Kulamadii Diyaarinta Iyo Falanqaynta Miisaaniyada 2021-ka Ee Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Dawladda Oo Si Rasmi Ah Uga Bilaabmay Xafiiska Wasiirka W.H. Maaliyadda JSL

Hargeisa, 6, 9, 2020 (W.H.M) – Waxa Si rasmi ah shalay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire uga furmay kulamadii diyaarinta iyo falanqaynta Miisaaniyada Dawladda ee 2021-ka doodaas oo sanad walba xiligan oo kale la qabto sida uu dhigayo jidwalku, waxa maalintiiba dooda gali doona 6 ilaa 7 Wasaaradood ama Hay’adood. Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ayaa soo diyaarsaday Qorshaha Odoroskooda Miisaaniyadeed ee sanadka 2021, kadibna Wasaaradda Maaliayadda oo iyadu u idman hawsha ayey isla eegi doonaan.
Dhinaca kale Kutalagalka Odoroska Miisaaniyadeed ee Dawladda ee sanadka 2021-ka ayaa noqon doonta mid dhamaystiran, taas oo ay ka muuqan doonaan dhamaan tafaasiisha Miisaaniyadda Hay’adaha Madaxa-Banaan kuwaas oo kala ah Wakaaladaha Biyaha Degmooyinka Hargeisa, Boorama, Burco, Gabiley, Berbera, Madbacada Qaranka, Baanka Dhexe, Dekeda Berbera, iyo Haamaha Shidaalka Berbera, Miisaaniyada 11 ka mida Dawladaha-Hoose ee Dalka, iyo waliba Deeqaha Debedaha inaga soo gala. Talaabadan oo ah mid hore loo qaaday, waxa jidaynaya Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda Xr. Lr. 75/2016, sidoo kale Xeerkan ayaa jidaynaya yagleelida Gudida ka Garnaqa Dacwadaha Cashuuraha, iyo sidoo kale Hay’ada Dakhliga Dawladda.

W/X/Dadweynaha & Xogta W.H.Maaliyadda JSL.
www.slmof.org www.som.slmof.org
[email protected]
513856