Oodweyne 06 June, 2024 {WHM} -Munaasabadda Dhagaxdhiga Dhismaha Kastamka Laanta Dabo-Goryaale ee Gobolka Daadmadheedh.

……………………………………………………………………………………

Agaasimaha Guud ee Wasaarada H. Maaliyadda JSL Md. Maxamed Xuseen Cismaan {Mu’adinka} oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Kastamada Md. Faysal Aaden Yuusuf {Faysal-dheere} ayaa dhagaxdhigay dhismaha Kastamka Laanta Dabo-Goryaale ee Gobolka Daadmadheedh iyada oo dhismihii hore ee kastamku ahaa mid kiro ah.

Munaasabadda dhagaxdhiga oo ay goob-joog ka ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Daadmadheedh Md. Cabdiraxiin Muxumed Axmed, Maayir-xigeenka Degmada Oodwayne Md. Maxamud Macalin Axmed, Taliye-Xigeenka Qaybta Illaalada Cashuuraha Somaliland Gaashaanle: Yaasiin Ismacil Shiil, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Daadmadheedh S/Xidigle: Ismaaciil Cali Xassan, xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Oodweyne, duqay iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanka oo u kala danbeeyey hadaladii laga jeediyey madasha lagu daah-furay dhismaha cusub ee laga yagleelay deegaanka xuduuda dhaca ee Dabo-gorayaale oo hoos taga Gobolka Daad-Madheedh ayaa dhamaantood soo dhaweeyey mashruucan wax-ku-oolka ah ee lagu soo kordhiyey deegaanka, iyada oo dhagax dhiga ka dibna si rasmi ah loo bilaabay hawsha dhismaha.

Xafiiska Laanta Kamtamkan Dabo-goryaale ayaa ku yaala goob muhiim ah, isaga oo u adeega oo ay wax ku cashuurtaan ganacsatada iyo dadweynaha Gobolada Daadmadheedh iyo Togdheer, waxaanu deegaan ahaan iyo dawlad ahaanba leeyahay faaiido dhaqaale iyo mid ka hortag, waxaana maalgalinaysa dhismihiisa Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL. Dhismahan cusub ee Kastamku waxa uu ka koobnaan doonaa xafiisyadii ciidanka illaalada cashuuraha, xafiisyadii dakhli qabashada iyo dhamaan adeegyadii looga baahnaa kastam.

Ugu danbayna, Agaasimaha Guud iyo masuuliyiinta safarka shaqo ku wehelinaysay ayaa ka dib munaasabadda dhagaxdhiga dhismaha Laanta Kastamka Dabo-goryaale waxa ay u soo baqooleen dhinaca Gobolka M/Jeex iyaga oo safarkooda ku soo afmeeray kormeer ay ku tageen Kastamka Ina-Guuxaa ee Degmada Salaxlay, halkaasi oo ay kulamo kula yeesheen warbixinana ku kala qaateen maamulka kastamka, masuuliyiinta degmada Salaxlay iyo qaar ka mid ah ganacsatada wax ka cashuurata Kastamka. Waxaana halkaa la is kula qaatay in laga wada shaqeeyo la dagaalanka kootarabaanka, geesta kalana masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhinacooda ka balanqaaday in wixii cabasho ah ee dhinacooda laga soo sheegto ay si degdeg ah wax uga qaban doonaan iyaga oo u raacaya nidaamka iyo xeerarka.

=Wabillaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta

🌐Slmof.org

📧[email protected]

☎9494

WhatsApp No: +252-657729999.