TABOBAR LOO QABTAY 30 XUBMOOD OO LAGU SOO KORDHIYEY CIIDANKA ILAALADA CASHUURAHA.


Hargeisa 06 June,2021 (WHM)- Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa tabobar iyo wacyigalin u qabatay 30 xubnood oo cusub oo lagu soo kordhiyey Ciidanka Ilaalada Cashuuraha.

Agaasiyayaasha Waaxaha Dakhliga, Xidhiidhka Dadweynaha Wasaaradda Maaliyadda, Taliyaha Ciidamada-Illaalada Cashuuraha iyo Hogaan-Xigeenka Tabobarada Ciidanka Bilayska ayaa kala qaybgaley tabobarka, iyadoo oo lagu barayey xubnaha cusub Buuga Hagaha Ciidanka Ilaalada Cashuuraha.

Wanaajinta xidhiidhka dadweynaha, daryeelka cashuurbixiyaha iyo waliba waajibaadka askariga laga rabo ayuu daaranaa tabobarka loo qabtay xubnahan cusub oo qayb ka noqon doona Ciidamada Ilaalada Cashuuraha waxana lagu xoojinayaa hawlaha dakhli ururinta ee ay u idmantahay Wasaaradda Maaliyaddu.