Berbera 04 June, 2024 {WHM} -Kulamo Lagaga Arinsanayo Tayeynta iyo Kor-U-Qaadista Adeeg-Bixinta Dekedda Caalamiga Ah Ee Berbera Oo Ka Qabsoomay Magaalada Berbera.

…………………………………………………………………………………….

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Cismaan iyo masuuliyiin kale oo kormeer shaqo ku tagay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa kulamo goonigooni ah la qaatay guud ahaan daneeyayaasha Marsada Caalamiga ah ee Berbera taasi oo ay uugu kuurgalayeen sida ay u socdaan hawlaha adeeg-bixinta Dekedda iyo Kastamku, waxaana intii ay ku gudo jireen kormeerkooda kulamo ay la qaateen:

  • Daneeyayaasha Dekedda Berbera {Port community}.
  • Shirkadda DP World.
  • Maamulka Kastamka Berbera.
  • Ururka Mukhalasiinta ee SOFA.
  • Maamulka Xafiiska heer gobol ee Cashuuraha-Berriga.

Waxaana afar ka mid ah kulamadaasi diirada lagu saarayey oo ay ku saabsanaayeen fududaynta guud ahaan hanaanka la bixista badeecaddaha soo degaya iyo kuwa dhoofayaba iyo sidoo kale daryeelka macmiilka.

Waxaana gunaanadkii kulan-hawleedyadaasi mabda’iyan la is la qaatay in laga saaro ama la is ku ururiyo farsamo ahaan meelaha laga dhimi karo talabooyinka ay maraan macaamiisha ku xidhan dekeddu marka ay badeecadda cashuuranayaan iyo in la wanaajiyo wada shaqaynta macaamiisha iyo hawl-wadeenada Dekedda iyo Kastamkaba, dhamaan cabashooyinka ay soo bandhigeen macaamishuna si dhakhso ah looga jawaabo iyadoo la raacayo shuruucda.

Marsada Caalamiga ah ee Berbera oo ku taal goob muhiim ah ayaa lagu sameeyey sanadihii u danbeeyey balaadhin iyo casriyeyn, kadib markii ay Xukuumadda Somaliland iyo Masuuliyiinta Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dalka Isutaga Imarat-ka Carabtu kala saxeexdeen 5-tii September, 2016-kii heshiis lagu maalgelinayo. Kadib hirgalinta mashruucaas balaadhinta iyo casriyeynta ee lagu sameeyey Dekedda Berbera waxa ay soo jiidatay indhaha caalamka iyada oo hada isu diyaarinaysa inay noqoto goob ay adeegsadaan Wadamada Gobolku guud ahaan. Geesta kale waa isha dakhli ee uugu weyn Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo arimahaas laga shidaal qaadanayo waxa jira kulamo joogto ah oo ay daneeyayaashu is kaga yimaadaan.

=Wabillaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta

🌐Slmof.org

📧[email protected]

☎9494

WhatsApp No: +252-657729999.