Nuxurka Kulan Ay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wasiiraddu La Yeesheen qaybo ka mid Ah ganacsatada Somaliland

Hargeisa, 03, 09, 2019 (W.H.M) – Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wasiiradda oo uu hogaaminayey Guddoomiyaha guddida ahna Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulan is-xogwaraysi ah la qaatay qaybo ka mid ah ganacsatada Somaliland oo uu hogaaminayey Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland Md Jamaal Caydiid Ibraahim.
Ugu horayn Wasiirka Wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa ganacsatada uga warbixiyey ujeeddada shirka oo ahayd sidii xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo ganacsatadu ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta ganacsiga sidoo kalana ay u wada yeelan lahayeen wada shaqayn dhaw.
Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada ayaa ganacsatada uga xogwaramay siyaasadda xukuumadda uu hogaamiyinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muusi Biixi Cabdi iyagoo gudida u sheegay in Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ay ka go’an tahay in la taageero ganacsiga Somaliland si wadanku u horumaro.
Shirka oo muddo 2 saacadood ah socday ayaa lagu lafa guray caqabadaha haysta ganacsiga Somaliland iyo sidii la isaga kaashan lahaa in caqabadahaas si wada jira looga gudbo, waxaana Guddida Dhaqaalalaha iyo ganacsatadu isku afgarteen in ay yeeshana wada shaqayn toos ah sidoo kalena la yagleelo Gole Wada-tashi waxaana lagu balamay in shirar danbe la isugu yimaaddo.

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta W.H. Maaliyadda JSL.
www.slmof.org/som.slmof.org
Email: [email protected]