• Siyaasadda Miisaniyadda ee 2020:


Ujeedada u muhiimsan ee laga leeyahay dejinta Siyaasadda Dhaqaalaha Guud iyo Maaliyadda ayaa waxa ay ahayd in la qeexo siyaasadaha dawladda ee maaliyadeed iyo lacageedba iyo in aragtisaadaalineed laga yeesho dhaabadaha guud ee maaliyadeed ee saddexda sannadood ee innagu soo fool leh. Waxa laga ambo-qaadayaa iyada oo aragti guud laga bixinayo furayaasha halbowlaha u ahaa maaliaydda ilaa 2012, iyada oo weliba, sidoo kale, aragti guud oo maaliiyadeed laga bixinayo sanadkii 2018 iyo lixda bilood ee hore ee 2019. Si tadriiji ah ayaa qoraalkani uga bixin doonaa aragti saadaalineed oo dhaqaale inta aanu soo jeedin siyaasadaha maaliyadeed ama lacageed iyo qiyaasaha maaliyadeed ee la odorosi karo saddexda sannadood ee innagu soo fool leh.