Burco 5 June, 2024 {WHM} -Kulamo Lagu Dardargalino Habsami-U-Socodka Hawlaha Xafiisyada Dakhli Soosaarka Dawladda Ee Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka.

………………………………………………………………………………………

Waxa xarunta Gudoomiya Gobolka Togdheer ka qabsoomay shirar lagaga arinsanayey dardargalinta habsami-u-socodka dakhliga gobolka Togdheer, shirarkaasi oo ay wada yeesheen madax ka socota Wasaaradda H. Maaliyadda oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) iyo qaar ka mida Hay’addaha Dawladda ee heer gobol iyo heer degmo waxa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Md. Jaamac Cabdilaahi (Biin) iyo Ku-Xigeenkiisa.

Waxaana ka mid ahaa kulamadaasi mid ay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadu la yeesheen madaxda garsoorka Gobolka Togdheer oo ay uugu horeeyaan Xeer Illaaliyaha Gobolka, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka iyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer, iyada oo lagaga wada hadlay kulankaasi wadashaqayta Waaxda Garsoorka iyo Wasaaaradda H. Maaliyadda gaar ahaan arimaha la xidhiidha dhinacyada shuruucda maaliyada, fulinta ganaaxyada, dabaqaada habraacyada cashuuraha, la dagaalanka kootarabaanka iyo cashuur-diidka.

Geesta kale masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda heer gobol iyo degmo ee Hay’addaha Dawladda qaarkood, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Dawladda-hoose ee Degmada Burco, Wakaaladda Biyaha Burco, Laanta Bangiga ee Gobolka iyo Cisbitaalka Guud ee Burco.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa lagaga wada hadlay sidii xil weyn la iskaga saari lahaa dakhliyada ka soo xarooda cashuuraha ku dhaca biilasha , cashuurta tigidhada (stamp tax) iyo waliba sidii looga wada shaqayn lahaa hirgalinta Cashuurta Iibka Adeegyadda iyo Badeecadaha ee loo soo gaabiyo GST (Goods & Services Tax). Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyadda ayaa intii kulamadaasi socdeen si gaara u xusay uuguna mahadnaqay Wakaaladda Biyaha ee Burco iyaga oo sheegay inay si wanaagsan xil is kaga saareen dakhliga Cashuurta Tigidhada.

Ugu danbayn, safaradan shaqo ee maalmahanba masuuliyiinta Wasaaraddu ku galaabixinayeen qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka Dalku waxa ay qayb ka yihiin ololaha lix-billoodlaha ah ee uu dhawaantan iclaamiyey Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire taas oo doorkan diirada lagu saarayo xoojinta wadashaqaynta Wasaaradda iyo Hay’addaha kale ee Dawladda iyo waliba sidoo kale ogaanshaha iyo ka falcelinta wixii cabashooyin ah ee jira geesta ay dooniba ha ka yimaadeene.

=Wabillaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta

🌐Slmof.org

📧[email protected]

☎9494

WhatsApp No: +252-657729999.