Hargeisa 05 Feb, 2023 Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Abaal-marino Ku Maamuustay Shaqaaalihii Ku Soo Baxay Liiska Xubnihii Loo Aqoonsaday Shaqaalihii Uugu Wanaagsanaa 2022.

Hargeisa 05 Feb, 2023 {WHM} – Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa munaasabad si heer-sare ah loo soo agaasimay u qabatay 151 ka mid ah shaqaala-weynaha Wasaaradda, kuwaas oo ku soo baxay liiska shaqaalihii uugu wanaagsanaa sanadkii 2022. Shaqaalahan oo laga soo kala xulay dhamaan qaybaha iyo Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda, sidoo kalena is kugu jiray hawl-wadeenada heerarkooda kala gadisan, waxaana kala saaristooda loo maray Habraaca Siyaasadda Maamulka Shaqaalaha Dawladda, kaas oo leh halbeegyo guud oo mucayin ah, saldhigna ay u yihiin arimo ay uugu mudanyihiin kartida iyo anshaxa qofka shaqaalaha ah.

Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda ayaana guulaystayaasha ku maamuusay abaal-marino is kugu jiray shahaado-sharafyo iyo waliba qadar lacag ah, si ay dhiirigalin uugu noqoto guulaystaha maanta iyo ka bariba.

Wasaaradda H. Maaliyaddu iyada oo raacaysa Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lr. 97/2022, isla jeerkaasna maanka ku haysa muhiimada ay leeyihiin qiimaynta shaqada iyo shaqaalaha iyo waliba isla-xisaabtanku waxa ay sanadkii sedexaad shaqaalaheeda u qabatay munaasabad lagu maamuusayo shaqaalihii uugu wanaagsanaa hawl-wadeenadeeda.

Shaqaalaha doorkan loo aqoonsatay kuwii uugu wanaagsanaa dhinaca hawl-qabadka iyo guud ahaan sifooyinka kale ee lagu kala saaro shaqaalaha oo ka koobnaa sida aan sare ku soo sheegay 151 xubnood, 51 ka mid ah waxa laga soo xulay shaqaale-hoosaadka sida; wadayaasha gaadiidka, ilaaliyaasha xafiisyada {Waashmaan} iyo nadiifisooyinka, halka 100-ka kalena ay ka socdeen saraakiisha. Waxaana xusid mudan in shaqaalaha la abaal-mariyey 34% ay ahaayeen haween, kuwaas oo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda ka ah 25%.

Shaqaalaha Wasaaradda H. Maaliyadda ayaa ah kuwo kaalin halbuuule ah uugu jira Qaranka, maadaama ay yihiin kuwa ka masuulka ah ee laga sugayo hawlaha dakhli soo saarka iyo waliba bixinta kharashaadka ay ku hawl-galaan guud ahaan Hay’addaha Dawladdu,

=Wabilaahi Tawfiiq=

 Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

🌐 www.slmof.org/ www.som.slmof.org

📧 [email protected]                                   

☎ 513856

WhatsApp No: + 252-657729999