradood ka tirsan oo socdaalka ku jooga magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa wadahadalo la yeeshay in ka badan 16 ka mid ah deeq-bixiyeyaasha Somaliland taageerada siiya.

Xubnahan oo tiradoodu dhamayd 40 xubnood oo kala matalayay dhanka deeq bixiyayaasha iyo dhinaca Dawladda Somaliland oo ay ka socdeen labada Wasiir ee Maaliyadda iyo Qorshaynta, Agaasime Waaxeedyo iyo Madaxda Safaarada Somaliland ee Dalka Kenya ayaa waxay dhinacyadu isla qaateen in taageerada Somaliland loo fidinayo lagu saleeyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3-aad ee Somaliland (NDPIII).

Gaar ahaana in mudnaanta la siiyo maalgelinta horumarinta xoolaha, beeraha, kaluunka, biyaha, wadooyinka, tamarta dib loo cusboonaysiiyo (Renewable energy) iyo meelo kale oo la hal-maala qaybahaas.

Waxaa kale oo ay dhinacyadu ka wada hadleen in laga wada shaqeeyo xoojinta xasiloonida iyo degenaanshaha Gobolkan aynu ku noolahay ee Geeska Afrika, dimuqraadiyadda, doorashooyinka Somaliland iyo kobcinta dhaqaalaha Somaliland, iyadoo xooga la saarayo shaqo abuurka dhalinyarada, dheelitirka horumarka iyo cagaarinta deegaanka.

=Wabilaahi Tawfiiq=

 Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

🌐 Slmof.org

📧 [email protected]

9494

: +252-657729999