Hargeisa March 22, 2023 (W.H.M)-Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Loo Soo Xidhay Tabobar Mudo Uuga Socday Macdka Shaqaalaha Dawladda.

Hargeisa March 22, 2023 (W.H.M)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Maxamed Xuseen Cismaan [Muadinka] oo uu weheliyo Agaasimaha Macadka Shaqaalaha Dawladda Cumar Qolombi ayaa u soo xidhay agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda tabobar socday mudo laba usbuuc ah, tabobarkaas oo uga socday agaasinka Waaxaha Xarunta Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda Somaliland waxa uu la xidhiidhay culuumta hogaaminta toolmoon iyo maareynta

Waxaana intii uu u socday tabobarku masuuliyiintii ka qaybqaadanaysay ka faaiideen aqoon korodhsi muhiim ah, kaasi oo wax weyn ka tari doona habsami-u-socodka hawlaha xafiisyadooda, dhinaca kalana masuuliyiinta Macadka ayaa dhankooda xil weyn is ka saaray hawsha bixinta tabobarka iyaga u soo xuley macalimiin aqoon durugsan u leh tabobarkii ay bixinayeen.
Waxaana gabogabadii loo qabtay munaasabad ka qabsoontay xarunta Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda taasi oo shahaadooyin lagu gudoonsiinyey 27 xubnood oo qaadanayey tabobarka, kuwaas oo is kugu jiray Agaasimayaasha iyo Agaasime-Xigeenada 14 Waaxood ee Wasaaradda.

Xidhitaankii tabobarka waxa hadalo dhiirigalin iyo dardaaran is kugu jira ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md. Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), Agaasimaha Fulinta Machadka Shaqaalaha Dawladda Md. Omer-sayid Qalonbi iyo Agaasimaha Cududa Shaqaalaha ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md. Maxamed Axmed Wayrax, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday mihiimada ay shaqada u leeyihiin tabobarada noocan oo kale ahi.
………………………………………………………….
Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda.
www.slmof.org/ www.som.slmof.org
[email protected]
513856