Siyaasada Hantida Maguurtada ah

Hargeisa, September, 19, 2020 (WHM) – Fadhigii 64-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland 17/09/2020 ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu meel-mariyey Siyaasada Hantida Maguurtada ah ee Dawladda (Fixed Asset Policy).
Siyaasadan oo ay kasoo wada shaqeeyeen diyaarinteeda Wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda iyo Hawlaha Guud/ Guriyeynta ayaa noqon doonta siyaasada lagu maamulayo Hantida Maguurtada ah, iyadoo wax weyn ka tari doonta dhinaca la socodka iyo xisaabinta qiimaha gaar ahaan diyaarinta Xaashida Dheeli-Tirka Qiimaha Maalka (Blance Sheet).