Wasaaradda H. Maaliyadda JSL oo Tababar u Soo Xidhay 35 Sarkaal oo ka Hawl-Gala Xafiisyada Baadhisaha-Gudaha Hay’adaha Dawladda

Hargeisa 14-Dec-2020 (WHM) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta u soo xidhay 35 Xubnood oo kamid ah Hanti-dhawrka Gudaha Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda, tababarkan oo u socday saraakiishan mudo 3 cisho ah, waxay ku qaadanayeen Hanaanka Caalamiga ah ee loo diyaariyo Warbixinaha Hantidhawrka-Gudaha ( Internal Audit Report Best Practice), waxaana sidoo kale kulan-hawleedkan sedexda cisho qaatay lagu jaangoynayey sidii ay Hay’adaha Dawladdu u raaci lahaayeen qaab-warbxineed isku mid ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Md. Gurxan ayaa gunaanadkii munaasibada hadalo dardaaran ah siiyey saraakiisha loo soo xidhay aqoon korodhsiga, isagoo carabka ku adkeeyey inay aqoonta ay qaateen ku dabaqaan hawl-galadooda baadhiseed, is la markaana daacad ka noqdaan gudashada waajibaadkooda shaqo