Wajiga Labaad ee Tababarka Hanaanka Online-ka ah ee Cashuur-Bixinta Cashuuraha Shaqaalaha, Iibka Alaabooyinka iyo Adeegyada.

Hargeisa 08-Nov-2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda J. Somaliland ayaa tababar u qabatay 60 cashuur-bixiye, tababarkan oo noqonaya wajigii labaad waxa uu ku saabsanaa barashada hanaanka casriga ah ee online-ka ah ee cashuur-bixinta, hanaankan oo ay Wasaaraddu dhawaan daah-furtay ayaa noqon doona mid u sahlaya cashuur-bixiyuhu inuu guto waajibaadkiisa cashuur bixineed isagoo ku sugan goobtiisa shaqo ama gurigiisa iyadoon wax wakhti ahi kaga lumin, meelmarinta hanaankan casriga ah waxa marka hore lagu fulinayaa adeegsigiisa bixinta cashuuraha macaashal-macaashka shaqaalaha iyo iibka. Hanaankan ayaa sidoo kale cashuur-bixiyaha ka caawin doona helitaanka xogaha uu u baahanyahay sida; xeerarka iyo habraacyada cashuuraha, foomamka, hagaha xaqa iyo waajibaadka cashuur-bixiyaha, xidhiidhada, jidka loo raacaya cabashada, isagoo qaab is wada (automatic) ugu xisaabin doona xadiga cashuureed ee laga rabo cashuur-bixiye kasta, iyo waliba arimo kale oo doora.Lixdan-kan cashuur-bixiye ee ay Wasaaraddu ku tababartay hanaankan casriga ah ayaa ka kala socday hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee Wadanka ka hawl-gala, isla jeerkaasna kuwooda kaalinta hore ka galay u hogaansanaanta gudashada waajibaadka cashuur-bixinta Dalka, waxaana gabagabadii tababarka shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ka soo qayb-galayaashii tababarka.Barnaamijkan ayaa qayb ka ah hawlaha dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dalka qaybihiisa kala gadisan, waxaana la rajaynayaa inuu wax weyn ka tari doono hore u dhigista habsami u socodka dakhliga.