Hargeisa 14-Dec-2020 (WHM)- Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf, Gudoomiyaha Bangiga Md. Cali Ibraahim Baqdaadi, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Md. Axmed Daauud Geedi, iyo Agaasimaha Bangiga Dhexe Md.Axmed Xasan Carwo ayaa si wada jir ah xadhiga uga jaray laba xafiis oo Xafiiska Xisaabaadka Guud ku yeelanayo gudaha laanta 2-aad ee farasmagaalaha Hargeisa iyo laanta 3-aad ee Dunbuluq ee Bangiga Dhexe Dawladda, xafiisyadan oo hubin ku samayn doona dakhliga ka hor intaan la xarayn, talaabadan ayaa meesha ka saaraysa culays iyo habsan ku iman jiray dakhli xaraynta Dawladda maadaama Xafiiska Hubinta Dakhliga Xisaabaadka iyo Bangigu meelo kala durugsan ku yaalaan.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Hawlaha Guud iyo Cadaaladda ayaa sidoo kale is la maanta si wada jira xadhiga uga jaray 2 xafiis oo ay Waaxda Cashuuraha-Berriga Wasaaradda H. Maaliyaddu ku yeelan doonto gudaha Wasaaraddaha Cadaaladda iyo Hawlaha Guud. Xafiisyadan ayaa halkaa ku qaban doona dakhliga ka soo xarooda kirada guryaha iyo nootaayooyinka. Iyadoo ujeedaduna tahay sidii adeegyada maaliyadeed ee Dawladda loo fududaydin lahaa, is la markaana loo mataanayn lahaa hawlaha is le balse Hay’ado ama xafiisyo kala duwan la xidhiidha.
Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha lyo Xogta
Slmof.org ama som.slmof.org
Info@slmof.org